Gabood fala reer geelle tuur - 23-03-2005
Maansadan Gabood-falada reer Geelle-tuur oo soo baxday 23-03-2005, waa maanso xambaarsan tiiraanyo weyn, caddaynna u ah dhibaatada maanta soomaalida haysata halka ay salka ku hayso, waxay ku timid, mar uu Oday waayeel ah oo aan qaraabo nahay igu yiri: wiilyohow waxan aad waddo nagala tag, qabiil wax ka fiican ma jiro, oo qabiil xoog leh baad ka dhalataye haddii aad ka dhalan lahayd qabiil yar, waxa aad ogaan lahayd  qiimaha uu qabiilkaaga weynu leeyahay, laakiin nasiib darro buu yiri dheregta qiimaheeda ma garan kartid haddii aadan gaajo u dhima tegin, markuu odaygii halkaa  marayo buu sheekadan aan maansadan ka sameeyey iiga sheekeeyey, isaga oo raba in uu iga dhaadhiciyo qiimaha & qaayaha uu qabiilka xoogga lihi leeyahay (waa sida ay isaga la ahayde).

Markaa aan yar iftiimiyee qisaduu sheegay waxay ahayd: waxa safar isu raacay 3 nin oo mid garku cadyahay madaxuna madowyahay, midna garku madowyahay madaxuna cadyahay, (labadaasi way iska soo hor jeedeen tilmaamahoodu, oo caksi bay isku ahaayeen) iyo midka 3aad oo aan garkiisa timo uba soo dhalan isaga oo oday weyn ah, markaa safarkoodii tuulo ay marayeen dadkii degganaa baa la yaabay, waxayna uba qaateen in nimankan kala nooca iyo kala kaanka ahi aanay caadi ahayn, ee ay saaxiriin yihiin, SD, bay  yiraahdeen waa in aanay nimankani tuulada naga dhex gelin, ee aan horta baarno oo sixirkan iyo balaayaladan ay nala doonayaan ka soo saarno, kaddibna aan dilno waa cadaw naloo soo diraye.

maansadiina waa tan:-

Gelinkaani maarsaa, Saddexdii genmaysoo,
Sano laba kun gaartaa, Shan Gu' loogu sii daray,

Somalida wixii gubee, Geyigood ka qixinaya,
Sheeko laga guddoonshaan, soo gudbaahe hooday.

Saddex nin oo Garaadloo, Gugoodu uu yareyn oo,
ninba Gedo u gooniya, Calaamado la gaar yahay,
baa Seben horoo gudey, Safar galay Gudoodiya,

Nin Garkaa caddaa oo, Guudkaa madoobaa,
ninna Guud caddaaduu, Garku uu madoobaa,
ninna Guullihiis baan, uba dhalin Garkiiyoo,
isagoo Gu' weyn bay, Timihii ka giigeen.

Socodkey gudaayeen, halkii ay ku gaareen,
Gurboodkiyo Haweenkiyo, Rag wixii gidaadnaa,
Yaab bay la gooheen.

Waxa ay gorfeeyaan, hadba Gaaf wareegaan,
dhinacyada ka goobaan, eegmada ku gaabshaan,
Gebi waxays ku raaceen, Talo ay ku gooyeen,
nimankaan gulfaayaa, inay Sixir gumaadiyo,
Faal la gaardinaayaan.

kii guud caddaa bay, niman Xoog ku gaamuray,
Goonyaha ka taageen, waxay yireen Ganuunyahow,
yaa Sixirka Guunkaa, kuu soo garraariyey ?

Wuxuu yiri gulaamiyo, Belo maan garraarsani,
Madaxaa geddiisaba, Garkii uu ku yaallaba,
Gu'ga uu ka weynyahee, car ninkee garkiisiyo,
Tinta Guudka uga taal, midabbada Guduudkiyo,
Gu'ya Dayr ekaadaan ? 
 
Waxay yireen garaadow, Goob eexo taalliyo,
lama galo godkeedee, Garta waad ku joogtaa,
balse gaatinloowgaan, Guumeys la moodee,
timihii ka goofeen, buu Faal ka guuxaa,

Gar laawihi wuxuu yiri, aabbihiin Guhaad Cali,
haddii aad gurboodow, Garka aad ka raacdeen,
anigana geddeydee, Gambooleyda dumarkiyo,
hooyadey Galbeed oo, Jannadii la gey ahaan,
garka aan ka raacee, maxaad igu geyleysaan ?
 
waxay yireen gurboodkii, adiguna Galaalow,
Geeraarka tooskiyo, Garta waad ku joogtaa,
balse Guban abaar iyo, goobtaan haddii uu,
Faal guurayaa jiro, kii ahaa godkiisee,
ugu sii gun dheeraa, garcaddaagan weeyee,
guntigiisa soo fura, yuu sida gamuunkii,
hawadaa ku guurine, Gommoddiyo qadaadkiyo,
gacmahaysu geeyoo, sida Geela loo xiro,
xarkahawgu giijiya.
 
Garcaddaagi wuxuu yiri, inteydnaan gantaalkiyo,
igu boobin gawsaha, codsi baan ka geystee,
aan garteyda sheegtee, ii suga garaaddow.
 
waxan ahay nin goostoo, Caqli uu ku gaamuray,
balse Ciil ku gaaxoo, qabiilkiisa Gaabane,
Cudud lugu gumeystoo, aan lahayn garaaddiyo,
Geesiga bir jeexiyo, Dad u gala dagaalkoo,
guxushaa habeedliyo, reer Geelle tuur baa,
Nolol iga go'doonshoo, Xoog iigu gooddiya.
 
Dacwaddaan u guulee, gelin hore aroortii,
Geed lay fariisiyo, sidan ugu genaayoo,
Gamuun ugu ridaayaa, Duhurkii gartaan helo,
ee la ii gunaanado, ayum buu gamaarane,
sawirnimo ku gaamuray, Caatada gankiisuna,
Toban kiilo gaareyn, igu soo giriifaa,
Bogga ii garaacaa, i yiraa ganeeyow,
Laan-gaab guduudow, miskiinyohow gariiraya,
Gamaanyada ka toosoo, si wanaagsan ii garo!

Gunta iyo tolkeygiyo, Muruq baan ku guuraa,
Xoog baan ku guuxaa, guushiyo xaqaagiyo,
gar waxaad u leedana, kaaga qaaday gaalyohow!

intii goobta joogtee, garteennii maqlaysiyo,
gar qaaddadi laftoodaba, iska daa garow iyo,
gacan layba siiyee,

mid quroo galiilyada, igu garab istaagoo,
i gargaara ma jiree, Qosol bay ku gaacshaan.

Halkaa baan go'aygee, anigoo Galaayuus,
la gataatinaayoo, gidaarrada cuskanayoo,
hadba gebi qabsanayoo, ilmo gabax ka siin baan,
inta an Go'ayga un, garabkayga saartaan,
dib u soo gaddomaa,

Gurigiyo dhabteydii, Gogoshii markaan tago,
habeenkaa gurboodow, Hurdo gama' ma siiyoo,
Galaas caanihiis iyo, Gasiin wayga xaaraan!

Tiiraanyo gaar iyo, Fikir dheer anoo galay,
cirka sii gurdamayaan, Guulle waxan ku tuugaa,
Adduunyadan go'doon baan, gabowgii ku gaaree,
Guullow qiyaamihi, haygu gubin cadaabtii.

gurboodyahow intii aan, guudkayga eegayey,
Farya suul gidaadaan, timihiyo garkaygii,
goohayga awgiis, midba gees u siibaa.

markaan subixi gaaree, Nuur soo galaalaco,
ayun baan gadhkaygii, shalay goonyihiisaa,
timo ay ku goofeen, Gan quraata waayaa.

ragga iyo gurboodkiyo, dumarkaan gulfaayow,
timahoo la gurayaa, garkeygii dhammaantii,
gaar ugu caddaadee, maxaad igu gelaysaan?

mise waa go'aygee, idinkuna geddiinnaad,
Geelle-tuur sidoodii, igu goobanaysaan?


Geeraarki sheekada, goobtaan ku dhaafiye, aan u galo danteydiyo, Maansada gunteedii, Soomalaay gabood-fala, adigoo geddaasoo, dulumkaagu gaammuray, seed guul ku gaaree? inyaroo la gooyoo, la go'doonsho mooyee, xishoodkii ka guurtaay, gebigeed xumaanleey, hadduu jiro mid giirtoo, gardarradu dhibaysana, wax ma guda karaayoo, waa la giijinaayaa, Geyigeedi gubayaay, qabiil uu gamaarshoo, cadcad uu u gooyoo, cadaw hoostaw geliyaay, hooyoo gunteediyo, naaskii ay gurisaba, ehelkeedi gooyaay, Abtiyaal gumaadaay, waxa saa u gelayana, Jahli baa ku guuroo, waa wada gar-diidoo, Xasad baa ku gaamuray, dulqaad maleh genkeedoo, isumana garawdaay, in yarnaba ma garataay, gabax tiri aqoontay, geyigiyo gobteedii, tii gumaysi gelisee, gabdhaheedi dhawrsanaa, qaxa ugu guduudshay, gefer geela doolka ah, tii u gacan geleysee, gabanteedi bikradaa, u galmooda tiriyay, maxramkeeda gaarka ah, riximkeeda gaanka ah, habaryaro Gobeey iyo, eeddadeeda Gaasiro, walaasheed Galbeed iyo, gabanteedi Hodon iyo, geyaankeeda xaaskaa, goonyaha Adduunyada, goobyaaliskoodana, Galiilyo uma qabataay, ubadkiyo gurboodkii, gelin dhexe qaxaysee, nibirigu gaboodayo, badahaa guntoodii, Galoolkiyo mareerkii, gawda tii ku haysee, geyigeedi Boor iyo, Nabaad-guur ku haysaay, isbaaradays gurayoo, Gasin iyo siday tahay, Gallaydii ay beerteen, guryaheeda taallaay, tuu Qaadku gooyee, Gawska uun ku haysaay, Gabanteeda siisee, haddii looga gadanayo. Guulle wuu mamnuucaye, Gaalo iyo islaamkaba, Dulmi iyo gabood fale, tii garwaaqsan diidaay, Gacalkiyo walaalkeed, u Gafuurra weynaay, Cadawgeeda gubayana, isu goda miskiinshaay, oo Mugdigu markuu galo, u gurguuranaysay, Muslimkiyo Gaalka key, is tiraa Gidaar iyo, Garab heli ma karayaan, u garaadda weynaay, kii gargaar la doonayee, u gelaa abaalkoo, Dulmi aan u geyseyn, Gafuurkaa u tuuraay, Gudoodiyo harkii iyo, Guuraha habeenkii, Guryaheedii gubaysee, tuugsi Gacanta taagay, Dembigay gelaysaba, Deriskeedaw geddiyaay, Gacanteys jaraysay, waa lay gaadi oraney, Nimco loo gingimayoo, Guullaheedii siinayo, tii ka jecel Gabaahiir, iyo Goob abaareed, Gurigeedoo Nabad iyo, Geyigoo barwaaqaa, Guurguur ka jecel iyo, Qaxa loogu gooddiyo, Gaaweeto hoo-diyo, Madaxoo la gaawiyo, Soomalaay Gabood fala, adigoo Geddaasoo, Dulumkaagu gaammuray, Jahli maad ka guuree, intaad Gadaal u guurtaa, Dunidii ku gudubtee, Cudurrada gumaadiyo, ma Gaajaa ku deynee, oo Good ku gaadaya, miyaad garan karaysaa, oo kuwa Gantaalaha, weligaa ma gaaree? --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk