Dulmi uun u joogtada, dulliguba duggaashado, 08-02-2016
Maansadani DULMI UUN U JOOGTADA, waxay timid mar aan soo ag maray gaari qaabka caasiga leh dhirir iyo ballacse ka weyn, oo dhismo ahaan iyo midab ahaanba aad u qurux badnaa, markaa ayey qalbiga iga gashay Allow yaa gaarigan aabbahaa siiya, nasiibdarrose isla markiiba waxaa igu soo dhacday ina aysan suurtogal ahayn gaarigan sidan u quruxda badan inuu ka nabad galo masiibo helooyinkii reer ujeeddo badan ee aan horay uga hadlay maansadaydii SOOMAALITOGAN, kuwaas oo dariiq walba u taagnaa musaafurka, malaayiin hanti ah ee iyagu leeyihiinna ka jeclaa hal shilin oo ay ayeydood oo safar ah ka furtaan, waxayna ahayd maansadu:

Uubatada diiratada, wax qurxoon la dirirtada,  
Dal gebigi Dahab ahaa, dulin galeen ka yeeshada,
Didisada nabaddee, dulmi uun u joogtada,

wixii wacan ku dibbirtada, Dawadeedu qurun tahay,
dirhamkii agoontiyo, bililiqo ku darartada,

isha iska deyeysee, meesha dagan eegatada,
dareen wada socda iyo, Dub naxa malahatada,

Nabadoon ka dilantada, Dabshidow u badatada,

Duul Allow na bari yiri, Digsiyada u gembisada,
Qoom salaad tukanayana, daf weerar ku siisada,
ruux aan dakano qabin, meel xun uga soo dustada,

Dadka kii u xiga iyo, Daciif uun u murqa weyn,

Durriyaday dhashay iyo, Dirkeeda gumaaddada,
hadduu dayo Shisheeyana, Dhabarkeeda dabcisada,

Daaraheeda dumisada, Dawarsiga ka dooratada,
Xasad iyo Dareen iyo, Xiqdiga ku diirsatada,

Qalbigeeda Dibirkiyo, Dixda dhagaxeediya,
Dabcigeeda qallafkaa, waano uma degatada,
Daa'im baan ka megan galay.


---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk