Goobta Tuhunka, Geerida Rugteed, Guriga Eedaale 24-09-2015
Maansadan Godkaas geliyadaa taalla, soo baxday 24-09-2015, waxay ka hadlaysaa jahawareerka ku dhacay ummaddii soomaaliyeed, iyo thuhunka lugu dhammeeyey, ee qofka qaab naftiisa loo gooyaba uusan sina ku baxsanayn, oo ciddii qabataaba ku eedaynayso dhanka kale ee iga soo hor jeeda ayaad taageersantahay, waa tan:

Goobta Tuhunka Geerida rugteed, Guriga Eedaale,
Geyigii Somaalidu lahayd, waxakan goofeeyey,
Guuxaa Dadweynaha ayaan, soo gudbinayaaye,
Unuunkaan ku goynaa haddaad, sheegto Gefafkayga,
Guullaan ka megan gelahayaa, garashadaa gaaban.

Gar haddii ad leedahay Shabaab, geyfanaad tahaye,
geeya Tiirka dila oo Godkaa, geliyadaa taalla,

Inkastood Gafuur weyntahoo, Quruxi kaa guurtay,
ood Sunnadi gaarkiyo lahayn, Gedo Islaameedba,
in unuun la gooyaanan garan, geeddankii qoraye,
Gole Dawlo weeyee godkaa, geliyadaa taalla,

Garka xiiran Baafaha ku weyn, Suudka kugu gaafan,
Xildhibaanka dila oo Godkaa, geliyadaa taalla,

Kitaabkii gaboobiya Tusbaxa, Garabka kuu saaran,
qabuuruhuu galaa ee godkaa, Geliyadaa taalla,

Haddii uu gugaaguba yaryahay, Gelinka maantaana,
Garabyo uu miduba Garabka kale, Gumuc la raadaayey,
xagga kalaad Guruubkood tahaa, Gogosha kuu taale, 
oo koodi gudubkaa arkaa, wuu ku genayaaye,
garan mayno waxa dile godkaa, geliyadaa taalla

isaga oon qolona eed ka gelin, dunida guudkeede,
Xamarweyne gees marahayoo, Gacan ka laafyooni, 
Dabley aan la garan haybta baa, Genay addoonkaase, 
naga qaada maydkoo Godkaa, geliyadaa taalla,

Hadday shicibka gooyiyo u taal, Gaadmo ku idleeya,
isaguna Qabyaalada u guban, Guulle dhaafsanayo,
Guruubkuba Qabiil weeye iyo, Guuto uu dumaye,
Gebigoodba soomaalidaan, Qoray la gaamaysa,
in uun Geyiga loogaga qaxey, Talo ku goosteene, 
wixii noo gargaariyo wixii, Guri san noo hooyi,
Guullow adaa garanayee, Guga San noo hoori.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk