Gabdhahaa na geboo, na gabaara geddiyey, 24-12-2018
Sida la soo xaqiijiyey 2,000,000,000 (2 Bilyan oo Doollar) ka badan, ayey Soomaalidu Sanad kasta Qaad (Jaad) oo keliya ku ruugtaa, taasoo uusan Sigaarku ku jirin.

Haddaba, Rag oo idil waa guur doone, haddii ay gabdhaha Soomaaliyeed dhihi lahaayeen nin daroogo-ruug ah ma guursanayo, Soomaali oo dhan ruux daroogiiste ah ma jireen, 2 daas bilyanna mushaar shaqaale iska daaye kumannaan Warshado ayey noo dhisi lahaayeen, halka hadda Qashinkooda xaaqiddiisa nooga baxdo kumannaan kun oo doolar,  taasoo ay noo dheertahay, Qoys dumis, Gawso bolol, Nadaafad darro & Dumarkii la qaboon la qabin.

Sidoo kale, haddii ay Hooyo kasta oo Soomaaliyeed, ilmaha ay dhasho intuu yaryahee hoos joogo dhihi lahayd, Hooyo macaanoow, wiilkaygiyoow, igaarkaygiyoow, inankaygiyoow, Fiicanoow, Quruxoow, sidaan Aabbahaa uga xaq badanahay ayey Qabiilkaan ka dhashay Qabiilka aabbahaa uga xaq badanyihiine, isku si u jeclaw, isku si u baro abtiriskooda, berri marka aad weynaato, ee aad iga hoos baxdeed Murqo waaweyn yeelato, Qabiilkayga ha dulmin, yaanna meel aad joogto lugu dulmin, ehelkayga waan jecelahay, wayna i jecelyihiine ha iga dilin, Abtiyaashaa ha layn, Rixinkaaga ha gumaadin, yaanay Qabaliyo-Qurun & Ibliisu-laciin miyirkaaga qaadin, Ma Qabaliyo isku xasuuq baa jiri lahaa, ma Qax & Qaxooti baa jiri lahaa, ma qayrkeen ayaannu tuugsan lahayn, halkay nooga soo dalxiis tegi lahaayeen, ma guryihii aynu dhisannee dangiigsannaan Cooshado & calallo la isku xirxiray ka degi lahayn, ma baabuurteenna oo cusub ayaannu si aan nalooga bililiqaysan Koofanaha & buudiga ama korseeriga ka tuuri lahayn, oo aannu ka dhigi lahayn wax muuqa ka dhintoo uusan tuug haweysanayn?

2 daas qodob waa 2 da Qurun oo dhan waalidka u ah, ilaa aannu gabdheheenni soomaaliyeed oo gebigood ehelkeen ah uu shaydaan naga mid ahi kufsanayo, markaa sow gabdhuhu sabab uma aha in la kufsado?

Gabdhahaa na gebee, ma Gun baan noqon lahayn?

Gabdhahaa na geboo, na gamaariyey ee,
Soomaali gebigeed, Dayaxay gaari lahayd,
Miro ka soo guran lahayd,

Raggu gebigiisaba, waa wada Guur-doon,
Gabar kasta haddii ay, dhihi lahayd guursan maa,
nin Garaadka xun oo, sida Geela ahoo,
Geedaha daaqoo, Garaabada ruugaa,

Gawso nama dhammaadeen, namanay gamuurmeen,
ee Gabdhaa na gebey oo, Garangara sideedii,
na giraangiriyoo, na gabaara geddiyey,

Qabiil gawsa weyniyo, Dagaal ooge gaamuray,
oon Gen naxa lahaynoo, Xishoodkii ka guuroo,
ma naxaan gaboobaa, nama ay gumaysteen,
Gun umaan ahaanneen, oo intuu gantaalaha,
hoobiyaasha nugu geno, Guuraha habeennoo,
Geyigaan ku noolayn, qaxa ugama guurreen,

Guuraha qaxootiga, sida Geeleennii,
xero naloo gooyoo, annagoo gurureyna,
isha gulucnaynee, guryamayna baahida,
gaajada awgeed, Gaaweetadoodii,
Gacmo uma taagneen,



---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk