Eberlaan isteyt baan aasaasi maantoo, 15-09-2018
Anoo Qurunki Qabaliyo, Buunkeed afuufaya,
haddii aan gacantiyo, sacabbada u haatshoon,
ku dhawaaqo eeggadan, Qabiilkaygi Ololow,

Eberlaan isteyt baan, aasaasi maantoo,
Soomaali unuunkiyo, oofaha wax gooyaan,
Agabkeed samaynaa,

Bililiqaan u bixi oo, Agoon soo dhacaayaa,
Muslim iyo gaalo aan, cidna Eed u gaysano,
Aqalkii hurdaayaan, weerar aan ku qaadi on,
ubadkood xasuuqaa,

Hubaal inan Uluufaad, Soomaali baan ahay,
igu leh aan helaayee, yaa yaqaan Inkaarkaas,
Iintiisa sababteed?


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk