Maalmihii murugada ama
Googooskii Yaman July 2007
Maansooyinkan yaryar ee aan u bixiyey Googooskii Yaman ama Maalmahaygii murugada, waxay soo
baxeen mar aan sanadkii 2004 tii ka tegey Maansooyinkan yaryar ee aan u bixiyey Googooskii Yaman
ama Maalmahaygii murugada, waxay soo baxeen mar aan sanadkii 2004 tii ka tegey Jabuuti aniga oo
aad u caraysan, caradaas awgeedna xanuunsaday, oo markii aan safarkaas iyo hawlihiisa gelayey sida
tikitkii diyaaradda iwm, aanan si fiican isu kala garanayn oo aan mar qura isku arkay aniga oo dhex
taagan hoteel ka mida hoteellada caasimadda dalkaasi Yaman ee Sanca.

Xilligaas oo miyir aan si fiican wax u kala garto iigu horraysay, Maansooyinka yar yar oo ay soomaaldu u
taqaanno afarrayda ayaan tan u horraysa kula hadlayey C/Casiis Nuur C/Le oo aan ehel nahay aanna
markii aan yaman imid kaddib telefoon kula hadlay kuna iri walaalow meheraddaydii meel cidla ah baan
uga soo dhaqaaqay oo ninkii shaqaalaha ka ahaa iyo ruux bini'aadam ah oo i ogaa ma jirine bal walaalow
dusha kala soco ayaa markaan 3 bilood maqanahay igu yiri walaalow soo dhaqso waad raagtaye yaanay
meheraddu kaa baabi'ine, maansada ku xigtaahina uma baahna faahfaahin, tan ku sii xigtana waxay
tilmaamaysaa markii sal kucu igu dhacay ayaan arkay dad berigaan shaqaynayey ee aan gacanta wax ka
siinayey aad iila dhacsanaa ee markii ay arkeen culayska i fuulay xan iyo wuu kacay iwm la iiga
sheegsheegay, Maansada ku xigtaana taa kama micno foga.

Tan ku sii xigtaana waxan ku xusuustay berigaan wax baranayey in aan ahaa ardayga ugu horreeya
ama 1aad wixii aan baran jirey iyo dhammaan dhaqdhaqaaqaygii bulshaa dhexdeeda, maantase
maadaama aan dhawr iyo toban sano jabuuti joogay oo aan ka soo maqnaa ehelkaygii hoose
dhibaatadan aan la kulmayna aanan helin wax iga caawiya oo baahi hantiyeed ma aanan qabine
waxan aad ugu dhibtooday talo iyo tusaale aan ka kaashado culayska igu cusbaa oo aanan horay u
arag. Maansada ku sii xigtana waxan ku tilmaamayey kulaylkii jabuuti ee xad dhaafka ahaa, qabowgii
saa'idka ahaa ee Sanca iyo colaaddii ka taagnayd Muqdisho.

Tan ku xigtana waxaan kula hadlayey Abshir M. Hiraabe oo loo yaqaan Abshir Tookyo oo aan isna ehel
ahayn oo aan nolol ku ogaa, aniga oo cidlada aan tabanayey iyo lambarrada iga qaldanaa awgood qofkii
aanan maalmo yar arag is oranayey wuu ku gooyey ayaan Abshir Tookyo oo uu labadeenna jufo dhex
maray dagaalladii samanu-jaahiliga ee 4 biloodka loo bixiyey, markaa anoo kula kaftamayey isagana
hadal uga dooc doocinayey ku iri saaxib maxaad iila soo hadli waysey ma qabiil baa ku saameeyey mise
lacagtii telefoonka ayaad iska bixin waysey, arrimahaas oo uu aad uga fogaa waayo Tookyo wuxuu ahaa
nin aan qabaliyo iyo qurunkeeda lala soo ag marin, kuna darsaday bulshaynimo, bashaashnimo iyo farxad
joogto ah oo aan qosolka kala goyn jirin, waxaa intaa u dheerayd inuu ahaa nin ganacsade ah oo deeqsi ah,
taas ayaana keentay in aan gaar uga doorto asaxaabtaydii faraha badnayd si aan farxaddiisii uga kaashado
farxad yaridii ila soo deristay.

Maansada ugu dambaysana waxay tilmaamaysaa markii Telefoon la iigu soo sheegay mid aan aaminay
oo wax iga xaday ayaan si raaciyey maansadii qallinkaygu dul saarraa ee Tookyo.

Haddaba maansooyinka aan 4 taas bilood sameeyey ama tiriyey oo aad u fara badnaa ayaan ka soo qaatay
intii afarrayda ahayd oo weliba iyaga qudhoodu kala maqan, waxayna ahaayeen:-


IGA DAA HAFEEFTA 05-07-2004
Cabdiyow horow soo dhaqsoo soo hadaaf tiriye
uma iman sancoon heello iyo haan ka soo tumo e
hurgumiyo harraad bay kacshoo haarrig bay raraye
anigoo hayaamaan arkoo ruux la haajiraye
hohobtii jannaan kuu hagiyo heer la mahadshaaye
iga daa hafeeftoo walaal deyso hadalkaaga.


HANFI & KULAYL 05-07-2004

Hareeraha jabuutiyo muddaan holhol ku hawllaaye
hanfi iyo kulayl bay heliyo holanki eeroone
hawo rogo xagaagaan iroo haatan soo tegaye
mase hubo inuu haarrig iyo hiif intaa yahaye
iga daa haydaartaas cabdow hiilkay baad tahaye.



KUWAN FAANTO SIISIIN JIREY 05-07-2004

Anigoo fayow oo fogaan faradugleynaaya
fadad iyo firaar baygu dhacay oon la fooraro e
kuwan faanto siisiin jiraa fooro igu tuuray
eebbow adaa foor ahoon luguna fiijayne
iga fowsi duulkaan fardane fuudka caabbudaya.



ADIGAAN CAZIIZ KUU CAWDAY 07-07-2004

Mar hadduu calooshiyo cagtaa cudur ku cuuryaansho
ood maal cirkaa gaara iyo cududna aad wayso
kii shalay cisada kuu hayaa kugu calyoonaaye
adigaan casiis kuu cawdoon kuuna ciirsadaye
cafigaaga igu caafi oo caawa ha i dhaafin.


TAWAAWAC 07-07-2004

Inkastoon tan iyo taas aqaan tiro aqoontiiya
oo haddii hagaag loo tartamo teyda laga quustay
teedkii tol baan waayey iyo tiir i tiiriya e
adigaa tanaadoo tawaab taadu toos tahaye
iga tuur tawaawaca dhibkaan tuurta iga fuulay.


QULUB CULAADEED 18-07-2004

Xagga waa kulayl uga qax iyo qaad la raamsanayo
xaggan waa qabow uga tag iyo qiiq sigaar uraya
xagga waa qabaar qaaxo iyo miino qaraxeede
dunidii qiyaamaa dhiciyo qabar colaadeede
eebbow adaa qaaddiroon kuuna qayshadaye
qabar khayr leh oon qoon lahayn noo qarrari maanta.



TOOKYOW TANAAD BAAD AHAYD 12-07-2004

Tookyow tanaad baad ahayd tanya ogaanteeye
tulud geelna kuu taallay iyo tii lacagaheede
waadigaan i tebin sidan u tegey oon i tirineyne
ma anaan tolkaagiyo ahayn teedka gurigaaga
oo taws qabiil baad tebtoo kugu tallaallaydna
mise taag darraa timidday ood taakula ad dooni ?



TOOKYOW ADAA TOOSAN 24-04-2004

Tookyow adaa toosanow kugu tallaalayne
nin qab-iil ku taamaa tawaab tawba dhihi waaye
awal buu nin tuug ahi bahdii taakulayn jirine
waxa uu tasoobee tolkii laga takooraaba
ee uu tallaabada xadee tooshna lagu goobo
isagoo tarriiq jeexayey toogashow imane
eebahey taxaab tiif muxuu tacaddi noo geystay ?
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk