Guursada Midgaan, Farmaajiya Khayrrow guursada Gabar Tumaal ah, 25-09-2018
Guud ahaanba soomaalidaa, wada gawaamaysa, 
Farmaajiya Khayrraha Geyiga, Gelinkan loo dhiibay, 
Xildhibaannadaa gaafan ee, Fillada gawriira,
ee inay garaaddiyo yihiin, sheegta guradeenna,

Qabyaaliyo Dir-sooc gaasiroo, gubaya Soomaali,
Haddii uu garaadkiin ka tegey, Guuto-bahallayda,
Shabeel gaatamaayiyo Libaax, dhaqan gabraarlayda,
ku gaamuray Dir-sooc & Gumayn, Gabar walaashooda,

ugu guuri diideen dulmiga, Gaban walaalkooda,
oo belo gar aan loo lahayn, Gaws u riiqanaya,
oo ku kaca wax laga guuray oo, laga galiilyoodo,
oo gubey shahiidkii tegoo, Axmad Mukhtaar gooyey,

la ogaa Gaboygaa goboo, gunina Qayrkiise,
guursada Midgaan iyo Tumaal, Saacan gudihiisa, 
una guursha gabadhiinna kii, Waajib gudanaaya,
oo cudurka nugu gaardinaa, gooya jiriddiisa,

Gu'yaal & gu'yaal baan ahayn, Tawbad garan-waaye,
oo kii wax noo gelayey aan, gelinnay hoostaase,
oon gobnimo ku sheegnana midkii, ina gumaadaaye,
oon gumaysanoo uu walaal, Ciil ku gaamuraye,

God madow inoo qode wixii, saan inoo galaye,
oo wuu na gaasiray midkii, keenay Godobtaane,
Farmaajiya Khayrraha Geyiga, Gelinkan loo dhiibay,
Xildhibaannadaa gaafan ee, Fillada gawriira,
haddii aad Galbeedkaa tagteen, Oosla Gurigeeda,
ood gudaha Alabaama &, Geesta Arizoona,
ilbaxnimada Gaawihi cabteen, Geela lugu maalo,
guursada Midgaan iyo Tumaal, Saacan gudihiisa,
una guursha gabadhiinna kii, Waajib gudanaaya,

Gedda keliya weeyey bulshadu, Guul ku mudaneeye,
oo uga gudbee jaahil iyo, kii gaboodaya e,
Guluf colaadna noogaga haraa, Guuto bahalleeye,

Guursada Midgaan iyo Tumaal, Saacan gudihiisa,
una guursha gabadhiinna kii, Waajib gudanaaya,
ama qira Gumaysiga inaad, Gogol u xaartaane,
dimuqraadku idin gees maroo, jirin garaadkiinna,
oo Gulufku been idinka yahay, Gawda maqashiiya,
oo dhaha afkey naga gashiyo, xarafka goynkaaye,
Cunsuriya gunteedaan-ba nahay, ugu gadaaleeya,
oo sida Guduri laga gar helay, Gorodda laalaadsha,

idinkoo Guddoonkeen hayoo, ina hor gawriira,
qirta inad gasheen Eed ka weyn, Saalax kuwi gooyey,
dulmigana ku garab siiyey kii, gubay maqaarkiisi, 
una guura galbeedkiinni oo, Gaarden-siti aada,
oo gooru goor hore intey, tahayba guureeya,

Haddaydnaan Dir-soocaa gunnimo, xarig u goynaynin,
faruuryaha gafuurkiyo ku yaal, Gorodda laalaadda,
gobolkaad ka timid goorti aad, jagada goobaysey,
Ottawiya Giriiliya u baxa, dhaafa geyigeenna,
oo u noqda Galbeedkiyo halkaad, Qaxa ku gaarteene,
ubadkiinni aad geysateen, shalay gawaan raaci,
oo ceeb la guureeya oo, gorodda laalaadsha,

-----00000------
Farmaajiya Khayrriya xildhibaanna sheegtow,
hadduu yahay garaadkiin, mid ka guuray dulliyo,
is gumaysi 
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk