Gobi waa Gaboygoo, Gaboygaa Gobta ah,
Gunna waa cadawgiis, 23-09-2005
Sidan wada ognahay, tolkey soomaali sheekada ayey aad u jecelyihiine haddaad doontaba sheeko ka dhigoo, Maansadan yar ee GOBI WAA GABOOYGA soona baxday 23-09-2005, waxay ku saabsantahay dadka ama qabiillada is qaadqaada, ee wax aysan ahayn is mooday, waxanna mar kasta Alle weydiistaa inuu kuwaas xilalka iyo mas'uuliyadda dalkeenna ka ilaaliyo, nooguna dhiibo kuwa lugu xaqiro oo keliya wanaagga iyo sharafta ay leeyihiin darteed, iyo shaqada farsamada heerka sare ah ee ay dad & dalba noo qabtaan, shaqadaas oo aannu uga dhigno cillad iyo dembi aynaan gabdhahooda ku guursan wiilasheennana u guurin.

Bal u fiirso, kan birta noo tuma ee nooga sameeya dhammaan wax aan u wada baahannahay sida qalabka beeraha ee Faaska, Masaarta, Godinta, Gerweynta, Shookada iyo wax aanan halkan ku soo koobi karin iyo weliba nolosha oo idil sida qalabka guryaha looga adeegto ee Digsida, Dhardhaarrada, Xeeryaha, Guraha, Middida iwm, tan la isku difaaco sida Waranka, Gaashaanka, Toorreyda, iwm, waxaas oo idil oo uu noo tumo ayaannu ceeb iyo dembi uga dhignay oo waxaan u bixinnay TUMAAL, sidoo kale kan Badda nooga soo saara Kalluunka, Mujawharaadka iyo Luulka waxannu niri waa JAAJI, kan timaha noo jara ee intuu noo nadiifiyo noo qurxiya waxaannu niri waa TIMAJARE, kan maqaarka intuu midgeeyo oo nadiifiyo, nooga dhiga Kabo & Boorsooyin iyo wax walba oo aannu u baahannahay waxaan niraa waa MIDGAAN oo xitaa ma aaynaan xishoon oo haddii aannu dembi iyo dulmi gelayno uma aynaan raadin magacyo kale oo aan isku qarinno ee, magacyada aannu ceebta uga dhigayno waxaannu la raacnay farsamadii uu noo hayey magaceedii oo ah waa midgaan oo wax buu midgeeyey, sidoo kale kan noo sameeya dharka aannu ku lebbisanno sida Alindiga iwm waxan niraa waa YAXAR, kulligoodna waxan dembi uga dhignay oo aan ku xaqirnay oo ku yasnay waa hawshaas qiimaha badan ee ay noo qabteen oo keliya, halka dadka kale ee ajnebiga ah aysan jirin hal hawl oo aannu ku ceebayno, iskaba daa taase xitaa haddii ay wax nala xun sameeyaan waan ku ammaannaa oo aannu dhahnaa Shaarkani dibedda ayaa laga keenay oo waa Eestaro.

Markaa dulmigaas & caddaalad darradaas aannu dhaqan ka dhigannay waxay dhalisay in xitaa haddii Xil naloo dhiibo isla daqiiqadda nala magacaabo ayaan dad iyo duunyo wixii aan aragno cagta marinaynaa mid aan dhacno iyo mid aannu laaluushno iyo mid aannu xirno, annagoo magacyo qabaliyo ee shaydaan adeegsanayna, calaa kulli xaal maansadan oo aad u yar waxa ay leedahay:- 

Gabooyuhu waa Geed galoo, 

Gobi waa Gaboygee Allow, geli garaadkeenna,
Allow yaa Qabiil gooya oo, Geeri ku ogaada,
oo yaa guddoon nooga dhiga, kii wax noo gelaya,
Gardarrada Allow yaa guboo, gaar uga istaaga,
Dadkii aan gumaynee ahaa, guudka nolosheenna,
Gaboygaa gobtaa oon Farsamo, gaarin ruux kale e,
waana sababta loo gooyey oo, loo Gabood falaye, 
Allow yaa Gabooyaha yiraa, gaarka naga haaya,
Ajidaana gaabsada yiraa, Gaajo baad tahaye!
 
Allow Goodirkiyo Cawl kuwaa, Goosha dilanaaya,
Allow yaa Ammaan guud dhigoo, siiya Gabadheenna,
oo kuwa Gob baan nahay yiree, gooyey Ubadkeenna,
Gini iyo Galbeed geeya oo, Guluf ku raacdeeya!
 
Laba jeer God uu Muummin galay, waa ged aan dhicine,
oo Haan guntaa laga tolaa, Gucun horaadkeede,
ee yaa Gurbood Diinta bara, Gabarya Wiilkeenna,
oo Dummarka guursada middii, Diinta garanaysa,
oon Magac Gidaar iyo Galool, Gawlallo u eegin,
ee Ruuxu wuxuu gooyo iyo, wuxu gelaa eega.
 
Mid Qabiil ku guuriyo waxaa, nugu gabraaraayey,
kuwo jaray Geyaankeenni iyo, Guuto bahalleeye,
adoo gacan bannaan oo Faqrigu, kugu dul gawdiido,
inad Kibir la goohdood midkaad, Gacanta hoorsaysey,
walaalkaagi goydiyo weliba, Gabar geyaankaaya ,
waa Guulle caradiisi oo, Gaawo laga buuxshey,

ee wuxuu Qabiil nala gulfoo, nala Gawaan raaco,
Gafuur weyne Soomaali oo, Guud ku bahalloobay,
Caqli gaab gumaadid un yaqaan, Geeri u hilooba,
Gen naxaba midan loo aqoon, Garasho daa taase,
Shaydaan Garooma leh Hunguri, gooba wuxuu daaqo,
oo Garaaddo loo soo toloo, Duul xun u garbeeyo, 
Gaaliya ka yaabiyey Islaam, Dunida guudkeeda,
Cadowneenna gaamuray Harkii, Hoosta noo geliye,

Allow yaa Gefkii hore saxoo, fura Garaadkeenna,  
oo yaa Ninkii Guur rabee, garan Ilaahiisa,
oo inuu xilkaa gudanayana, Goobta ka caddeeya,
Galbeed iyo Gobeeya u dhisoo, Garab istaagnaada. 
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk