GAWSKAAGA GAWS AAN AHAYN 03-09-2007
Maansadan Gawskaaga oo soo baxday 03-09-2007 waxay ku soo saabsantahay saddex sheeko oo aad loola yaabay, tan hore nin sida aan ku maqlay u dhashay Beledweyne iyo wixii xagga gaalkacyo ka xiga ayaa isaga oo ku dabaalanaya xeebta baraawe uu yaxaas weyni la tegey, iyada oo aabbihi iyo hooyadi arkayaan ayuuna badweyn la aaday, iyagoona si cad uga quustay oo ayba tacsidiisii goormaa laga dhigayaa ka hadlayaan ayaa wiil nin xeebeed ah oo baxaari weyn ahi seef la booday, kana daba dabaaashay, dagaal culus oo socdey ilaa maqribbaddiina bahalkii ka soo dhigay, isagoo dhaawac ah oo suuxsanna dusha dhabarka ku soo qaatay ee la soo dabaashay laftiisa dhaawac buu soo gaarisiiyey bahalku, bahalkan dhaawacyo xun baa gaaray oo laga yaabey inuu u dhintay.

Ninkii dibedduu keenay dabaysha intuu u dhigay oo biyihii ka matajiyey oo soo miiraabay ama soo naaxay ayuu nabad galay, adduunyadu waa imtixaane sannado kaddib ayaa ninkii la badbaadiyey oo bahal hanti ah alla u dhiibay iyo kii badbaadiyey oo gaajo lugu salladay ayaa kulmay, wuxuuna ku yiri walaalow waataan aniguba kuu gurmadaye maantaa naftaa i haysee gaajadana iga goo, tuulo hebalna waan rabee gaariga iga bixi.

Ha yeeshee halkii ay ahayd inuu magtiisii siiyo boqollaal magna wuu siin karee ayuu ugu jawaabay markad i badbaadinaysey aniga abaal ii geli mayne afkaaga af aan ahayn inuu wax liqaad necbayd oo bahalka i cunayaad xasdeysey oo xaasid baadba ahayd, bahalka arsaaqda alle u qoray maxaad ugu diiddey, wuxuubana raaciyey hadduu meesha ka dhaqaaqi waayo inuu waardiyihiisa ku dalbanayo oo la dilayo.

Labada sheeko ee kale oo iyagu gaagaaban ayaa waaxay yihiin, Nin baan arkay isagoo wan ulaynaya oo madaxa kala dhacaya, markaa baan ka naxay oo aan ku iri war maxaad bahaa-imka sidaan ugu dilee maba lihid way ii muuqataaye, sheego waxa aad ku leedahay anigaa bixinayee ma beer buu kaa cunay, markaa buu yiri: Wankan ammaan baan ka waayey oo ilaa saakay dhan buu i caayayey.

Ninka 2aadna isaga oo murugaysan baan arkay oo jilbaha luqunta gashaday markaa baan weydiiyey maxaa kugu dhacay, markaa buu isaga oo murugo ka muuqato oo indhihiisa illini ku soo joogsatay ayuu yiri: aniga oo xaradheere ka tegey oo tuulada hawdley u socda oo gaari Tii-Em ah dusha ka saaran ayuu go' aan lacag qaali ah isla markii ka soo bixiyey oo madaxa iigu duubnaa mar aan hawdley ku sii dhawnahay uu geed la tegey, .............. Hadde xeebta geed gaari weyn dushi gaara iska daaye mid nus mitir gaara xitaa maba leh.

markaa labadaa nin ee dambe ninka been badan ayaa jawaabteeda la doonayaa, waana kan gabaygii oo dhan:

Nin walbaa Garaad buu hadlaa, gocashadiisaaye,
googgaale isagoo raboo, Gaar wax uga jeeda,
ninka yiri guntiisii intuu, goob isugu keenay,
gebagebo colaadeed ninkii, Gawrac iga baajey,

Xin engegan nin Geel iiga shubay, Gabar nin ii guurshay,
ninka iiga degay Geenyadiis, Guuro dhaxameedka,
Afartaa i gacalaysatee, godob ninkee baa leh,
oon gudaa abaalkiisa oo, gaadda hore jooga?

Dabadeed nin baa naqay gartii, uguna geeraaray,
gebagebo colaadeed adaan, Beri gashow joogin,
haddaad Geenyo weysana ogow, lugad ku gaareehe,
waynna maysid Gabar goor haddaad, tahay geyaankeede,
Xin engegan nin Geel kaaga shubay, Godob ninkaa baa leh !

Aniguna gartaa baan naqoon, sii gelbinayaaye,
Geel nin kuu shubiyo geenyo kii, maalin kugu giijey,
iyo Gabar nin kuu guuriyee, keenay gurigaaga,
Saddexduba abaal way galeen, waana gacalkaaye,

balse Geel la oomiyey berruu, soo gadaal noqone,
gabdhahana Ilaah baa badshoo, gelengel weeyaane,
haddaad Geenyo waysana lug baad, madal ku gaartaaye,
ninse ruuxi kuu goynayee, kaagi garab seexshey,
haddaad go'i inuu kula go'uu, goostay berigiiye,
haddii aad go'doo maalintii, ciidda lagu geeyo,
miyaad gogoshan soo geli lahayd, gelinkan aad joogto?

Mar labaad tusaalaan gelaa, laga garaabaaye,
beri baa Yaxaas guurayaa, qaatay Wiil gabana,
isagoo la sii geeddiyoo, muuqdo gabankiina,
ehelkiina uu gaabsadoo, Geeri ku xisaabay,
Tacsidiina goor laga dhigaa, la isla googooyey,

Wiil baa guntiga dhuuqsadoo, geylamoo kacaye,
wuxuu galo Dabaal gudub ahoo, Gaadda kiciyaaba,
markii uu Badweyn gaaray ee, Gorodda lays daaray,
wuxuu seefta geeriya Warmaha, Gaashka aba tuuro,
Bahalkiina Sayntoo genmee, gala wacleeyaaba,

Gabbal dhici markay joogto oo, Dhiiggu gobo'leeyey,
ee tabari sii gaabanee, labadi geesoodba,
Gawskuu ka soo dhacay ninkii, loo garbeynahaye,
Gabankow dhimraayow ka jirey, Nabarra gaaraaye,  VVVVVVV
goortuu ka ridey wiilki oo, geystay dhiniciisa, VVVVV
Labo qayb u kala gooyey Bahal, sii gabaabsiyahe,  VVVVV
halkii buuna soo garabsadaa, Guusha kii helaye,
inkastoo Micidu sii gashoo, Dhaawac yari gaaray,
gurigiisi Nabad buu ku tegey, wuuna guursadaye,

Hayeeshee adduun garangar iyo, Galabba waa cayne,
ninkii loo garbeeyee Yaxaas, Gawski laga saaray,
oo eebbe u gargaaray oo, lacagta goobeeya,
iyo kii Badweyn ugu galee, Garab ka soo saartay,
oo Gaajo wehelkiis tahaa, Guulle kulansiiyay !

ma hanweyna nimankaa Goshiyo, kuwa Gasiiraade,
wuxu yiri Guhaadow wataan, Gawski kaa ridaye,
Baahi baa sidaan ii gashoo, ruuxu gurayaaye,
Gacantaada ii fidi adaa, Gooshka iga roone,
oo i sii Galweylood walaal, sahay i gaarsiida.

Halkii uu Gammaan iyo mudnaa, Boqol mag oo Geela,
wuxuu yiri runtaan Gaawaheed, kuu galcinayaaye,
maalintaan garaayeed Yaxaas, Gawski iga tuurtay,
Gawskaaga Gaws aan ahayn, inu wax soo gooyo,
unbaad Giirka ka necbayd shalood, ii gargaaridaye,
iigumaad garaabeyn aniga, Gulufki aad qaadday,
ee i gees mar Godimmaha intaan, lugugu googoyin,

Somalaay bal aan Gawska iyo, Geela soo xiro e,
Godob lama galoo Maalin bay, kula gaddoomeehe,
Gardarrada ninkaa naqayey ee, Geela gacan siiyey,
Gondihiisa sow Sheekadani, soo gabbacan mayso ?

Ninkii gawska laga soo ridiyo, Mici ku gawdiidday,
oo daa Abaal inuu galoo, Gacan u raacshaaye,
ku xukumay dembuu galabsadiyo, Gaajo bahalkiiya,
sow Cadow la gacan siiyey oo, Naarta geli maaha ?

Labadaa haddaan sii gudboon, hore u sii guuro,
laba kaloon ka Gaws diiday baan, gogosha keenaaye,
nin aan iri Wankaad gaawin ood, Geesa jebinayso,
muxuu galabsadood sheegan waan, kaaga gudayaaye,
ee i yiri ilaa goor horiyo, waaga galacdiisa,
buu Caay i ganataynayoon, meelan galo waayey,

iyo kii Gondaha haystay ee, galangalcaynaayey,
ee i yiri waxay gaasiroo, saatan ii gelaya,
anigoo Gabbiin saaran iyo, Tii-Em guradiisa,
oon geesta Xarardheere iyo, Xeebta gebi qaaday,
mar uu Hawdley sii gaarayo, muuqdo gurigaygii,
Go'aygii ayuu Geed ka ridey, guudka madaxayga!

Somaalaay Gar waa loo Islaam, Gaal kulay tahaye,
idinkoon Cadliga gees mareyn, Naar ka gaabsanaya,
Wanka geesa jebinaaye iyo, Xeebta gebi qaade,
labadooda kee gaamuroo, Been u googo'ayna,
kana gaara kiisaa kaloo, gacanta loo taagay ?

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk