Dulqaad & Xishood, 4-1-2018
Dulqaad iyo Xishood iyo, Cabsi Daa'imkey baa,
Bulsho sii dumaysiyo, Qaran lagu dabiibaa,

ee qabiil duggaafiyo, ma dantaada dayac iyo,
kala daadadkaagoo, dhiig kuugu diiraa,
Qaran lagu dabiibaa?

ma Dallaala-raac iyo, Dibbirooyin weyniyo,
Siyaasiga Dajaalkee, dantiisoo quraata un,
malaayiin u dilayaa, Qaran lagu dabiibaa?

ma darxumo jacayl iyo, Dadkaagoo dhibtoodiyo,
Cudurrada dilaagiyo, Daratiyo kudkeedoo,
daleeddaa na dhigayaa, Qaran lagu dabiibaa.

ma tuug daamam weyn oo, Laaluush duddubiyoo,
Dadka ka xishoon oon, Daa'imkiina ka cabsayn,  ---
Dirham qura hadduu helo, Dalkoo dhan xaraashaya,
in Qabiil duggaafaa, Darti loogu hiilshaa,
Qaran lagu dabiibaa?

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk