Gabar xannaaneeya (Jawaab gabay kale), 13-10-2018
Gacal goys axsaan aan u gelin, garabyadaydoo dhan,
Guryo dumis gadaal aan u dhugan, ubadka gaajaysan,
Isbitaal i gey gacaliyow, goor walbaba haysa,
intay jeebka iga guran lahayd, goosashada baasi,
Gabowgaa bal dhaamee middaas, Guur an ka la'aado.

JAWAAB:

Ninkan gabayga soo tiriyey ee, Goynka ka hikaadshay, ee Gabdhaha ku eedeeyey waxan, laga garaabaynin, guryo dumis gadaal aan u dhugan, ubadka gaajaysan, iyo yiri middii jeebka guran, guur an ka la'aado, inkastood wax laga gaabsadiyo, Gurrac tilmaamayso, gabadha wacan inaad gaar dhigtuu, Gabay ku fiicnaaye, haddaad ruux Gef galay qaadatood, keliya goobaabtay, ood gabdhihi dunidaan bilana, Ganaf ku soo qaadday, hoo xusuus gabowdoo Caqligu, Guluf ku soo dhaafay, Qarankeenni goortuu jabee, Galawgu eedaamay, kuwii noo gurmaday ee Bitada, Garow ku iibaayey, Gobteennii illowdiyo xulkii, Guriga Soomaali, ee Gasiin ka keenayey halkuu, Aabbe geli waayey, anoo wiila baan Gabay tiraa, Gabar difaacaahe, ila garo labada kii gurracan, gabarya wiilkeenna, Horta gabar gadaal aan u dhugan, ubadka gaajaysan, waa wax gabaygu kula aaday ee, been dheh gunuddaasi, iyadaa gankeed ugu naxaa, gaal kastoy tahaye, oo wax nooga geli ogo ilmaha, baalka gashaneehe, bal ku garo Mustafe hooyadiis, dumar gobtiisiiya, isbitaal i gey kuma dhahdeen, guur haddaad geline, xil markii la gudan waayo ee, laga giriifaayo, ayumbaa gudhaa guudhu iyo, Gabay la aadaaye, oo haddana gabbaad laga dhigtaa, weer gunuunuca e, markaad Gabadha tuugsaysey eed, Gacalisoy haysey, ee anaa ku guursaa lahayd, geesi baan ahayda, ood dusheeda gaafnayd sidaad, tahay Garraarkeeda, ood faan ku gaadaysay qabo, berigi Geeraarka, Gawaarida caddaan iyo madow, waxa kan guuraaya, Guluubbada birqaayiyo waxaa, Dunida gaaf meeri, Dhulka waxa gariiraaya iyo, Guuxa kuu baxaya, waa gawaaridaydii markaad, Gabar u sheegaysay, ood lahayd Garaaddaan sitaa, Jananna waan gaaray, oo boyn is gahaweerisaa, Gegida mawriirta, guudkaaga dahab baan sharrixi, Sheeko gelinaysay, Saqi gaamuraad sheegatiyo, Geesinnimo weyne, Gantaalkaad la gaarteed ilmaha, gelisay uurkeeda, fooshii markay gaartay ama, Wallaca goohiisa, igu caawi goortey ku tiri, Guusha soo socota, inaad jeebkay guranee tiraa, waa Gef hadalkaase, ka gar baxa gabdhaha waw geftaan, Goor iyo ayaane, hana ku eedin hawshaad gashood, adigu goosaartay, haddaad Ciise Goynayso ood, Gabadha guursaynin, nin kalaa u guuxaaya oy, tahay Geyaankiise, hawadeeda uga baxo ha gelin, Golaha ay joogto, haddaad adigu guursanod lahayn, gabar ku kaalmaysa, immisay gargaargiiskiis tahoon, garab kalaan haynin, haddaad adigu weli gaarinod, Gurina aad yeelan, immisaa intuu been ku guray, Foore uga guuray, immisaa nin gees mara Sharciga, gabar xaqeediiya, immisaa Nabsiga gurubsatoo, Gaawihiis rogatay, immisaa nin gaasirahayoo, Geesina is mooda, immisay nin guubaabisoy, ficina gaarsiisay, immisay nin geleb-geleb ahaa, Geysay gurigooda, oy waalid gelinsiisay inu, yahay Garaadkeeda, dabadeed Xakaar geliyey oo, Gegi cidlaa taagay, immisaa Gondaha qabatay oo, Tuugmo isu gaabshay, oo markay guddoontana cidlada, ugaga soo guuray, immisaa Jacayl Guuna tiri, nacay Gasiinkiiba, oo markay Gargaar fidi tirina, gooyey hanaqeeda, wixii ay Abees Gooda iyo, Aarki ganaweyne, Gacalkeedi ay moodday baan, Tiro ku gaarayne, wuxu gabaygu guubaabin oo, Waano gelinsiini, guud ahaan intii Wiil ahoo, Gabarna raadeehe, labaduba wax way gaasiraan, eedna gelayaane, mas'uuliyo inu raggu gudaa, garabka loo saarye, ee ragow Gabdhuhu waa nimciyo, Guulle hibadiise, Genkeediyo Gacmahaa jilcane, guudki ubaxeeda, qalbiguna geddaas buu yahiyo, Guri xariireede, waana beenta waxan ugu gurnaa, una garawdaaye, Gob waxaan ku nahay waa Gabdhee, Gabar xannaaneeya. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk