Guurkiinna u degdega, 21-12-2018
Maxaa Gabarya wiil wacan, oo Guurka sharaftiyo,
Aroos loo gelbiyi jirey, Guurkuu mudnaa iyo,
Garabkuu u baahnaa, Giirkiisi waayoo,
Gelin dhexe habeenkii, Gogoshoo cidlaa iyo,
Goob bannaan is xoqahaya,

waxa saa guddoonshoo, cilladdeeda gaara leh,
amuurahan gurracanoo, Guurkii hor joogoo,
Guryihii dhismi laa, isbaaradi Gurey iyo,
Gubad waalan ku noqdoo, Gabaahiir cidlaa baday,

Guur midkii doonayaba, ibliisaa gubaabshoo, 
ku yiraahda Gabanyohow, Ginigu ha kuu dhigmo oo,
haysu kaa yar gaartee, isasii giiji oo,
u yar kaadi gulufkaan, Guga dambaad guursaniye,

Gabadhana sidoo kale, ku yiraahda Gabaryahay,
Gabdhahaad wax dheertee, xulo Geesi wiiloo,
Doollar iyo Gini haya, kun garaamo Dahab iyo,
Gaari aad u cad iyo, Guri weyno fillaa,
wiilkaan gelibinayn, Gacantaada yuu qaban,

sidaa bay ku gaboobi, ama Gelin dambeetoo,
kala guur la joogey, iyadoo gebgeblayn,
masaafadi gashaa oo, hadba Geesadiir xumi,
markuu yara gamiimoo, dhawr habeen ku gudaba,
ku genaa dalaaqaha,

ama labada Geesood, Gabdhihiyo wiilashaba,
waxa gaasiraayoo, Garab siiya ibliiskoo,
Guurkaba u diidaya, dabci Gurracnaan ama,
Gambashiyo xishood ama, waalid doollar goobi oo,
Gabdhahooda iibsani, oo yiraahda 10 Geel,
ninkan xerada soo gelin, Guursan mayo gabadhayda,

haddaan soo gunaanado, Gebagebada nuxurkiyo,
Gunta hoose an u dego,

Gabdhihiyo wiilashow, xarkihiinna goostoo,
Gaalkaa ibliiskaa, Gacmahaa ku sayroo,
Goor horood ka gaartaan, Guurkiinna u degdega,

si hadduu Gaasir iyo, Gaabis uu yimaadee, ---
Garabkaaga kii kale, uu gebo xilkiisii,
aad uga gadooddood, adigoon Gu' weynaan,
kuna gudbin waqti badan, Geyaankaaga wacan iyo,
u haleesho Gobtii, Guur lugu baraariyo,
Gaaf lugu aqoon jirey.


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk