Googoos


QADDAR NAGA HORREEYEY 23-12-2004

Inkastoon Anigu qaabsadoon qaadi sababteeda
Qaddar naga horreeyuu Khaliif Qaaddirkeen qoraye
iyadoon Ninkaan qaylin een Qaaqdi lagu toosin
Hooyadiina ay quudin oy siinnin Quulahana
Cadow bay qarsanayoon Walaal ugu qalnaa Meele
Deeqow markaan qayb gelshoon Talo ka soo qaatay
Adiguuba kuu qiray inaad Qiiro leedahaye
iga qabo Dacwaan soo qoraa aad u qiro wayne.


IILKAA NALOO HAGI 27-06-2005

Haddaan laydha raacniyo haddaan samada laacnaaba
iilkaa naloo hagahayaa lama huraankiiye
qof kastaba lurkuu geystay baan lugu labeyneyne
inta neeftu laallaabanee mabaca meeleeya.


WAANIGAA TEGEY MUXUMMADOW 24-04-2004 22:30

Eebbahay Tawaab tuu qoraan laga taxaashayne
qofkaan taxaddareyn tiixa roob tacaddi weeyaane
anigoo tilmaamaa ayaan tuduc samaynaahe
telefoonki baan toos u dhigay miiska taajka ahe
waanigaa tegee muxummadow toosi Shaqadeenna.


FAKIS & HADDUU TAAR YIMAAD 25-04-2004 08:50

Cabdiyow adaa furi karoo kuu fudayd tahaye
fahmad iyo waxaan kugu aqiin hadal la faaqido e
fakis iyo hadduu taar yimaad fiiq lahoo lalaya
u fiirsee maxaa lugu falaa faanku ceeb noqoye ?


FAYSALOW  25-04-2004 16:56

Fadal iyo Anoon Faysalow Faan u oranaynin
faxal iyo fariid fiican iyo faahim baad tahaye
ereyadan haddaan fiirshey oon soona faaqidayna
uma oran fudayd faalal iyo farato maansaade
laabtay ka soo fooftay iyo faro dambeedkiiye
faqri iyo lagaa kori fallaar taataxaan maraye


TIRO LACAGA BAA TAALLEY 25-04-2004

Ina Nuur tawaaddiyo tuxfaha taabac baad tahaye
meeshaad ku taagnayd markaad taarka diranaysey
tiro lacaga baa taallay oo looga tegey meele
in ay kaa tasowdiyo inaan tuur kalow tebiyo
labadaa ayey tubantahee talo ka soo jeedi .


Maroodi iyo sagaaro is qaba!

maroodiyo sagaaraa is qaba reerna maamulaya
maankayga geli mayso oo waan ku maadsadaye
soo mooti miid kale haddaad mudane ii hayso ?


Qofba dhimirki buu xilku dhibi jiree
ma dhabcaal ayaa xildhibaan noqaa ?


BUSHINTOODA BUUS 22-04-2007

Bisinkaaga barakadi allow kuwa ku been dhuuman
oo caasi sii biirshey oo diinta burinaaya
bushintooda buusoo allow ruuxa uga booti
oo kuwa badbaadinaya diin baaji xumahooda.

IMMIKAY FUDAYD TAHAY 22-04-2007

Naxariis adoo faagan baad dhibo u foortaaye
waxay haatan faru gaarto ood cumar fogayneyso
waa wiilka fuxush qaawiyaa faro dhexdoodaase
inta aad ka foorarin Raba aan farasna gaaraynin
imminkay fudayd tahee walaal aad bal ugu fiirso.

FULAY WEEYE AAMMIIN 24-05-2007

Fulay weeye aammiin  fakada fiigayoo carara
ma hubsado haddey fiin kacdee fararaklaynayso
sidu libaax ku soo faalaluu faradugleeynaayo
ayuu orodka firadiisa uu fadalki muuqdaaye
allow faxane wiilkaan ka yeel geesi firanaaya
oo diinta fahamsii haddana faataxaan maraye



                               13-05-2007
Ninkii hiillo iga doonayoo hooyo u ducaysey
aakhiro day oo daa adduun kuuma daa'imo e

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk