Farmaajow ogow, 18-02-2017
Maansadan oo soo baxday maalintii la doortay Madaxweye Farmaajo, aad bay u dheerayd balse soomaalida degdegsane aan dhawr bayt aqrin ama dhegeysan karin darteed baan marna kala jaraa oo badankeed tuuraa, marna soo celiyaa oo intaan tuuray nuxurkii dhammaa noqotaa, sida aan wada ognahayna dawladaha nolosha adduunyada horay ugu maray, dacwad yar oo hal ruux loo haysto ayey boqol bog iwm ka soo diyaariyaan, sababtuna hadal badni & hawl badan jacayl kama ahane waa inaysan dacwadda & caddaymaheedu kala dhimmanaanin, markaa qofkii yiraa soomaalida maantaan wax ka qorayaa ee gaabiya ama wuxuu sheeguu aqoon waayey ama wuxuu ka baqay in uu lug go'o oo dadaalkiisii qofkii sidaa u eegaaba ka caajisee ka gudbo, SD, baan hadda lafteeda hubaa inay aad u yartahay inta aqrin doonta ama dhegeysan doonta, Fogaal-arag waa sawirto ama Kaameradee, waa tan maansadii:

Laba kunya Fartuu Toddoba toban, sanadku Faalaayo,
Feebarweri siddeeddeedi baan, bixinnay Foodkaaye,
Farmaajow ku soco Fiicnidaan, Foodka kugu siinnay,
Fantasyaha la dhigay waa Xujiyo, Fayl lagaa xiraye,
Fa'da Hadalka waad muujisoo, Farax dadkaagiiye,
Ficil bay sugaayaan Beryaha, Foodda soo haya e,
Far kelise Fool inay dhaqayn, Faahim baad tahaye,
Midnimada ku feer kii Fajiyo, Furuq Allow keena,

Foloriida markuu Weerar iyo, Fulugya qaadaayo,
Dawlo fudud Hujuumkuu gelaa, Fuudka la awooda, -
Far ma qaado kaligiisa oo, mana facaysaa e,
Isbahaysi faagtiyo intuu, Fiigshe soo urursho,     
Midnimuu ku feeraa idihi, kala faniinshaaye,
Xikmadduu ka faa'iidi waa, Keli ma fawzaane,
Midnimada ku feer kii Fajiyo, Furuq Allaw keena,  

Labo dulum futeystaa Xaqey, ku kala fiigaane, 
Dulmi inay ku fawzaan kuwii, furay Albaabkeeda,
Farqahay is haystaan taniyo, Fiinta dhaladaase,     
ka fogow Dulmi-loow-ga ina, kala faquuqaaya, ---

inkastood Quraan Faahim iyo, Fiqi ahayn Sheekha,
Fikirkaaga wacan bay dadkii, Farax la ooyeene,
Far bugtaad tilmaantiyo Kob ay, Beladu fuurtaaye,
Fursaddaa ku siisiyo waqtiga, Fooggan milagaane,
soo dhawee midkii fiican oon, Maato farataysan,
oo fogey Fuluus kii rabiyo, buuxso Faraqaaga,

sida kuwi Siyaad Fiijiyee, Furunka goobaayey, 
ee lahaa adaa fiicanoo, Caalim Faahimana,
ee markuu Filladii dhaafay ee, Foori lagu heesay,
yiraahdeen Fasaad buu ahaa, Fawdo inankeeda,     
iska fiiri waa kuwa harkiyo, Fiidki kula jooga,

Faruur Diinu kuma ay ekoo, Ficil ayey dooni,
Fatxi iyo Fussilat kaasho iyo, Faatixada Eebbe,  
Fadligaa Ilaahaaga iyo, Falaq ha sii deynin,
Culummada Fabaa'uu taqaan, Falalki Taariikhda,
Fas'aluu adeegsoo Su'aal, Eebbe Falankiisa,       
Falyaxdari maxay tahay dhehoo, kumay fadeexaysay,
mid kastoo Hawada faalalee, Shicib u footeeyey,
ee kaba furaystoo Dhegaha, Furuj ku taabbeeyey,
dib u fiiri Fakad buu ku tegi, furunti Laagoose,

ka fogaaw inaad kibirto ood, fiiqdo Ganafkaaga,
ha noqonin Faruur weyne iyo, Faade Afrikaana,
Fantasyuhu hadduu gaabiyee, Faraxu soo liico,
intuu kuu fayowyee Magacu, weli fadeexoobin,
ood Caynku inu furan rabiyo, garato Foomkiisa,
iga hooda furihiisa dheho, gaar uga fariiso,
ama dibad u fuulee Kursiga, Raaci Faraskaagi,
ama Furaha Taladaad noqee, Foogta waligaa e,
iska fiiri Fursaddaa ha deyn, Foodki lagu siiye,

iska fiiri Soomaali waa, Faaruq gudaheedu,
Feded iyo Shakaa laayey iyo, Foos Qabaa'ilo e, 
Ugaartii sideeday fakee, Dhega fullaaceehe,
oo Faraha fooddey dhigtaa, Fadal sugaysaaye,
sidi Sici Farey bay rabtaa, Juuqin farajaawe,  
Farka naxa ka dhawr oo dulqaad, Fooxa ugu qaybi,

Fagta hore Fattaaxaa ku hay, Laabta furunteeda,
Foomkaad u taal Eebbihii, kuu farsamadeeyey,
ee Farowgi Soomaali ee, kala fagaareysay,
ee isuma Faysada ahayd, kalana fiigaysey,
Far quraata kaagaga dhigee, siiya yiri Foodka,
bal Falkaad samaysuu deyaa, Faxanaahaagiiye,
Farmaajow ogow Eebbe inu, adi ku fiiraayo,
Kaamero Fattaax leeyahaa, Fiinta kaa surane,
iska fiiri Fogaal arag waxaa, Foodda kugu haaya.

Mar qurey Fursadu soo martaa, Faamil Aadane e,
haddii aad Fursada lumiso eed, Dayso Faxalkeeda,
oo aad Fayoobiya Caqliba, meel ku wada faylin,
ood Tasbiixda iyo Faadirkiyo, Faraha laalaabin,
inkastood fagaarayso ood, Faraduglaynayso,
kursi waa Fal shaydaan watiyo, Faas an la arkayne,

adoo sii fariisaa ayuu, kala firaynaaye,
asaaggaa wixii foociyee, yiri fagaareeya,
xusuusnow inuu kaa fogeyn, kala Faquuqaaye,
oo Ferenfer sidii uu yahee, Ciidda faganaayo,
Furdugtiisa uun baad arkee, Goorad filanayne,
iska fiiri Fawdiyo ibliis, waa Ferdenayaale,

Fooraha markuu joogey iyo, Suuqa Firadiisa,
Dhidid kii filqaayoo Carada, Feer tatoomadiyey,
inta dhaar Furqaankaa martee, Faraha soo saartay,
ee tiri Fasaadkaan jiriyo, kala Faquuqnaanta,
mar haddaan fariistee Kursiga, Foodka la i siiyo,
Wallee Fadalka aan dhigo inaad, Farajacaysaane,
Xilahaygu furan Duhur haddaan, laga fagaaraynin,

inta saa u faagfaagateen, faraxnay muuqiisa,
ma aqaan inuu Faal jiriyo, Duul fulaanfulaye,
Kurisigiyo markii uu Fadhiga, Faysha la haleelo, 
oo Fillada Wardhiigley isaga,  Furaha loo dhiibo,
Waraabowgu Furiqii u noqoy,   Fara ka leefleefe,
kiiba maaha faaqleynayoo,  Firada sayraayey,
wixii Faranka Lacageeda iyo,  Furun dadkaw yiilley,

Feeraha markuu dhigo wixii, Shicibku fiirsaayey,
een furin islaantiisi ee, fura Akhlaadiisii,
Faylashay ka buuxaan tirada, Faro ma koobaane,
iska fiiri Fogaal arag waxaa, Foodda kugu haaya.

Haba jiro Finlaand iyo mid tegey, Farankafoortiiye,
Famil wada waddaniyoon lahayn, meelu uba foofo,
oo Fillada wardhiigley deyaa, Subaxi soo faaxa,
Agoontiyo Faqiirkiyo Miskiin, Maralku fuunteeyey,
Shaqo li'i kuwey faadisoo, Faaruq yahay Jeebku,
ee Nimcada la fuuqayo arkoo, Gaajo faganayso, 
oo Fartaa ku soo fiiqayoo, eegi Ficilkiinna,  
oo Ciilka Feeraha u yaal, cuni Faruurtooda,
Kaamero Fattaax leeyahaa, Fiinta kaa surane,
iska fiiri Fogaal arag waxaa, Foodda kugu haaya.

Haddii Foodka lagu siiyey iyo, Faanto iyo Kooko,
inad noloshi Faaf reebtay iyo, Fiito may ahane,
ilaa aad Wanaag faaqiddood, xumo fogeynayso,
oo aad furdaamayso Belo, Qodaxda faagayso,    
ha u filin inaad fawstay ood, furatay guushiiye,
oo Beertu kuu faalashood, guratay Fiiddiiye,
ee Faysha waxa kaaga xiran, Faa'idiya hooge,
Cod Firii ah kuwii kuugu ridey, Faran adoon dhiibin,
waxa ay ka fiigeen Shicbiga, Feerka la ordaaye,
iska fiiri Fursaddaas ha deyn, Foodki lagu siiye,

sheekh Bashiir Fagaaruhu xusee, Foogta iman doonta,
Xadiiskuu Furfuray ee ku yiri, Fiiro dheernimada, 
Foodkiinna waad qarin kartiin, Maanta Furuntaane,
ha fiirina sunuuddaan yarood, Foodka ku heshaane,
Fagaarihi Qiyaamaha markuu, Uunku fuli doono,
Firaarkiyo Gariirkiyo markii, Fuufta lagu haayo,   
Qofba uu ka fiigayo Qofkuu, Dunidi fiirsaayey, 
ee Goobta lagu soo fireyn, waxad falaayeysay,
Maalintaasi Fededkeeda jira, haatan fududaysta,
oo Allaa Faxnaantiya garaa, Foogta imaneehe,
ee kaad Wanaag ugu fishaan, Foodka wada siiya.

Farmaajow Fadliga Eebbahaa, Qaadday Furihiiye,
laguu fayshan Fiilada ilaa, Furunti Eeraane,
Faanuus ayey kugu hayaan, Fiidki ololeeye,
haddii aad wanaag faafisood, Xumaha fookayso,
Filladaa Adduunyiyo middaa, Foogta imanaysa,
labadaba ku fawstaye ogow, Farajna kuu yaale,
haddiised fikirin eed Caqliga, Meel fogba u eegin,
oo aad Fashiistaha sidiis, Faysha naga goyso,
labadaba fasaaddaye ogow, Furuqna kuu yaale,
iska fiiri Fursaddaas ha deyn, Qaadday furihiiye,

Maamulkii Siyaad iyo Fillada, kuwi ku faylaayey, 
inkastuu Fasaad badan jiroo, Diinta foocinayey,
wax un baa inoo faayey oo, Faalal wuu jiraye,
Dunidana Fariid baan ahayn, Fiisahood dhicine, 
Fadhiid aan koreyn baa na helay, Faysha noo galaye,
Asaaggeen intuu foocayee, sare u foofaayey,       
oo Horumar loo faagtay ee, Dayaxa loo faafay,
zamankii Fircoon baan innagu, Dib ugu foocnaaye,   
iska eeg farmaajow fillada, waxa ku soo fool leh,

Fas galaas Dalkeennoo ahaa, Fawdo kuwi beeray,
ee Fiji iyo inoo dhigay fujeyr, Badaha Fowleeya,
Farzuuqiyo Triiboli Bangaaz, Faayda noo geliyey,
ee Nibiri Faadiyo Libaax, Fuudki naga yeelay,
kuwii soo fontololshaa ku jira, Maamulkii fulaye,
Qoraygaaga Faalkeed ku ridi, kuwan ka faalleeyey,
waa mideynta Familkaaga yare, Firaha soomaala, ---
iyagoonba Fasal qura dhammayn, Tirada Foomkoodu,
ayey Boqol Fallaagiyo noqdeen, Qaramma Faalsaahe,
Fahmadii Rasuulkiyo adoo, Faadir kaashanaya,
Farmaajow midey Faamilkaa, Foodki lagu siiye,

Faafaalayaashiyo kuwaa, wada faqaaqleeya,
Siyaasiga Fashiistaha jinniyo, Oday Fallaagooba,
haddaan duul Fardani Hadalka uu, Fawdo gelinayin,
Shucuubtaas Fagaaraha adduun, wada ku faafaysa,
lama kala fogeyn karo Walaal, Faatax wada beeray, 
waa Xaawo kuway foolatiyo, Aadan Faraciise,
Far quraata inay wada yihiin, Faham Oraahdeyda
oo fiiri Fogaal arag waxaa, Foodda kugu haaya.

Familkeenna Soomaali baan, badi fayoobayne,
Fitnooluhu Qabiil muu lihiyo, Faamil uu xigo e,
Farjigaw Xigaaliyo wuxuu, fuuqo Duhurkiiye,
Feeraha u geli Feer xun iyo, Hooto fara laaba,
ee Fagtuu gagabo oo indhaha, Firirigsiinaayo, 
waa Farad wax qaba oo durbaba, wuu fakanayaaye,
Luquntaa ku goo Faas beloo, Sunu ka faaxayso,

midka Sixir inuu fuuqsadiyo, Furuq la moodaayo,
ee Laylka faalalahayee, Faaska la ordaaya,
Fallaaraha Baroonkiyo cabbaas, fururugtaa haaya, 
een wuxuu falaayiya gareyn, waxa ka soo fool leh,
u miyiri intuu Faham heloo, geli Fayoobaantu,
waa Firkeenni Soomaali iyo, kuwan ku faannaaye,
hadba Farac siyaadaa Adduun, la isku fooraaye,
Dad nagama fududa iyo inaan, Dheel ku farraqnaaye, 
haddii uuse Faralkiyo Samaha, diido fahamkooda,
Faran qura ma joogiyo Findhicil, Faashad loo xiraye,
Fitnaalow Qabuuraha u goo, Tikit ku sii fool leh,

Degdeg waa Fal Shaydaan watiyo, kala Fagaareyne,
Fitnoolaha ayey Garab u tahay, Cadaw Faruur weyne,
haddii Belo fayoobaato ee, Dhiiggu falaqleeyo,
ha fededin intaad Faacilkiyo, Faalso ka ogaani,     
Xaqiiqada markaad fayddo eed, Faasidkii aragto,
ka fogow Raxmiyo Beer jileec, Ficil dareenkeed leh,

Fahamkuu Siyaad Qabaliyada, yiri fagooreeya,
Dusha buu ka fiirshoo Micnaha, Hoos umuu furine,
Fayraskiisa muu baarin iyo, Meeshu faalalo e,
Qabri weyn intuu faagay oo, ciid ku falambeeyey,
buu yiri Faruuryaha xiroo, Magaca fookeeya,
Anigaase faaqiday Qabiil, meelu fiidsado e,
Fitnadaa na haysiyo waxaa, Fiigga nagu beeray,
waa Abtiriska Aabboo Faraxa, lagu fogaanaayo, 
iyo Ehelka Hooyoo Firkeed, laga fogaanaayo,
ee Farmaajo adigaw fadhiya, Reerka Furuntiiye,

Haddii Odayga aan fiirinnoon, tirinno Feertiisa,
Faaraxey Faruurey Faraans, Fawdo iyo Fawle,
Fu'fudaa intaan hayno baan, Geli Fideel Jaarles,
Faanoole Fari kama qodnay, tegi firkeedaaye,
isagama sokeynoo Ferenji, Faamil baan noqone, 
haddiise an Faadumo Cabdiya, Filsan yarey aadno, 
Fanaxley Farxiyo Dahabo aan, furanno geesteeda, ---
oon Fa'da dumarka raacno oon, dhinacyadow faarno,
oon dheddigga soo faylinnon, furro Shabaagtooda, 
Abtiyaal Fasaxa aad no oon, Foodda ka dhunkoonno,
Habaryara u feernoo Masaaj, Duugno Faraheeda,
Fidnadii Qabiil way dhammaan, & Fasaadkaane,
oo Fayraskiisaa ku hari, Furuq Allaw keenye,    
iska fiiri Fogaal arag waxaa, Foodda kugu haaya.

Dulmilow intuu faalalee, Nolol ku faytaami,
Qarannimo fogaatoo Midnimo, dhigatay Fooddaase,
Tawbada midkii faadsha ee, diida Faxalkeeda,
waa wax Falan wixii Fiican kii, Furuq ka dooraahe,
Kansar iyo Fajiya Aydhis iyo, Furuq Allow keenka,
Faayaha intaad jebiso ood, Faaruq kaga yeesho,
Fiilada Wadnaha haysa oo, Beerku ku fandiido, 
adigoo fontololshoo sidaa, ugu fullaacaaya,
Fitnaalow Qabuuraha u goo, Tikit ku sii fool leh

Foolkaaga ka ku soo deyaa, Fooggan agahaaga,
inkastuu Funaaniyo kalsoon, qabo Faniilooyin,
ha u qabin Fayoobiyo inuu, faayo Milagaase,
oo uu fahmaa Ereyadiyo, waxad ka faallayne,
Qalfoofkiyo ha deyin Faruuryuhuu, Firirig siinaaye,
Qalbigiisu wuu fooraraa, luuqya faratayne, 
Balaayuu Falkini qabaliyuu, kala faruuraaye,
adiguu ku kala faaqidaa, Faamilkaad tahaye,
iska fiiri Fogaal arag waxaa, Foodda kugu haaya.

Faaquure waxa jira Xinjiro, jecel Faxooxdooda,
oo in uun la kala fiigsamaa, Faarax gelineeye,
iska fiiri mid Qabiil faloo, Firir la haadaaya,
oo fiiri Jufannimo midkey, Miyirka fuuntaysay,

Fallaaraha Madaafiic kuwii, Xamar ku feeteeyey,
ee Hilibki Feeto feetiyo ka dhigay, Finiq la duugaynin, ---

iska fiiri Fashuushlaha uree, Beenta fololaaya,
iska fiiri midan Diir nixine, feenta Ubadkiisa,
iska fiiri Feeraha u weyn, Doqonka faaqleeya,
iska fiiri mid Habaar qabee, Furun un goobaaya,

iska fiiri Foor boynti faayf, waa Fal cadaweede,
waa hadalki Faataadhugliyo, midan fayoobayne,
xaqiraadna Naar bay fatihi, Faralku noo sheegye,
iska fiiri Faal kii dhigiyo, Tuugga faragooya,

ha u filin inuu Faahim noqon, Dabada faytaaye,
iska fiiri dhaqankeenna wacan, kii fasaadinaya, 

Fullaaygiyo Ugaartaa Dalxiis, Faran la siistaaye,
iska fiiri Nabaad guurshahaa, gubi Fullaaygeenna,  
Faas iyo ku goo Belo afweyn,  Qoortu ku fandiido,

Guryo noo Fandiidoon cidina, nagu faduulaynin,
baan kiro ka bixinnaa Fatuush, Faranya Aalaafe,
Farmaajow la dirir Nabadda kii, kaa fongorinaaya, 

Markii ay Xil Qaran Faalashoo, joogto yaa fulini,
ha u eegin Qabiil Faasiq iyo, Jufo Faruurreeye,
qaybin mayno Faniintiyo Galley, Jaad Fashaarugahe,
Ruuxa Fulinta loo dhiibayee, Qaran ku faanaayo, 
waa inuu ahaadaa Fariid, Faahim caalimana,
oo Faarax haba uu dhaliyo, Hooyo Fanaxleeye,
Farta uun ku fiiq Faamilkaas, Faarax oo keliya,

Ha noqonin funuun dawladeed, kii Falkaha saarta,
ee keligi faantaar ihiyo, Qaalli Fanax weyne,
oo haweenka fasaqaaya oo, rida furriinkoode,
Fan kastaba wasiirkeed u daa, waa ku filanyiine,

ha noqonin Fajaas geesiyoo, cuna Fandhaalkiisa,    
oo meel Fagaaraa la dhigo, isaga oo fuuray,
hana noqon Fulaagii degdega, Fiinta ka ordaaya,

ha noqonin Fuxuushkii dhintoo, Diinta farataysta,
hana noqon mid falanoo Harkii, keligi faantaara,

ha noqonin madaxu Faad midkuu, Faaska ka adkaado,
hana noqon Fudayd Nacamle oo, lagu fataalaayo,
ee noqo Farqiga kii gartoo, Feker ku xeeleeya,
welibana Raxiim Faahimoo, Dulumka faarbeeya, 

Haddii uu Siyaad faylin laa, Faahim Gabayaaga,
Xikmadaha Fansaarkoodi iyo, Faarax Gololleyba,
Yamyam, Firin, Hadaraawiyo Falaad, Feetin iyo Qaysba,
Sangub uu Fansaarkiis dhigtoo, saarto Faraskiisa, 
Run dhegeyso Fasirkeedi iyo, qaadan laa Ficilki,
Figta Nayjer uma uu qaxeen, Furunti Laagoose,
ma fuuqneenna Shuuradi Fardaha, Fuudki Kaakumo e,
Abwaannada Fagaare u samee, Gole Faqoodaaya,
Faxanaw ilhaamiya Fad aan, oollin Fadalkaane,
Fa'da Gabay ku soo dhiiba dheho, Fiinta ka qiyaasa, 
oo talada weydii Falkii, inagu soo Fool leh,

Abuukarow Cawaalena Falkuu, Jaad ku faralaabay,
waa geesi Ficil noo qabtiyo, Hiillo faraweyne,
Noloshuu ka dhici Faasidkuu, Fayl ka xiro Jaade, 
innagoo Abaar faydan oo, gaajo farataysan,
inan Gini fireynoon Milyaar, dirro Falaytkooda,
oo Qashin naloo soo firdhiyo, Buuro fadalluuga,
waa waalli fagaxsaysa iyo, Daaf laguu fidiye,
innagoon faduuleynin oon, deris fuxuusheynin,
oo Beecu furanyahay adduun, kii ka faasaxaya, 
Dabo fayde Qaad falane iyo, Fuxush Xisaab laawe,
oo Nolosha faasidiya oo, Jiil ku fadaroobo,
Bahalkaas faylashaad ku dari, kuwad fogeyneeye,
iska fiiri Fogaal arag waxaa, Foodda kugu haaya.

immisaa Fariid lagu guraa, Gaalshiraha fiiri,
immisaan Falkaa lagu hayaba, garan faxuushkiisa,
immisaan falkii lagu qabtaba, Feen yar ka ogaynin,
immisaan u wedin oo Falkaba, Fiicni ula jeeday,
immisaanba jooginoo Falkii, Beero falanaayey,
immisuu nabsaday Faasiq iyo, Faran mid goobaayey,
immisuu Fashiistuhu qasbiyo, Faajir bahaluula,
Ficlul khayrna immisaa waddoo, loogu rogay Fooro, 

Sheekh Maxamed Sheekh Yuusuf fura, Faylka kiisa ahe,
ma Caqlaa Falkii lagu xiroo, Foodda loo geliyey,
Fikirkaan ogaa ee Raxmada, Fiisa lagu siiyey,
ma mooryaan Fasaadlaa hal meel, lagula foorneeyey ?

Fikir iguma haayiyo culays, Ficilka noocaase,
Nabi Yuusuf Ficilkoo kalaa, loogu faashadaye,
oo faduusha way dhigi jireen, Duul horoo fulaye, 
balse Feerki ree Masar helee, Gebiba fuunteeyey,
haddeydnaan u foognaan kareyn, Faca Abaar raagta,
oodaha ka faydoo haddeer, siiya fasaxiisa,
oo hadduu xitaa Ficil jiree, Sheekha helay Faalid,
inaanuu fayoobayn gartoo, fayl dhakhtara geeya, 
oo soo fayoobeeya oo,  siiya Dawo fayda,

Fa'da ila fogaataan ku xiri, seetadii Farase,
Taladaa haddaad fiirin ood, hoos u falanqaynin,
oo aad indhaha faydin ood, qaaddo fadalkoodi,
Faaskii ku dhacay madaxdi hore, iyaga oo fiirin,
ogow inu ku sugi Feerahana, kaaga fuli doono.

haddiiseed sidaan fiirinayey, yeesho falankeeda,
oo aad Qabiil Feerahaa, Faaska ugu aasto,
oo aad waddada fiican badan, qaaddo Ficilkeeda,
waynagaa Hawada faalalnoo, Fooqa sare gaarnay,
adiguna ku fawstoo Adduun, kuu Fariid noqoye,
Berritana Firaashkii Jannuu, Weyne kuu fidini,

Allaheen Fattaaxow adaa, Uunkan foofsadaye,
haddii uu Farmaajo u kacaa, Qodobbaduu faafshey, -
uuna Diinta faragelinin ee, daayo Faraskeeda, 
Cadawgiisa Feeraha u geli, Belo fadeexaysa,
isagana u faystee Adduun, Fiican uga yeelna,  
aakhirana Fardawsa u hibee, Farax damaashaadi.


---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk