Farxad baan ogaan jirey, 22-09-2016
Maansadan Farxad baan ogaan jirey, oo soo baxday 22-09-2016, waxay la hadlaysaa wiil yar aan oon faraxsanaan 24 saac ah ku aqaannay, balse aan maalin arkay isagoo yar carooday, waxayna ku tiri:-

Ciisow furfurniyo, Farxad baan ogaan jirey,
Fiid iyo Aroor iyo, Fasalkii la joogee,
waa maxay Fededkaan, sidii looxii faaxdaye,

Inkastoon Fardawsaba, Falkii aad samaysiyo,
Dembigaad faruuratayba, Faruurteeda ka furin,
Adigays facsharoo, sidii Falfalliirkii,
Runta ii faafshoo, Dembigaagi faydee,

Eebbaheen Fattaax baa, cafis inan fidinnoo,
Cudurdaarku furanyahay, Faadir noogu sheegee,
maadigaa Faasiqa,  

sidee baad Fardawsada, eeddadeed Fahma badan,
Familkiyo gurigii, Nasro sii fiiri tiri,
ugu diidday fasaxaas, Cudurdaarka u furan,

hadda raadi Fardawso, waxad dhihi Falxadey,
Farxiyiyo Farxad badan, Filsantaan jeclaayey, 
xabiibtey Fardawsaay, jacaylkay faguugoo,
Feerahayga jiifuu, wax iskuma falihii,
Fitnawade ibliiskii, iiga faa'idaystoo,
ficil anan jeclaynuu, ii saaray faruurtee,
Raalli noqo Fardawsaay.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk