EEDDO, 31-05-2009 (aun 28-4-2021)
waxan maanta oo ay Tar thy 15-7-2022 duubayaa Maansadii FURFURNAAN ee AUN eeddadey Fadumo A. Ali Xaydar, oo ilaahey oofsaday muddo hadda laga joogo 1sano & 2bil & 15 beri oo ku beegnayd 28-4-2021, waxanna hadda maansada ka aqrinayaa website kii aan ku qoray maalintaan sameeyey oo ahayd 31-5-2009 oo hadda laga joogo 13 sano 1 bil & 15 beri, waana tan siday website ka ugu qornayd:

Maansadan FURFURNAAN oo soo baxday 31-05-2009 waxay ku saabsantahay eeddadey faadumo Axmad Cali Xaydar (Ashcab) dad badanina u yaqannay Fartuun ama Fatuun axbaabteeda gaarkaana u yaqaannaan fadduuma, sababtay maansadu ku timid waxay ahayd far ayey eeddo ka gubatay maalintaas maansadu soo baxayso oon u arkay in la ilaystay sidii loo lahaa farsamo badanaa oo cunto samayn ogaa, waxaa dabeecadaheeda cajiibka ah ka mid ah inay jeceshahay in waxa dad dunida ku noolu gurigeeda isugu yimaado oo ay wax la cunaan, waxna la cabbaan, hadday dad badan weysana inay aad u dhibsanayso oo ay ciriiri badan dareemayso oo neerfis noqonayso baad arkaysaa, waxa kaloo dabeecadaheeda ka mida inay dadka la yaraysto amaba la yaso ama dadka ay soomaalidu tiraahdo caqligooda ayaa dhimman ay inay soo dhawayso u sheekayso ayey aad u jeceshahay,

waxan xusuustaa haddii gurigeeda dibeddiisa ay qaylo & buuq ka maqasho horey bay ka boodi jirtey haddey aragto ruux la garaacayo ee deyn loo haysto markiiba intay guriga ku noqoto ayey intay doonto ha gaartee intay ka bixiso oran jirtey car mar dambe korkiisa taabta, maxaad ka rabtaan miskiinka ama miskiinta.

waxan xusuustaa iyadoo qandho darani hayso bay farmashiyaha dawo iiga dirsatay intaan maqnaa bay naagu u timid oo ku tiri Doolshe ii samey, meeshii ay jiiftey oo cidlo ah & iyadoo jikada ku jirtoo Doolshihii samaynaysa un baan soo laabtay.

waxay aad ugu horraysay farsamada cuntada & cabitaannada oo waxa jirey wasiirro ama madax xaafadda lugu casumee markay xaafadahoodii ku laabteen xaasaskii ku kacaye yiri naga taga waxba ma taqaanniine,

waxan xusuustaa nin eeshiyaan ah oo dalka Malaysia been ku qaraabta oo dadku wada yaqaanno ayaa intuu u yimid ku yiri ilmo ayaa ii dhashoo wax lugu habaa la waayey, qolkeeda intay ku laabatay lacag ka soo weysay, deriskii oo dhan markay ku wareegtay ayey ka weysay wayna hayeene waxay ku yiraahdeen waa beentiis oo annaguu dhawr jeer been noo sheegay, waxay ku tiri markaan run buu sheegayaa oo wejigiisa murugta ka muuqata fiirsha, waayo wuxuu ahaa nin sida la isu miskiinsho ku takhasusay, calaa kulli xaal markay gebi ma hayno yiraahdeen ayey Walaasheed Canada ka wacdoo u sheegtay, walaashiina waxay tiri hadda waxba ma hayo oo 20 dolar keliya ayaan gacanta ku hayaa ee fursad i sii inta bangiga laga furayo, waxay tiri maya maya maya, xaaladdu waa degdeg oo ilmo saqiira ayaa u dhimanayee 20ka soo xawil, sidii bay 20 kii ku soo xawishay ninkiina u siisay.

bal aan maansadii yarayad mariyo:

Fa'da gabayga shilin kuma furtoo, kumana fooxaysto,
Feerahaa waxay yaalla ee, jiifka igu fuursha, 
yaan inaan fasaxo doonayaa, Fadalka maantaahe,
xalay Fiidki baa lay heloo, Faakis ii yimide,
khalkhigii Allow ii fasaxa, waan furfurayaaye!

Anigoon inaan faaqidiyo, Faanis uga jeedin,
ka fajaca nifaaqoo haddana, kaba firaaraaya,
oo Faxane eegaaya iyo, Nabigi fiicnaana,
eeddadey Fatuun baan kalkaan, yara ka faallayne,
fiicniyo wanaaggeed haddaan, saaka yara fiirsho,
faahfaahin uma baahna iyo, Faallo tiradeede,
Weriyaal ayaa faafiyoo, Fayl ka buuxsadaye,

Faarax iyo bal daa Qawdhan iyo, Faay caliya muudde,
Fiji iyo Falluujaa yaqaan, Furunti iiraane,
Ajir baanse fiirsanahayaa, inan ka faa’iide,
an furfuro waxay fekeriyoo, jiifki iga fiijey.

Saddex neceb fulkaanaha qarxiyo, Faasiq baa jira e, 
anigiyo intii ila filoo, iguna faylaysa,
marmarsiiyo aan faarno ama, Madax falluuqayse,
oon niraa Firaaqaan rabnee, Buuqa naga fayda,
cidladaan ku faynaa inaan, keli fallaagowno, 
Farqigeenna eeddiyo bal daya, aniga Foomkeyga!

Eeddadey Fatuun meesha uu, faaxi dhaqankeedu,
waa fitaax Yaddeedoo saddaqo, Fiiso lagu siiye,
dadka qaybta faallaysa ee, aad u falanqayda,
een Falkaabka hadalkiyo aqoon, luuqad fanankeeda,
Faxnaan iyo ka badan bay yiraan, deeqsinnimo faaxe,
waaba lugu faley Goobta iyo, Faqa ku sheegaane,

Gacan iyo far bey maalmahaan, firo ka sheegeehe,
ishoodaa Allow kaa furoo, fooci dhibahooda,
oo naarti kaa fawsi oo, raaxo kugu fayli!

1- Haddii ay fayowdahen markaa, Foorso lagu haynin, 
ma taqaanno Faantaaris iyo, Kibir is fuurayse,
Faqiirkay la saaxiibi iyo, waalli kuwa faaq leh, 

ma taqaan Faquuq iyo xin iyo, kala fagaareeye,
halkey joogto hooyadeen Fatuun, Maalin faraqeeda,
in Khalkhigu u soo foofo baa, Faraxa keedaahe,
haddaan laga fadhiyin dhinacyadoon, boqolu fiirseynin,
oon meesha Fuustadu utaal, boqolu faageynin,
oo mid soo fartiimiyo ahayn, kuwo hor faaquura,

oo ay  Fuud u qaybeyninoy, Roog u fidinaynin,
oo Faanto duulaynin iyo, Furarka kookoollo,
oo kuwa fakanayana orayn, Fiidki nala gaara,
ha ka sugin Fayoobiyo inay, Farax ku joogtaaye, 
ishoodaa Allow kaa furey, kaana furo eeddo,
jannadii Firaashkeedna aad, Fiidki ku caweyso.

2- Adduunyadan hawada faalashee, Dayaxa sii fuushay,
Furuntaa waxaa geeyey oo, Furuqa noo reebay,
waa Tiknoolojiya Ficil ahoo, loo fikirayaaye,
eeddadey Fatuun baan dhankeed, yaraha fiiraahe,
Fagaaraha markey joogto iyo, yaa Farsamo haaya,
ruux yimaada Foolkeed la waa, waana fulayaane,
inuu fiigo mooyee Faceed, Foodda geli waaye,

waxba yaanan faalleynin way, ila fogaaneehe,
waxa kaaga filan ood middaa, uga fayoobaanna,
Wasiirraa ku foojoobay oo, Xaasaskii furaye,

gacan ama farbey maalmahaan firo ka sheegeehe,
ishoodiyo Allow kaa furey, Dhegaha fuuqooda,
oo Allow naciima u firaash, Faataxaan maraye!

3- Furfurnaanta bay uga dartiyo, Ficilka hiilkaahe,
Faraj bay la jeceshahay Miskiin, kuwa faqiirkaahe,  
haddey labo is foolaadisey, dirir u faytaanna,
oo Deymo sii faalaloo, Bilyan ka sii fooray,
oo Faranka faransiisa ay, Feer iskula qaaddo,
Foorahey u soo boodi oo, Fadal billaabeehe,
iyadoon Fankoodiyo aqoon, Faraca beeshooda,
inay bixiso baa Farax gelee, kala furdaameehe,

fag intey tiraa oy gadaal, reerki ugu foofto,
haddey soo falaaydee qolkii, Faran ka soo weydo,
kama foga inay boydo oy, Ciil la fededdaaye,
fatah bay is leedahay sidii, Webi faruurnaaye,

Allow buuxi faraqeeda oo, una faruur Doollar,
ishoodana  Allow kaa fogey, kaana furo eeddo,
oo ku gee firaashkii jannada, faataxaan maraye!

4- iyadoo Qandhadu fededisoy, dhinac u foolayso,
Farmashiye haddaad aaddid ood, Fiimidool jeriso,
cadowgeedba haw fiijiyiyo, Fiinti dhebedeede,
haddey shaqo u soo foorisee, Ficil un loo sheego,
ee duul ferdani hawl dhahaan, qabo Fatuun saakay,
waa tii un booddoo Falkii, toos u fulisaaye,

iyadoo fag tiri baad imaad, eber Firaashkiiye,
way ka sii fudayddahay ilmiyo, Gabadha foodleeye, 
ishoodiyo Allow kaa furey, Dhegaha fuuqooda,
fardawsana abaalkaa ka yeel, Faataxaan maraye!

5- Fayadhawr nadaafaahi waa, Faralki diineede,
Nabigaa na faray oo na yiri, Fiiro u lahaada, 
Fas galaaska eeddaa noqee, Baarka firaneehe,
Qashinkiyo Fashuushkey nacdaa, kana fogaataaye,
Foox iyo udgoonkey rabtaa, Fiidda ubaxaaye,

gurigeeda oo faaya oo, Nabadi faaxayso,
iyadoo fixdaa hayso oo, Faallo marinaysa,
wax haddey filqaan ee Ciyaal, furunka googooyo,
ma aqaanno Firimbiyo halkey, fii' ka maqashaaye,
mar ay Faas la booddiyo koley, Sawtka furataaba,
adigoon fileyn baad arkee, Foorar keeda ahe,
oo xaaqi Faarkiyo wixii, gooyey faraxiiye,  

ishoodiyo Allow kaa furee, Dhegaha fuuqooda,
oo eedo faadumo ku sii, Faraska dheereeya,
oo fashiiste kaa mooti iyo, duul fulaanfulaya,
Fardawsana abaalkaa ka yeel, Faataxaan maraye!

6- Qalbi jileeca faalalaan ka biqi, inuu fogeeyaaye,
Fal xun kii u geystiyo dhib aan, Faruhu koobaynin,
la baxsada Faraantiga janniyo, Faylka Dahabkeeda,
tuuggi guriga faytaansadee, Faaruq uga yeelay,
isagoo u soo foof tegoo, yimidna foolkeeda,
haddii uu is yaraha foorarshee, luqunta foogaansho,
Firig-firigna isha uu ku daro, Ficil miskiinaysa,
illintay fatihi oo fasixi, Feera weynaha e,

anigoo fekerayoo xusuus, galay falaadkeyga,
falxaddiyo haddaan waayo hore, Faallo ugu laabto,
illintaan fatahayaa kolkaan, Eeddo fiirshaba e,
ishoodaa Allow kaa fureey, kaana furo eeddo,
oo Eebbow furey oo ku goo, Furujka taabbeeya,

Adduunyadase waa laga fulaa, Aakhiraa furane,
cimrigeennu waa Faro ku tiris, Foori ku xigtaaye,
Fiidkiyo aroortay tagtee, Fasaxa dheer qaadan, 
Fadligaaga Eebbow ku gey, Faraxa meeshiisa,
oo Eebbe Fadligaa ku kori, Fededka yoonkiisa.

 ---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk