Gureeyaay Gobaadey (SacdiyasimanGurey), 10-02-2018
Maansadan Gureeyaay oo soo baxday 10-02-2018, waxay ku timid markii aan arkay gabar magaceedu ahaa Sacdiyo gurey ama sacdiyo siman, magacaas oo maalintaas iigu horreeyey, kadibse dibse aan ka ogaaday inay tahay gabdhaha heesa, xilligaas aan arkayey waxay ka sheeganaysey inay lagu ceebeeyey inay tahay Jareer oo keliya, arrinkaas oo ah xaqiraaddii aan ka dagaallmi jirey ee soomaalida dullaysatay, markaa ...

Sacdiyay gureeyaay, Siman iyo Gobaadey,
Gabaryahay asturan oo, Gibilkeeda qarisee,
Guxushaa rag sheegtee, Xiira goomankiisiyo,
tuugadi u goysaay.

kuwa guura bahalkee, habeenkii gabraartee,
garashada diciifkiyo, ka qaraabta gabadhaan,
kala garan waraabiyo, wixii uga gargaaree,
uga diga Gan-weyniyo, Gafanaha ugaarsani,

Goortan an hadlaayuu, i soo gaaray magaciyo,
inaad tahay Gureey siman, oo Ey Gafane ahi,
kugu yiri Genkaakiyo, Guudkaa jareer ku ah,

isagoo Gombaar iyo, Gabar qaawan faanini,
adna tiri Galoofyohow, Caqligii ka goofow,
Gasiinkii daboolliyo, Diqsi kuu dul guurayo,
uma sinna garaaddee, kala garo wanaaggood.

muu oga gobaadey, gibilkaaga madowgaa,
inta Geedka timir ahi, Geeda kale u dheeryahay,
yuu Gibil madow ahi, Gen-caddaaga dheeryahay,

gabdhaheenna madow, maqaar cad iyo goortay,
Cardiif ay u goohaan, labadooda Gini bay,
dukaammada lagu gado, genka Daawo lagu gubo,
uga soo gadaayaan, ee Gibil caddaadkii,
car bal Gibil madowgaa, meel lagu gadaa iyo,
bilyan Giniba ha ku helo!

Sacdiyaay Gobaadey, Gobannimo qofkeed iyo,
Gabar qaaliyaa tahay, iska eeg Giddaafada,
Geerashlayda qayishiyo, Geed aan naxayn oo,
Dheehaagu inuu go'o, Gibilkaagu qayirmo un,
Geeddigiisu ku egyahay, 

waad ogtahay Gobaadey, Toobkiyo Go' shaal iyo,
Goonniyo xijaabkaa, lagu gaaray qurux badan,
Gaaladuba asturnaan, yeysan xiran Guntiinee,
Garanka iyo nigiskiyo, ma gubaan surweelkoo,
gebigood ma xooraan,  

Gibilkuba sidii uun, loo asturo Genkiisuu,
Qurux loogu goohiyo, Darajada ku gaaraa,
Jannadiina ku galaa,

Gabalkuu banneeyee, qaawiyo Genkiisana,
Foolxumay godkeediyo, guryaheedi geysaa,
goortuu go'aayee, aakhiro u guurana,
naar loogu gaabshaa.

ila garo Tusaalaha, hadduu Goobbe waashee,
Shaarica gulfaayee, Geedkiisa cawradu,
Gelef-welefta uu hayo, Dareen loogu goohiyo,
Guur in loo haweystaa, Caqligaysan geli karin, 
 
Gureeryaay Gobeeyaay, Gafanaha Waraabee,
Gawsaha ku dhiigga leh, Ceebta Goofaheediyo,
Miidiyaha Garoowiyo, Gini iyo itaaliya,
Gebigeed adduunyada, Goobaha bannaankaa,
Gabdhaheenna kuwa wara, ceebtooda geynaya,
Gudcurkiyo habeenkana, inuu uun ku gaabsadoo,
ku guureeyo doonaya,

Gamuunkiyo fallaaraha, feerahaa u geliyoo,
Eebbana ka megen gala.

ogow uun Gobaadey, Fuxshigu geddiisaba,
genmid kuma yimaadiyo, galayaxa dharaartii,
oo ibliis Gu'yaal badan, soo gaaray noloshaa,
Giraantiisa maamula,

sidiisana Gantaal iyo, Gamuun kuguma gelayee,
wuu soo gurguurtaa, soo garab wacleeyaa,
adigoon gareyn buu, Guudka kaaga boodaa,

dulliguu gar qaadaa, ruuxa Guulle diiduu,
Darajooyin gaar iyo, Garoommooyin u tolaa,

qof kastoo giddaafiyo, geerashaynta diidaba,
balse heesa Goynkiyo, Geeraarra qaadoo,
Guuguunka sii wada, maalin buu gaboodaa,
Gelingelin Abaar iyo, Gawaan uga wareegaa,

yuusan eyga guunkoo, Caligii ka goofee,
Walaashiisa gabadha ah, inuu Gawska mariyoo,
Goshay qaawinaysiyo, goobaha bannaankaa,
Gaabsiga ku daawado, hadday gudub u yeeshana,
gaaddaha salaaxee, markuu gaaroo tiisii,
Gelin qura ku koobnayd, Gufarkeeda tuuree,
Gawaan uga dhaqaaqaya, gureeyaay ha yeelina, 
  
ee walaal gureeyaay, Gabadheenna wacaney,
yeeli maydin gabay iyo, Geeraarka kaygaa,
oo guux kaleetaa, goonyaha ku yaallee,
inan ahay Gadaal oon, Dib ka gaaray mooyiye,

haddaad weli genneyn oo, Gamuun aan lugula helin,
ood xijaabna gashatoo, Genku kuu asturanyahay,
Goobo Ruux ad aamini, ood geeddankiisiyo,
waanada ka guran ood, guclihiisa yeelee,
misna aan gurbaankiyo, guubaabin heesaha, 

oo haddeer is gaar oo, weydiiso Guulaha,
lagu galo Firdawsiyo, Raaxadan gaboobayn,
laga geeriyoonayn,

haddiised gudubtood, is rogtood gaddoontood,
Gelinkaani maantaa, Qaawani godkeedii,
Geeraarra heesiyo, Gabley aad ku qaadee,
ogow oo gureeyaay, weli geeddigaagiyo,
tawbaddaadi may gurin, gargaar Eebbe kuu furan,
ee ka gaar gureeyaay,

aniguna geddeydana, Guullihi na uuntaan,
guul kaaga tuugaa, kuuguna galliimaa.

-------------------------------------------------



---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk