Daa'imkey Kansar iyo, Duumo laysa ha keeno, 17-1-2017
Maansadan Daa'imkey Kansar & Duumo laysa ha keeno oo soo baxday 17-01-2017, kuna soo baxday kufsigii Galdogob, waxay leedahay:

Dumar kii dilaayee,  Dubanaayey Saqiirrada,
Dabajeexya Hoobiye, Duhurkiyo Allaylkiyo,
Saqda dhexe ku daadiyey, Diirnax kama sugaayee,
Dumar kii kufsanayow, Daa'imkey Kansar iyo,
EH-AY-VII ku dila iyo, waxan Dawo lahayn iyo,
Duucuunna kuu keen.

kii Saqiirra dilayee,  Ari daaqi gubayana,
Diirnax kama sugaayee, Dumar kii kufsanayow,
Dakarkaad la aaddaba, isagoo ku diirmoo,
dililiqoo hulhulayoo, Maqaarkii is daayeen,
ha ka duulo jiriddoo, Dhagaatiga ha ruqsado,   

Shahwad iyo docdeediyo, Aadanaha dareenkiis,
kugumuu dambeeyoo, Dadnimada ka fogide,
ibliis kugu dekeeyaa, ku soo duulinaayee,
Dookhaad la aaddiyo, Dareemaha lagaa awd.

Doqonyahay aruurtee,  Daroogadu dilootaay,
maxaa Dahabadeenniyo,  idiin geeyey Dumarkii,
darajaadka xurmo iyo,  Dayyibkeenna ahaa?

ma in lays dukhuuloo,  Ragya dumar kulmo baa,
darajooyin cusub aad,  dulliyohow u aragtaa?

mise Dumar la qasboo,  Dirqi lagu xoogaa,
inay dunuub leedahay,  Dulliyohow u aragtaa?

yey ku sirannin Dulliyohow, soomaali dooqeed,
Dabcigeeda Weershaha, docdoc wax u eegaya,

1- Dumarkii la kufsado,  dembi inay leediyo,
Dunuub bay u arkaan,  Daalimkii kufsadana,
Diracnimay ku sheegaan.  

2- Ehelkiis dilaagiyo,  Hooyadiis dukhuulaha,
Halyeygood hal door iyo,  Diracnimay ku sheegaan.

3- Afmiishaar dulloobiyo,  ma gefaha Dijaalkaa
Caaqilkooda doorkiyo,   Diracnimay ku sheegaan.
 
4- Tuugada Dariiqyada,  isbaarada ku duugtana,
geesi Dakhli keeniyo,  Diracnimay ku sheegaan.

5- Walaasheenna Diibkee,  Xaaraanta diiddana,
kii Xoog ku dayayey,  Diracnimo ku sheegaan.

Deeqa luul wanaagey,  maxaa inad is dishiyo,
dawdara kuu geeyey

Dahab baadba tahay oo,  Sumcad aad dallacdiyo,
Darajaad ka qaaddee ?    ku gaartee

adigoo dareen lahad, Dulligooda diiddee,
haddii lagu dirqiyoo,  dilna kuu geysteen,
ma dembaad ku leedahay?

Dadka kii ku eedee,  Dembi kuu sameeyana,
Dulligaad aragtiyo,  dawdarradii ku heley,
Dirya ehel wadaagaan.

Dadka kii dareen loo,  ka sal guurin Dadnimadi
Deeqaay adoo kale,  Dawarsi iyo Tuugsiyo,
Tooshash uu u daartiyo,  Dayax buu ku raadshaa.

Soomaali Dulmi badan,  Khayrkeeda dawartada,
Dheemmankiyo Luulkiyo,  Dahabkeeda kufsanee,   
Gaal aad dugaashood,   Diinta soo gelisoo,
Dib ka soo islaamaa,   Deeqa kaaga door roon.

waxa saa u dilayana,  qabiil baa dullaystoo,
darakaadtkii naartiyo,  dabaqyuu kala dhici,
ee Deeqa-luulaay, 

inkastoon Duqooboon,  Kontonkii duqaynayo,
Guur lagu degaayoo,  Aqal laba daryaalaa,
kuma diidi karayoo,  Diyaar baan kuu ahay,
mar haddaad Dibnahaa,  Deeqa soo mari lahayd,
Dirham iyo Doollar iyo,  Ducaan kuugu dari lahaa,
ee maxaad u dili ood,  Naftaadaa dayibkaa,
Daa'im kuugu deeqee,   Janno kuugu darayana,
Deeqa maxaad u goynee?

haddaad ani i diiddana,   Dirqi Guurku muu aha,
Dooqaada adeyska leh,   ee Deeqa-luulaay,
Darajaadba gaartoo,  Daruurahaad u dhooftaye,
Doofaarro jirey oon,  Dadku wada ogayn baad,
u soo saartay dibadee,  sidee laguu dagaalaa,
eed laguu dul saaraa?

Cid lamaba dukhuulee,  waa lays dukhuulaa,
oo in lays dukhuulana,  Ceetu Deeqa may aha,
waxa ceebya Diin laa,  waa labo dambawdoo,
Zino wada dabaasheen,  iyagaana Dembigiyo,
dhacdadey u simanyihiin.

hadduu Deeqo kufsi dhaco,  Dulligii hoggaanshuu,
Deeqay uu ku go'anyahay,  ee maxaa ku daarood,
sidii inad dambawdiyo,  inaad Daaaro dumisa ad,
ugu daqaaqamaysaa?

intaad dawaqsaneed ee,  Shaydaan ku diraayey,
ku lahaa is dil oo, aakhiraw daadego,
haddaan degmadaadiyo,  degel kula joogi lahaa,
Guur aan dedejiyo,   Aroos baan dekeyn lahaa,
haddadaanse Deeqaay,  Daa'imkeenna mahaddiis,
gefkaagii dareentoo,  garatay inaad Dahab tahay,
dadka jira dhammaantood, debinkaan inta badan, 
inad Dahaba luulaay,  Dareen laawayaashiyo
ka sarrayso Diinnaar.

ذَلِكَ لِتَعْلَمُواْ أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الأَرْضِ وَأَنَّ اللَّهَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ أَلَا يَعْلَمُ مَنْ خَلَقَ وَهُوَ اللَّطِيفُ الْخَبِيرُ عَلِمَ اللَّهُ أَنَّكُمْ كُنتُمْ تَخْتَانُونَ أَنفُسَكُمْ فَتَابَ عَلَيْكُمْ وَعَفَا عَنكُمْ وَلَوْ عَلِمَ اللَّهُ فِيهِمْ خَيْرًا لَّأَسْمَعَهُمْ وَلَوْ أَسْمَعَهُمْ لَتَوَلَّوْا وَّهُم مُّعْرِضُونَ أُوْلَئِكَ الَّذِينَ يَعْلَمُ اللَّهُ مَا فِي قُلُوبِهِمْ فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ وَعِظْهُمْ إِن يَعْلَمِ اللَّهُ فِي قُلُوبِكُمْ خَيْرًا يُؤْتِكُمْ خَيْرًا يَعْلَمُ مَا تَكْسِبُ كُلُّ نَفْسٍ أَوَلاَ يَعْلَمُونَ أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ . . عَسَى أَن تَكْرَهُواْ شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ وَعَسَى أَن تُحِبُّواْ شَيْئًا وَهُوَ شَرٌّ لَّكُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لاَ تَعْلَمُونَ وَاللَّهُ يَعْلَمُ الْمُفْسِدَ مِنَ الْمُصْلِحِ ذَلِكُمْ أَزْكَى لَكُمْ وَأَطْهَرُ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لاَ تَعْلَمُونَ وَاعْلَمُواْ أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ مَا فِي أَنفُسِكُمْ فَاحْذَرُوهُ يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الأَرْضِ وَاللَّهُ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ فَلِمَ تُحَاجُّونَ فِيمَا لَيْسَ لَكُم بِهِ عِلْمٌ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لاَ تَعْلَمُونَ مَّا عَلَى الرَّسُولِ إِلاَّ الْبَلاغُ وَاللَّهُ يَعْلَمُ مَا تُبْدُونَ وَمَا تَكْتُمُونَ وَهُوَ اللَّهُ فِي السَّمَاوَاتِ وَفِي الأَرْضِ يَعْلَمُ سِرَّكُمْ وَجَهْرَكُمْ وَيَعْلَمُ مَا تَكْسِبُونَ وَعِندَهُ مَفَاتِحُ الْغَيْبِ لاَ يَعْلَمُهَا إِلاَّ هُوَ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَمَا تَسْقُطُ مِن وَرَقَةٍ إِلاَّ يَعْلَمُهَا وَلاَ حَبَّةٍ فِي ظُلُمَاتِ الأَرْضِ وَلاَ رَطْبٍ وَلاَ يَابِسٍ إِلاَّ فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ وَهُوَ الَّذِي يَتَوَفَّاكُم بِاللَّيْلِ وَيَعْلَمُ مَا جَرَحْتُم بِالنَّهَارِ ثُمَّ يَبْعَثُكُمْ فِيهِ لِيُقْضَى أَجَلٌ مُّسَمًّى ثُمَّ إِلَيْهِ مَرْجِعُكُمْ ثُمَّ يُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ يُهْلِكُونَ أَنفُسَهُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ إِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ أَلَمْ يَعْلَمُواْ أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ سِرَّهُمْ وَنَجْوَاهُمْ وَأَنَّ اللَّهَ عَلاَّمُ الْغُيُوبِ قُلْ أَتُنَبِّئُونَ اللَّهَ بِمَا لاَ يَعْلَمُ فِي السَّمَاوَاتِ وَلاَ فِي الأَرْضِ سُبْحَانَهُ وَتَعَالَى عَمَّا يُشْرِكُونَ أَلا إِنَّهُمْ يَثْنُونَ صُدُورَهُمْ لِيَسْتَخْفُواْ مِنْهُ أَلا حِينَ يَسْتَغْشُونَ ثِيَابَهُمْ يَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ إِنَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ اللَّهُ يَعْلَمُ مَا تَحْمِلُ كُلُّ أُنثَى وَمَا تَغِيضُ الأَرْحَامُ وَمَا تَزْدَادُ وَكُلُّ شَيْءٍ عِندَهُ بِمِقْدَارٍ عَالِمُ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ الْكَبِيرُ الْمُتَعَالِ سَوَاء مِّنكُم مَّنْ أَسَرَّ الْقَوْلَ وَمَن جَهَرَ بِهِ وَمَنْ هُوَ مُسْتَخْفٍ بِاللَّيْلِ وَسَارِبٌ بِالنَّهَارِ أَفَمَن يَعْلَمُ أَنَّمَا أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَبِّكَ الْحَقُّ كَمَنْ هُوَ أَعْمَى إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُوْلُواْ الأَلْبَابِ قُلْ سَمُّوهُمْ أَمْ تُنَبِّئُونَهُ بِمَا لاَ يَعْلَمُ فِي الأَرْضِ أَم بِظَاهِرٍ مِّنَ الْقَوْلِ وَقَدْ مَكَرَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَلِلَّهِ الْمَكْرُ جَمِيعًا يَعْلَمُ مَا تَكْسِبُ كُلُّ نَفْسٍ وَسَيَعْلَمُ الْكُفَّارُ لِمَنْ عُقْبَى الدَّارِ وَاللَّهُ يَعْلَمُ مَا تُسِرُّونَ وَمَا تُعْلِنُونَ لاَ جَرَمَ أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ إِنَّهُ لاَ يُحِبُّ الْمُسْتَكْبِرِينَ فَلاَ تَضْرِبُواْ لِلَّهِ الأَمْثَالَ إِنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لاَ تَعْلَمُونَ وَأَوْفُواْ بِعَهْدِ اللَّهِ إِذَا عَاهَدتُّمْ وَلاَ تَنقُضُواْ الأَيْمَانَ بَعْدَ تَوْكِيدِهَا وَقَدْ جَعَلْتُمُ اللَّهَ عَلَيْكُمْ كَفِيلاً إِنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ مَا تَفْعَلُونَ وَإِن تَجْهَرْ بِالْقَوْلِ فَإِنَّهُ يَعْلَمُ السِّرَّ وَأَخْفَى يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلا يُحِيطُونَ بِهِ عِلْمًا قَالَ رَبِّي يَعْلَمُ الْقَوْلَ فِي السَّمَاء وَالأَرْضِ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلا يَشْفَعُونَ إِلاَّ لِمَنِ ارْتَضَى إِنَّهُ يَعْلَمُ الْجَهْرَ مِنَ الْقَوْلِ وَيَعْلَمُ مَا تَكْتُمُونَ أَلَمْ تَعْلَمْ أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاء وَالأَرْضِ إِنَّ ذَلِكَ فِي كِتَابٍ إِنَّ ذَلِكَ عَلَى اللَّهِ يَسِيرٌ

--------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk