Faham ina Ugaas Nuur, 03-10-2005
Dabcan Aadanuhu hadduu wanaag la yimaado, in loo qiraahi waa xaq waajib ah. Maansadan FAHAM INA UGAAS NUUR, oo soo baxday 03-10-2005, isku maalinna soo baxeen Maansada Cismaan & Ugaasow, maalintaas oo aan safar gaaban ku tegey Tuulada Buulo-mareer, ayaa dadkii sida wacan ii soo dhaweeyey waxaa ka mid ahayd Faadumo iyo Saygeeda ina Ugaas Nuur sida maansada ka muuqata, faahfaahin kalena uma baahna, waana tan maansadii:

Faadumo farxaaney, farsamiyo fal khayrrey,
dabka ii afuuftadi, dambaskey fageysana,
faraheeda gubi tegey, hooyo fara raxmaad iyo,
ina faarax caawiday, fataxnaada kuu maray,
iyo fuural faataxo, kuwad foolaneysee,
hooyo faadumoy yiri, iyo gebi firkaagaan,
dembi faaxa aan gelin, eed farac wadaagtaan,
laydin wada fayoobee, laydinkana fogee Belo,
gurigiinna furuq iyo, duul falan ma soo galo,
cadowgiinna faal iyo, fitno idin la soo rabo,
qabrigiisa loo faag.

Faadumoy war iga hoo, in kastoo fataaxeen,
faxanuhu dhammeys yahay, oo aad fir iyo diin,
odaygaaga fawsi nuur, faca aad wadaagtaan,

Waa ugaas fir hore iyo, lugu doortay fayl dheer,
xaddiis baa na faray iyo, furqaantii Ilaahey,
hadduu faralka oofiyo, Fattaaxiisa caabudo,
in wuxuu na faro iyo, amarkiisa fulinnaa.

Ogow faws ugaas nuur, Xuquuq aan falaad gelin,
albaab iyo falaas iyo, Firaash baad wadaagtaan,

Ogow fows ugaas nuur, firfircooni iyo orod,
isagoo furfuranoo, fulinaaya shaqo oo,
ku filqaaya dhididkuu, furunkiinna keenaa.

Farxiyiyo carruurtiyo, adigoo u fiicanuu,
faraxiisu muuqdaa, cid kalena ma fiirsado.

Ogow fows ugaas nuur, faadumaay haddii aad,
faralkaaga dabadii, amarkiisa fulisaba,
in firaar dambeetiyo, fadalkii qiyaamaha,
dhib lagaaga faydayo.

Waa inuu firaashkii, gurigaaga fiicane,
fiidkuu yimaadaba, firfircooni badan iyo,
fudayd iyo wanaag iyo, Farxad kaa guddoomaa.

Faadumoy xaggeygana, Faxanow iraahdee,
farya suul ahaadoo, midnimada ku foof taga,
kal gacayl ku soo fula, fool horaad adduunyiyo,
noqda faraj la raadsado,

sakaraadku farax iyo, fudayd idinku sii dhaaf,
berritana fagaaraha, qiyaamaha ku fawsoo,
safarkiinna faalalee, Ka fakaday adduunyee,
aakhiro u foof tegey, noqoy kii far janno iyo,
lugu furo fardowsada.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk