Gobollada dhexe (oday guudka cirradu buuxdo oo gabax yiroo jeeda), 20-05-2015
Gobollade dhexe ----
Gablamee

garaadkiyo maxaa qiimihii, tiray geyaankooda,
gar Allee maxay uga go'een, dunida guudkeeda,
waagii guduutaba dib bay, gudub u guuraane,
oday guudka cirradu buuxdo oo, gabax yiroo jeeda,
oo gasiinkiyo dhuunigii, goostay goor horeba,
oo aakhirow guurayoo adduun, goor dhaw ka xijaaban,
Gaban iyo muxuu ubax diloo, gabar agoonteeyey,
ee ubadki goynaaya oo, dhiiggu gobo'leeyo,
Gablan iyo muxuu Gaawe maran, ugaga guullaamay,
qabaliya maxaw gaafay oo (caabbudoo), Guulle caasiyana, ----
Caro guullihiisii muxuu, ugu garaam qaatay,

muxuu garabka ceeb saartay oo, guunyo uga dhawray,

haddaanay gumaadinoo abaar, goynin noloshooda,
oo gugu da'oo uu Ilaah, galalka buux dhaafsho,
gumuc iyo rasaas bay gurtaan, gabannadoodaaye,
odayada wax garadkaa xaggey, -------------,

haddaanay gadoodinoy bulshadu, geesahaa jebinin,
wallee inu ----
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk