Habaryar & hallalaad - 08-11-2004
Maansadan Habaryarey & Hallalaad oo soo baxday 8 dii November 2004, waxay timid kadib markay Habaryartey Faaduma AdeerAxmad Maxamuud Guuleed, ay Degmadii Wardhiigley inta ay ii soo karisay Oodkac, oo Go' weyn la soo huwatay, kula soo lugaysay waddadii dheerayd ee Barxaddii Wardhiigley, la soo fuushay Dalcaddii Florenza Hotel ilaa isgoyskii CaliKamiin, kadibna halkaas Bas kala soo raacday ee Ex-Control Balcad, Warshadii Kookada cusbayd iigu keentay, 

iyadoo markay salaaddii subax tukatay la soo dheelmatay, lana soo dhex maratay Tuugo Faragoy ah oo aad mooddo Tabbeelle dariiqyada ka baxay, iyadoo weliba caafimaadkeedu wanaagsanayn, markaas baan aad uga murugooday dhibaatada & Halista aan Habaryartey u sababay, taasi ayaan ku soo xusuustay Alle Jannadii Firdawza haw hibeeyee Abtigay C/Raxiim AdeerAxmad oo aan ilaa 2 ama 3 bil markaan joogaba xoogaa yar ugu soo dhiibi jirey 2 nin oo taar igula shaqey jirey siiba mid ka mid ah, kuna dhihi jirey Abtigey wuu xanuunsanyahay godadkan magaaladan burburtay ma soo mari karee gurigiisa ugu gey, uu mar kastana i oran jirey Mootadaydaan qaatoo gurigaan ugu geeyey, albaabka horuu fadhiyoo ku weesaysanayoon ugu geeyey iwm, balse markaan Abtigey arkay ii sheegay inuu waxa uu u geeyeyba wax tirsan ahaayeen, taas oo aan aad uga naxay, oo intaan is lahaa abti ha ka habaarsan & weliba anoo aadaab ahaan & akhlaaq ahaan ka xishoonayey Abti ha ii yimaado, oo ah Walad u yeeraya Waalid, ay sidaasi ku dhacday, balsi aakhiraan xisaabtamaynaa, in kastoo kii sidaas yeelay uu ninkii isaga dad ugu dhawaa xabbad ku dhiftoo sidaa ku dhintay, maansadaas oo aad u yar balse xusuus weyn iigu fadhisa waxay ahayd:

Qof kastaba hagaajuu lahaa, tuu Hareer maraye,
Abtigaa hayaan kari mayoo, waw Hantaatiqine,
ha ku ridin Hadaamaha Beliyo, meel Habaas badan leh,
Hallalaad haddaad heli kartiyo, Hiil wixii taraya,
ugu gee halkuu joogo oo, Hawl ha soo gelinin,
+
intii aan Hannaankaa wadoon, saa u heerinayey,
ayumbuu Hadiid Tuuga &, Hayr i soo dhacaye!
 
Ha yeeshee Anoon Habaryarey, Halo ku siinaynin,
Huriwaana aan joogo &, Hodon duleedkeeda,
dhulkan uu Hanfiga waalan &, Hudurku yaacaayo,
oo wixii Dariiq haadayaba, Horay ka hooshaaya,
adiguna wixii aad heshiyo, Hilib la dheelmayso,
ood Hiirta Waaberiga aad, Hogogga jiirayso,
 
intii aad Go' weyn huwato ood, Hoos u qari leeday,
ayumbuu Hagoogtaada &, Haahda Tuug  garane,
ma Xaq baa inaan Hilin xumoo, Hula ku qaadisiiyo,
oo aan Dhurwaa hoobaqliyo, Hilida kuu loogo,
+
haddiiseen sidaa kuu hodeen, Hiir ku soo kiciyo,
Hiiftiyo Habaar Waalid waa, lagu halaagmaaye,
sow Huur Jaxiimaad Harkii, laygu hagi maayo ?
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk