taladaadu daaraha labaa tii san ha ahaato (Duuni ma tasoobe) 17-05-2013
Injineere sidaad taabatee,  weliba taakeysay,
wax ayaam zamaan laga tegee,  Tawbad laga keenay,
in Tawaab tirtirayuu ku qoray,  Diinta taamka ahe,
Adduunyadan takoorkiyo ka jiro,  Tiiha iyo Oonku,
in la tiirsho Mayd baa u qoran,  Ruux tallaabsada e,
inuu toos u gelayee Qabriga,  looga tegi doono,
ruux taasi diidaba la waa,  Muumin iyo Tuuge,

Toobiyaha jidkii Aakhiraa,  loo tartamayaaye,
Adduunyada ciddii toomsatee,  Taajir laga yeelo,
Toogteedu goortey timee,  Saacu ku tigleeyo,
iyadoon waxay taami iyo,  talo la weydiinnin,
ayumbaa la toogtaa naftoo,  looga tiriyaaye,
Tallaahiye Axaadiista iyo,  Tawba lagu sheegye,

Cid kastoo tix-gelin iyo Jacayl,  Teebka ugu haysey,
Taksi iyo koley tii-em iyo,  Tuurta ku xambaarto,
karfan lagu tigtigay oo xarkaha,  taagan lagu dhuujay,
qabuurahey la tiigsani markaa,  wayska tebineehe,

Tibka Quraca Fuustooyin iyo,  Tanag intay saarto,
bay Turaab tatoonyaa ku tubi,  oo ku tumaneehe,
Injineerki aan tebi jirow,  Duuni ma tasoobe,
inkastoon xiriir Teed xiriyo,  Taako tabanaayo,
Taladaadu Daaraha labaa,  Tii san ha ahaato.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk