FARXIYA, 25-04-2008
Maansadan FARXIYA, oo soo baxday 25-04-2008, waxay ku timid wiil aan hal qol wada deggnayn oo gabar ay guur ku heshiiyeen, Moobaylkii uu kula hadlayey Khalad ka dhacay uu sababay inay daacadnimadiisa ka shakiso, balse aniga oo arrinta dhacday goob joog u ahaa, xog ogaalna wax badan u ah, baan ku iri aniga ayaa kaaga marqaati ah in aadan gabadhan khiyaanayn ee hoo Maansadan oo u dir. waana tan maansadii:

Farxiyadan jeclaayey, Filsaney salaan hoo,
marka xiga Fariidaay, Xaalkeygu Farajey,
aad buu u faayaa, wax isii ferdedayoo,
ina sii firaariyay, Fartad soo xardheysiyo,
Fakiskaaga weeyoo, Jacaylkii faguugee,
Feeraheyga jiifaa, Doc ka soo faruurmoo,
Familkaan la noolaa, baa iga fariiroo,
Hadallaa firdhanayoo, waxa qaar ka soo fula,
Axmadow Fahiimow, maba aad fayoobide,
ma Jacayl falluuqmoo, kaa fara badnaadaa,
mise waaba lagu falay?
 
Filsaney xabiibii, Adduunyadu Fasaad iyo,
Farad kama idlaatee, Anigoo fikirayoo,
Dhulka faalinaayoo, Hoostaa u foofara,
markuu Fiiq yiraahdee, Moobaylku fooriyo,
een Fartaad qoreysiyo, Fa'da aan ka soo fago,
Qalbigeygi foorarey, Fayoobidu ka qaaduu,
kor intuu u faalaloo, Farax wada dhammeeyuu, 
Samadeyda fiirshaa,

wuxuu oran ma Foogtey, Falis kuu imaanee,
mise Fadalka muuqdiyo, Faraskaa faniinaya,
ee soo fakanayey, Dusha ay ka fuushaa,
mise mayba foga ee, Fooxaan carfaayoo,
Hawadaan ku faafee, Sankaagani fahmaayee,
Foodda uu la raacayo, bay Falis ka soo bixi,

Filsaney walaaley, hadii aan u fiirsado,
ma ogtahay Filkaagiyo, Faca maanta joogaba,
inad fiicni dheertahay? 

Farxiyaay Fardowsaay, Xumo laga fogeeyaay,
Fas galaas ayaad tahay,

Gabadhaan ku faaniyo, Falxaddeydi baa tahay,

in kastood fogaateed, Fujeyriya sacuudiga,
Fajrigaan ku nooshahay, Fikirka iyo Maankaad,
ila fiidsataayoo, Farxad baan ku noolahay,

Ogow oo Fariidaay, Farriin kaa timaadee,
Moobaylku fooriyo, Jacayl igu firaysmiyo,
Fahmad baan ka qaadaa,

ee haddaan Falkeenniyo, Farsamadi horeetiyo,
Ballanteenni aan furo, Diinteenna Faxan iyo,
Ilaah baan ka fiigoo, Wax iskuma falaan ahay.

Falis heedhe Fayruus, waan kula faqaayee,
dadkay fiirinaayoo, i hareera fadhiyaa,
Dhegta ii fullaacshee, anna inan fakada oo,
Qalbigeygu faaxoo, Sirteennii fashilantaan,
Farxiyaay ka maagiye, Filsaney Salaan iyo,
Faraj Eebbe ku cawee.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk