Googoos 2
QADDAR NAGA HORREEYEY, 23-12-2004
Inkastoon Anigu qaabsadoon, qaadi sababteeda,
Qaddar naga horreeyuu Khaliif, Qaaddirkeen qoraye,
iyadoon Ninkaan qaylin een, Qaaqdi lagu toosin,
Hooyadiina ay quudin oy, siinnin Quullahana,
Cadow bay qarsanayoon Walaal, ugu qalnaa meele,
Deeqow markaan qayb gelshoon, Talo ka soo qaatay,
Adiguuba kuu qiray inaad, Qiiro leedahaye,
iga qabo Dacwaan soo qoraa, aad u qiro wayne.
 
IILKAA NALOO HAGI, 27-06-2005
Haddaan Laydha raacdiyo haddaan, Samada laacnaaba,
Iilkaa naloo hagahayaa, lama huraankiiye,
Qof kastaba Lurkuu geystay baan, lugu labeyneyne,
inta Neeftu laalaabanee, Labaca meeleeya.
 
WAANIGAA TEGEY MUXUMMADOW, 24-04-2004 22:30
Eebbahay Tawaab tuu qoraan, laga taxaashayne,
Qofkaan taxaddareyn Tiixa Roob, Tacaddi weeyaane
anigoo tilmaamaa ayaan, Tuduc samaynaahe,
Telefoonki baan toos u dhigay, Miiska Taajka ahe,
waanigaa tegee Muxummadow, toosi Shaqadeenna.
 
FAKIS & HADDUU TAAR YIMAAD, 25-04-2004 08:50
Cabdiyow adaa furi karoy, kuu fudayd tahaye,
Fahmad iyo waxaan kugu ogaa, Hadal la faaqido e,
Fakis iyo hadduu Taar yimaad, Fiiq lahoo lalaya,
u fiirsee maxaa lugu falaa, Faanku Ceeb noqoye?
 
FAYSALOW,  25-04-2004 16:56
Fadal iyo Anoon Faysalow, Faan u oranaynin,
Faxal iyo Fariid fiican iyo, Faahim baad tahaye,
ereyadan haddaan fiirshey oon, soona faaqidayna,
uma oran Fudayd Faalal iyo, Farato maansaade,
Laabtay ka soo fooftay iyo, faro dambeedkiiye,
Faqri iyo lagaa kori Fallaar, Faataxaan maraye.
 
TIRO LACAGA BAA TAALLEY 25-04-2004
Ina Nuur Tawaaddiyo Tuxfaha, Taabac baad tahaye,
meeshaad ku taagnayd markaad, Taarka diranaysey,
Tiro lacaga baa taallay oo, looga tegey meele,
in ay kaa tasowdiyo inaan, Tuur kalow tebiyo,
labadaa ayey taagantee, Talo ka soo jeedi .

Maroodi iyo Sagaaro is qaba!
Maroodiyo Sagaaraa is qaba, Reerna maamulaya,
Maankayga geli mayso oo, waan ku maadsadaye,
Soo mooti Miid kale haddaad, Mudane ii hayso?
Qofba Dhimirki buu Xilku dhibi jiree

Ma Dhabcaal ayaa Xildhibaan noqaa?
 
LABADII MITIR,  28-06-2005
 Haddaad Laydha raacdiyo haddaad, Samada laacdaaba,
laba Mitirya Leebkii Wedbaa, lama huraankiiye,
Qof kastana Lurkuu geystey baan, lugu labeyneyne,
inta Neeftu laallaabanee, Labaca meeleeya.
 
BUSHINTOODA BUUS, 22-04-2007
Bisinkaaga Barakadi Allow, kuwa ku Been dhuuman,
oo Caasi sii biirshey oo, Diinta burinaaya,
Bushintooda buusoo Allow, Ruuxa uga booti,
oo kuwa badbaadinaya Diin, baaji Xumahooda.
 
IMMIKAY FUDAYD TAHAY, 22-04-2007
 Naxariis Adoo faagan baad, Dhibo u foortaaye
waxay haatan Faru gaarto ood, Cumar fogayneyso
waa Wiilka Fuxush qaawiyaa, Faro dhexdoodaasi
inta aad ka foorarin Rab aan, Farasna gaaraynin,
imminkay fudayd tahee Walaal, aad bal ugu fiirso.
 
FULAY WEEYE AAMMIIN, 24-05-2007
Fulay weeye Aammiin fakada, fiigayoo carara,
ma hubsado haddey Fiin kacdee, fararaklaynayso,
sidu Libaax ku soo faalaluu, faradugleeynaayo
ayuu Oradka Firadiisa uu, Fadalki muuqdaaye,
Allow Faxane Wiilkaan ka yeel, Geesi firanaaya,
oo Diinta fahamsii haddana, Faataxaan maraye.

13-05-2007
Ninkii Hiillo iga doonayee, Hooyo u ducaysay,
Aakhiro day oo daa Adduun, kuuma daa'imo e.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk