Allow yaa abwaan, 30-12-2005
Maansadan Gole Abwaan oo soo baxday 30-12-2005 waxan tiriyey markii aan arkay sida Dadka Mu'allifiinta ah, xitaa kuwa aan Diinta wax aqoona u lahayni (uga hadlaan waxa dhabta ah ee markaa jira & waxa dhici doona saadaalintooda (Cilmul qayb ma ogee) Alle ku ilhaamiyo afkooda, oo xitaa Diintu si toos ah u sheegayso Gabayga in wixii fiican laga qaato sida Xadiis ku yiri: Gabayga Xikmad baa ka mida, Allena aayad ugu yiri: Dadka si Xikmad ah xaqa ugu yeera, taas oo muujinaysa Gabayga iwm,

Haddaba waxaan xusuustay Gabayo badan oo abwaaniin hore ku tirisay Dowladdeennii Millateriga oo ay ku Berigaas ku sheegeen waxa maanta dhibaato haysta Ummadda Soomaaliyeed, sida Allaha u naxariistee, Abwaan C/Qaadir Xirsi Siyaad (Yamyam) uu yiri:

War intuunan Walaaqyaye Dadkaan, Webiga sii raacin,
wax dambood ka eegtaani waa, Woow Ya' lagu reebye, (1974 tii),

Webigiina waa tan Soomaalidii ku dhammaatay Badda yaman ilaa Yurub, Wow Ya' lagu reebna waataa Soomaalidu WAY da gurtay kaba soo billaw markii Waqooyi Diyaaradaha lagu garaacayey iyo Gobollada Bari iyo kuwa dhexeba wixii ku dhacayey, iyo ilaa maanta Wayda yeeraysa.

SidaaD, hadduu oday M Siyaad berigaas samayn lahaa Gole ama Baarlaman Abwaaninta u gaar ah, ee uu ku yiraahdo bal saadaaliya Maamulkayga iyo waxa qaldan iyo waxa iman doona, kaddibna uu kala dhex baxo wixii ay ku kulmaan, xaalkan maanta jiraahi ma jireen, blase Cadow bay Dowladdii ka dhigatay Mu'allifiintii berigaas ilaa uu Yamyam ka yiri:

Waayeel dhabbtii diidayaan, Samo ka dhawraaye,
Weji 2 dhan igu eegayaan, Hadal dhacsiiyaaye,
Wiyil dheregsan baan ula qoslaa, sida dhallaankiiye,
Laba webi dhexdood baan Harraad, Beerka dhigayaaye,
jiilaal Abaaruhu dhaceen, dheefna la is waayey,
Haddii uu Caddayskooda dhamo, Reerka kii dhaqayey,
Naas hooyo kaan loo dhigayn, sow dhanqalac maaha?,

Marka gabaygaas oo dheeraa & kuwo la mid ah oon waxba lugu qaadan ayaa keenay inaan dhawrkan bayt sameeyo, waana kuwan:- 

Khalad aad adigu geysataad, Gocosho reentaaye,
Goor iyo ayaan buu Abwaan, Gabayo reebaaye,
oo Gayshka uga sii digaa, Reerka gubi doona,

haddii lagase Gaws diido ee, lagu gaboodaana,
Qoomkoo gamaaroo God iyo, Goosan lagu laayey,
ayum bay u guuxaan Gadaal, Gabayadiisiiye,
oo ay Shallaay gaardiyaan, Gebi Dadkiisiiye,

Gole Abwaan ku shawree ku saxo, waxan gaboodayno, 
Allow yaa u dhisa Guurti oo, Gole u maageera,
oo yaa Gasiinka u dhigoo, Gaajada ka dhawra,
oo yaa yiraa Gaabiskiyo, Gubaha noo sheega,
oo Diinta kii gees maraa, Gabay ku ceebeeya,
oo Khayr na gaarsiinayana, Gabay ku taageera,

Qaar baana inan Gabay ahoon, Darajo goobaayo,
Qalbigooda gelin oo Dadkaan, aad u garanaaye,
ee Gooni yaa iga dhigoon, Goobta igu biirin !

Gef lagaa galaa laga samraa, lagana guuraaye,
Ajir baana laga goobayoo, waa Gar ereygaase,
ha yeeshee kuwaan Gelin horiyo, Gooshka iman doona,
midna aan garayn oon ilmaha, dhaafin Gogoshooda,
Taariikhda yaa Geeddi iyo, Sharax ku gaarsiiya,
oo Qabiil gabaahiira oo, Guluf un joogteeyey,
iyo kii gumaadiyo u qora, Magaci googooyey,

Culummadi la gawracahayee, Goofka lagu laayey,
iyo Dulumki lagu gelahayee, Ruuxi lagu gooyey,
Gardarradan Gabbaad iyo lahayn, Geedo lagu kaayo,
Guxushaa dambiyo saan Guduri, nooga gelin Eedo,
Gabar iyo Gurboodkaba yaa, Gebi ogaysiiya,
oo yaa Garaadkooda iyo, geliya laabtooda.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk