Dumo buu ka soo goostiyo, 12-05-2018
Berigay digsiga ridu gashee,  dalaq tiroo aadday,  madaxaDeeqsiisay
oy madaxa duurduurisee,  qoolmay dabinkeedu,
Durriyadiya hooyadina uu, buuqu darayeeyey,   dalambaabay
Duqii reerku goortuu arkee,  yiri dayowdeene,
horta duulsha madaxoo ridaa,  gawrac ugu duuga,
markuu madaxi duulee ridii,  Malaggu soo doonay,
yiri jebiya dherigoo haddana,  Daadsha jilaygiisa,
oo ooyin daadshoo ilmada,   daanka ka dareertay,
dabadeedna daankays qabtee, yiri dameerleydan,  duulay o go'aye, doobigay dhimaye

dad Allow 
qoyskaa dabayshade hadduu,  mawtku ila duulo,
dad intaa aqoon waayey oo,  xeelba ka daboolan,
dad intaa aqoon waayey oo,  diibka garan waayey,
bal haddaan dhintee daarti kale,  laygu daro maanta,
oo aan dabayshado ayaa,  duulkaw tali doona,
oo dayac ka dhawraaya oo, dooni sahankooda?

dabka waxa inoo saaran oo,  dubayo beereeda,
Duray buu ka soo goostay oo,  Duray u sii goostay,

dameercaduu ka goostay shalay , Dumo ku soo biiray,
dannood buu ka goostoo misana, dumo u sii goostay,
misna dumuu ka soo goostay oo, daanti kale aaday,  biirshay
dhallinyarada duurduuri oo,  dawaqu saameeyey,
dhallinyarada duuraysa ee,  
iyo Oday dayooboo caqligi,  Dacas ka hooseeyo,
ee ubadkii daandaamiyoo, Talo ka duugowday,
waa dayow ku dhacay doorki iyo, dahabki soomaali,
waa darwiish la liidoo dawaco, hilibki loo daadshey, loo dayaafadiyey
waa suntuu qabiil noo dihdiyo,  dayro qaraneede,
sow mid Daa'in garanaaya iyo,  Diinle ma haleelno?  nama biirsho?

qaatumuu ka soo duuray oo, misna u sii duuray,
duullaanki beesheennu ay, duuriya ku qaadday, ------
Kismaayadi la qabey iyo dulweyn,  Dixidi baardheere, -----
tiknikaa la gubay daabbad iyo,  
dibaa loo celshoo cadawgi waa,  daadka lahu biirshay,  dib u guryeyn,
qabiillada dayowdiyo wax garad,  caayga daadinayey,
mirahey dihdeen iyo suntii,  Doobi lagu maalnay,
dacartay inoo soo tabceen,  Daba ka faydyaashi,  doobiga ku maalnay,
Allaylehe darkeedii tagniyo,  ceelki Daratoole,


waxa maanta soomaali u talsha waa odayga noocaasa oo marna la leeyahay hoggaanka dalka soo xul oo soo xulaya dadka qashinkiisii.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk