Maalmihii murugada ama
Googooskii Yaman, July 2007
Maansooyinkan yaryar ee aan u bixiyey Googooskii Yaman ama Maalmahaygii murugada, waxay soo baxeen mar aan sanadkii 2004 tii ka tegey Jabuuti, aniga oo aad u caraysan, caradaas awgeedna xanuunsaday, oo markii aan safarkaas iyo hawlihiisa gelayey, sida tikitkii diyaaradda iwm, aanan si fiican isu kala garanayn, oo aan mar qura isku arkay aniga oo dhex taagan Hoteel ka mida hoteellada caasimadda dalkaasi Yaman ee Sanca.

Xilligaas oo miyir aan si fiican wax u kala garto iigu horraysay, Maansooyinkan afarrayda ah, ayaan tan 1aad kula hadlayey C/Casiis Nuur C/Le, oo aan ehel nahay, aanna markii aan Yaman imid kaddib telefoon kula hadlay, kuna iri walaalow meheraddaydii meel cidla ah ayaan uga soo dhaqaaqay, oo ninkii shaqaalaha ka ahaa iyo ruux Bini'aadam ah oo i ogaa ma jirine, bal walaalow dusha kala soco, ayaa markaan 3 bilood maqanahay, igu yiri walaalow soo dhaqso waad raagtaye yaanay meheraddu kaa baabi'ine, tan 2aadna umay baahna faahfaahin, tan 3aad waxay tilmaamaysaa markii sal kacu igu dhacay, ayaan arkay dad berigaan shaqaynayey ee aan gacanta wax ka siinayey aad iila dhacsanaa, ee markii ay arkeen culayska i fuulay, Xan iyo wuu kacay iwm la iiga sheegay, tan 4aadna taas kama micno foga.

Tan 5aad, waxan ku xusuustay berigaan wax baranayey in aan ahaa ardayga ugu horreeya wixii aan baran jirey, iyo dhammaan dhaqdhaqaaqaygii bulshaa dhexdeeda, maantase maadaama aan dhawr iyo toban sano jabuuti joogay, oo aan ka soo maqnaa ehelkaygii hoose dhibaatadan aan la kulmayna aanan helin wax iga caawiya oo baahi hantiyeed ma aanan qabine, waxan aad ugu dhibtooday talo iyo tusaale aan ka kaashado culayska igu cusbaa oo aanan horay u arag. tan 6aad, waxan ku tilmaamayey kulaylkii jabuuti ee xad dhaafka ahaa, qabowgii saa'idka ahaa ee Sanca iyo colaaddii ka taagnayd Muqdisho.

Tan 7aad waxaan kula hadlayey Abshir M. Hiraabe oo loo yaqaan Abshir Tookyo oo aan isna ehel ahayn oo aan nolol ku ogaa, aniga oo cidlada aan tabanayey iyo lambarrada iga qaldanaa awgood qofkii aanan maalmo yar arag is oranayey wuu ku gooyey ayaan Abshir Tookyo oo uu labadeenna jufo dhex maray dagaalladii samanu-jaahiliga ee 4 biloodka loo bixiyey, markaa anoo kula kaftamayey isagana hadal uga dooc doocinayaan ku iri, saaxib maxaad iila soo hadli waysey, ma qabiil baa ku saameeyey mise lacagtii telefoonka ayaad iska bixin waysey, arrimahaas oo uu aad uga fogaa waayo Tookyo wuxuu ahaa nin aan qabaliyo iyo qurunkeeda lala soo ag marin, kuna darsaday bulshaynimo, bashaashnimo iyo farxad joogto ah oo aan qosolka kala goyn jirin, waxaa intaa u dheerayd inuu ahaa nin ganacsade ah oo deeqsi ah, taas ayaana keentay in aan gaar uga doorto asaxaabtaydii faraha badnayd si aan farxaddiisii uga kaashado farxad yaridii ila soo deristay.

Maansada ugu dambaysa ee 8aad, waxay tilmaamaysaa markii Telefoon la iigu soo sheegay mid aan aaminay oo wax iga xaday ayaan sii raaciyey maansadii qallinkaygu dul saarraa ee Tookyo.

Haddaba maansooyinka aan 4 taas bilood sameeyey ama tiriyey oo aad u fara badnaa ayaan ka soo qaatay intii afarrayda ahayd oo weliba iyaga qudhoodu kala maqan, waxayna ahaayeen:-

1- IGA DAA HAFEEFTA, 05-07-2004
Cabdiyow horow soo dhaqsoo, soo hadaaf tiriye,
uma iman Sancoon heello iyo, Haan ka soo tumo e,
hurgumiyo harraad bay kacshoo, haarrig bay raraye,
anigoo hayaamaan arkoo, ruux la haajiraye,
Hohobtii jannaan kuu hagiyo, Heer la mahadshaaye,
iga daa hafeeftoo walaal, deyso hadalkaaga.

2- HANFI & KULAYL, 05-07-2004
Hareeraha jabuutiyo muddaan, Holhol ku hawllaaye,
Hanfi iyo kulayl bay heliyo, Holanki eeroone,
Hawo rogo xagaagaan iroo, haatan soo tegaye,
mase hubo inuu Haarrig iyo, hiif intaa yahaye,
iga daa haydaartaas cabdow, hiilkay baad tahaye.

3- KUWAN FAANTO SIISIIN JIREY, 05-07-2004
Anigoo fayow oo Fogaan, faradugleynaaya,
Fedad iyo firaar baygu dhacay, oon la fooraro e,
kuwan Faanto siisiin jiraa, Fooro igu tuuray,
Eebbow adaa Foor ahoon, luguna fiijayne, 
iga fowsi duulkaan fardane, Fuudka caabbudaya.

4- ADIGAAN CAZIIZ KUU CAWDAY, 07-07-2004
Mar hadduu calooshiyo Cagtaa, Cudur ku cuuryaansho,
ood maal cirkaa gaara iyo, Cududna aad wayso,
kii shalay Cizada kuu hayaa, kugu calyoonaaye,
adigaan Caziiz kuu cawdoon, kuuna ciirsadaye,
Cafigaaga igu caafi oo, Caawa ha i dhaafin.

5- TAWAAWAC, 07-07-2004
Inkastoon tan iyo taas aqaan, tiro aqoontiiya,
oo haddii hagaag loo tartamo, tayda laga quustay,
Teedkii Tol baan waayey iyo, Tiir i tiiriya e,
adigaa tanaadoo Tawaab, taadu toos tahaye,
iga tuur Tawaawaca dhibkaan, Tuurta iga fuulay.

6- QULUB CULAADEED, 18-07-2004
Xagga waa Kulayl uga qax iyo, Qaad la raamsanayo,
xaggan waa Qabow uga tag iyo, Qiiq sigaar uraya,
xagga waa Khabaar Qaaxo iyo, Miino qaraxeede,
dunidii Qiyaamaa dhiciyo, Qulub colaadeede,
Eebbow adaa qaaddiroon, kuuna qayshadaye,
Khabar khayr leh oon Qoon lahayn, noo qarrari maanta.

7- TOOKYOW TANAAD BAAD AHAYD, 12-07-2004
Tookyow Tanaad baad ahayd, tanya ogaanteeye,
Tulud geelna kuu taallay iyo, tii lacagahayde,
waadigaan i tebin sidan u tegey, oon i tirineyne,
maanaan tolkaagiyo ahayn, Teedka gurigaaga,
oo Taws qabiil baad tebtoo, kugu tallaallaydna,
mise Taag darraa timidday ood, Taakula ad dooni?

8- TOOKYOW ADAA TOOSAN, 24-04-2004
Tookyow aduu toosanow, kugu tallaalayne,
nin qab-iil ku taamaa Tawaab, Tawba dhihi waaye,
awal buu nin tuug ahi, bahdii taakulayn jirine,
waxa uu tasoobee tolkii, laga takooraaba,
ee uu tallaabada xadee, tooshna lagu goobo,
isagoo Tarriiq jeexayey, Toogashow imane,
Eebahey taxaab Tiif muxuu, tacaddi noo geystay?
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk