GEDO 17-04-2014
Soomaaliyey haddaad idinku ayeeyooyinkiinii dayacdeen ood indho Qabiil oo Qurmay ku eegteen, aniga reer ayeydey & reer aabbe, reer ayeeyo ayaan jeclahay, waayo ayeeyo Hooyey ka socotaa, Hooyana Aabbe way ka Xaq badantahay, SDarteed bay reer Ayeeyo reer Aabbe uga xaq badanyihiin.

Aniga aabbahay marka Qabiil ahaan la yiraa waa Cayr Habargidir, waxaana Ayeeyo u ah oo Hooyadiis Xaawo dhashay Timiro Dhicisow Cabdulle Xuubey oo Marreexaan ah, markaa intaan Ayeeyo Timiro oo Aabbe & Ayeeyo Xaawo oo keliya iga xigaan fogeeyo, oon iraa waa Marreexaan & waa Daarood, lagama yaabo inaan aabbahay Awowgiis Axmad Abtidoon soo dhawaysto, haddii aan sidaa sameeyana, dabcan Jaamacadda dullinnimada & inkaar qabnimadaan 1000 sano kahor ka soo qallin jebiyee sida eeyaha i tuuryeeya.

Soomaaliyey dareenkiinna dhintaye weliba qurmay intaad soo celisaan qof kasta ayeydiis & Qaraabadeeda ha xurmeeyo, markaa Dulmi dambe & Dhiig damboo soomaali dhexdeeda daadaa wuu dhammaanayaa, waayo waxa sidan noo bahdilay waa INKAAR WAALID weliba inkaarku wuu is dhaamaaye kan na helay WAA INKAAR HOOYO & AYEEYO .

Maansadan GEDO waxan sameeyey 17-04-2014 oo aan arkay Website magaciisu ahaa GEDO, waxayna ahayd:

Magacaas Gedee uu boggani, Gaar isugu yeeray,
Gob dhulkeedi weeyiyo Dal uu, Qaran ku guuraaye,
anoon caayin geestaan jiriyo, Geyiga Soomaali,
balse Gediyo Luuq Caabud waaq, geesti lagu sheego,
Dhul qabiil ku gooshiyo ma ahan, Ganato reer-reere,
waa Dal gobi ku nooshahay dhul uu, galo Marreexaane,
iga hooya guushiyo wanaag, Calan goobeedoo dhan.

Marreexaanku goob uu ku jiro, Dunida guudkeeda,
Gob ayuu ku noqon kuu la jiro, Gaal hadduu yahaye,
waa qabiila gaanoo Raxmaan, SEDE u gaar yeelay,
Gob-samida haddii loo tartamo, Geyiga soomaali,
waa qabiil shuruud li'i gurtoo, Sharaf ku geeraara, 

Ma illoobin Gadabuursigiyo, Guryaha Soomaali,
Sheekhaasha Gacal Loobogiyo, Culummadii guude,
Uun Allaan la goobayn karayn, Guudka saredaase,
balse Gedo ayaan haatan galay, Galalka keedaahe,
ruuxii ka gees hadal yiraa, wuu ku go'ayaaye,
Guullahay Gargaar idin ku meer, Nabad ku geeraara.

Dad Gobnimo dhammeeyoo gunnimo, guriyey weeyaane,
nabsigay ka gashay Soomalaa, Maanta laga goyne,
Dawlad gaana Millateri gulfaa, Geyshki qarankeenna,
oo Qabiil kastaa gelahayoo, Jago ka soo gaartay,
guud ahaan dambigey galeen, Gebiba Soomaali,
giddigood marreexaan markay, guudka uga tuurtay, 
Soomaali waa taas gurani, Mirihi gooseehe,
Marreexaanka guuley Allow, Waw gar leeyahaye.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk
Facebook: Mhmd aamaguul