Geesigee bareeraya? 30-09-2010
Maansadan Geesigee bareeraya oo soo baxday 30-09-2010, uma baahna wax faahfaahin ah, oo way iska muuqataa in ay ka hadlayso Cuqubada 2aad ee magacii Soomaali dhulka la galay, marka laga soo tago Cuqubada 1aad ee xaqiraadda hooyada soomaaliyeed taas oo keentay in inkaar fac-ka-fac ahi  dhigaashamo, wuxuu berigii hore soomaalida, inyar-inyar u laayana, uu sannadahan dambe hal mar ku soo fatahay, ee uu tarab-tarab u laynayo, kuna socon doono inta ay ka tawbad keenayaan, waa tan maansadu:

Hadraawoo gabyayoo, horay uga gadoodiyo,
in kaloo ka gubatiyo, anoon Guulle ii qorin,
gabadhood inan helo, ee toosh ku goobayey,
mooyee gebigeen, Soomalaay garaadlaay,
Gabooye waa gobteennoo, Gunta waan ka ognahee,
Taladaa na gees maran, 

ee si aan u gudubnoon, dulligaasi gaamuray,
jiridda uga goyn lahayn, waa inaannu guursanno,
gabdhahooda wacanoo, sharaf lugu gardaadshoo,
Guullahooda caabbuda.

Eebbaheen gargaarkiyo, Garab qabashadiisuna,
waa markaynu garannoon, gabdhaheenna siinnoon,
gabdhahooda guursanno, waxna soo guraayoo,
soo gebageboobaya, taariikh gamuusliyo,
guuldarrooyin soo jirey.

ee intaynu goombaar, gelinkaani maantaa,
gaadaysa doofaar, oynaan geddeediyo,
abkeediiba garanayn, wada daba gamboonnahay,

oo aynu gaarida, walaasheyda gobtoon,
abkeedii garanayo, garaadkii boqlaadbaa,
gaajo haysey awgeed, Goodir aan la bireyn,
cad ka goostee cunay, cillad ugu goobayo,
welibana gidhiis iyo, been gamuuran ay tahay,

dunidaani guudkeed, waa qax iyo guurguur,
cishadaynu go'ayenana, waa godkii Cadaabtiyo,
Jahannamo gunteedii,

Inkastoo garaaddiyo, waalid gob ahi jiroo, --
horay ugu guursheen, tiradaa ku gaabnayd,
is gaad-gaadna wuu jirey, oo Xan iyo Gunuus baa,
hoosta looga guuxayey,

Ogow oo gardarradaad, tolkaa ugu gargaarood,
Reer Geelle tuur baa, Goobta kugu qoslayoo,
cay kugu gamuunnayn, Xaqa uga gidaaddaa,
abii lahab gunaanada, oo ruuxu gurayey,
God naareed u hoysee, war yaa beel giriifoo,
gacanta sare u taagaya, oo maanta goobtaan,
goob joogga laga yahay, geesigee bareeroo,
gobannimo billaaboo, Taariikh gabowdiyo,
websaytyada gelinnaa, oo gabadha siiyoo,
wiilkana u guuriya, oo Guulle eegoo,
jannadii ku gadanaya.

Galoobkaan adduunyada, waxan ganac lahayn bay,
dadku magac ku goobaan, oo buugga la yiraa,
Ganas ay ku geliyaan, ee geeska afrikiyo,
dunidaani guudkeed, idaacadaha hawl gala,
isgaarsiinta gebigood, geesigee bareeroon,
magaciisa gelinnaa?

oo labo gudboon oo, shimbiraha ka gooniya,
geesaha ka joogoo, labo geed ku kala jira,
geesigee bareeroo, dhagax qura ku gaadaya?

oo Sharaf ku guuroo, dunidaan ku gaardiya,
berritana gudoodiga, Qiyaamaha geddiisii,
dadku gabayaxooboo, Gunuunuca shallaygiyo,
Guraa baasku uu jiro, ar yaa Guulle eegoo,
Jannadii ku gadanaya, oo naar giriifoo,
Fardawsa u guuraya?
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk