Dulmi loo garbiyo - 27-02-2007
Maansadan dulmi loo garbiyo oo soo baxday 27-02-2007, waxay ku timid berigii ururkii maxkamadaha la magac ay ciidamadii itoobiyaanku jebiyeen, soomaalidihii maxkamadaha necbaydna guul u aragtay, balse dad aan anigu ku jirey oo dagaal oogayaashii 16 ka sano dhibayey necbaa, aad u dhibsadeen, baan anigoo xoogaa madaxu i yar xanuunayo Bas ka raacay busteejadii is goyskii Baar Ubax, Darawalka Baska oo dareemayey inuu Heesihii & muusiggii loo diiday xurriyad u helay, baa music aan la wada xammili karin cirkaa u dallacay, markaa baan ku iri walaal madaxaa i xanuunaya, dad ila midana way iska jiri karaane naga demi ama walba gaabso, hayeeshee mar qura bay rakaabkii igula soo boodeen maxaa loo gaabinayaa, maad dhegahaaga ka haysatid, war xaggeen ku haystaa baskaan idinla saaranahaye,

markaa baan dareemay in ummaddan xumaanta wada daafacaysa halaag ba'ani ku soo fool leeyahay, maadaama Rakaabkii aan ka mid ahaaba laga waayey 1 qof oo yiraa waar waa run ee ka naaqus, hadde waa la ogaa wixii ku dhacay ee ciidankii magaca itoobiyaanka watey ku dhigay,

Waxa kaloo ay maansadu tilmaamee ragga Jaadku dulleeyaye ubadkoodii dayacaye Hooyadii uu ku dayacay la daalaa dhacayso Jaad & shaah cadceedda la fadhisa & gabdhaha markay rag qiimo leh oo guusada waayeen miduba qaab u lebbisanayso, calaa kulli xaal maansada Dulmi loo garbiyo oo aad u kooban, balse meelo muhiim ah ka hadlaysa waa tan:

Dulmi loo garbiyo Gaajadoo, Daar u hoyaneysa,
ninna uma dulqaataa la yiri, Duunka abidkiise,
Nabsiyaal is biirshee Dadkaan, loo dammirinaayo,
anoon gebi dareereyn haddaan, Dacal kasoo gooyo,
Cuqubada Dameer waa ka kow, Daabkan lala fuulay,
oo Qoriga lagu durahayoo, Dhiigga laga daadin,

Dumar uu raggoodii furee, Suuqa dalambaabi,
oo Biilki deyn iyo markuu, Jaad ku dalaq siiyey,
ay Shaah Dariiqaa ku karin, Danina seetaysay,
Ubadkiina daandaamayoo, Suuqa dawaraayo,

Wajiga kuwa daboolee tafaha, dibedda keenaaya,
kuwo Marada Darif hoose iyo, Dacal ka jeexaaya,
Qaar kalena doorshoo xaqiyo, diidey Quruxdiisa,
ama Waalidkuba doonayoo, Dirica iibaayo,

Culummada dakaantoo cunee, Shilinka Doofaarka,
oo Caammo uga sii dayee, kuna dayoobayso,
Agoontoo la duudsinahayoo, laguna diirsaayo,
oo Tuuggu Cidu soo dulmaba, laga difaacaayo,
Caydoo bannaan oon Dibnaha, lagala daaleynin,
oo Sheekhu daawanahayoo, daaya oraneynin,

Qabyaalada na daaweysa oon, Diinta ku sumowno,
oo Dulum Xuquuq lagu helaa, Oday u doodaayo,
oon ruux danqanayaahi jirin, labada daamoodba,
Lixle Duul ku dhace maatidana, Calalladii diirtey,
kuna daawan Boobaha sitiyo, Daba ku Miishaarle,

Daroogada xalaal noo ahoo, lagu damaadaayo,
oo uu Daciif yahay Ninkii, Diinta baranaaya,
Dimuqraaddiyada Maa-iddiyo, Yuusuf laga doortay,
oo kii damqada lagu diraa, Cadowga Diintiisa,

Darawaliinta Hees iyo durbaan, Jaad ku daranaysa,
oo daa haddii aad tiraa, waan dawaqayaaye,
uu Rakaabku kugu soo didoo, kula dagaalaayo.
 
Hadduu waxan dambaabnaba ilaah, nagu duqaynaayo,
Dambas iyo waxan noqon lahayn, Duulki Nabi Luude,
Dulliyaal is wada daba galoo, lagu dabaalaayo,
oon ruux ka diiraahi jirin, Dhiiggu degi waayey,
waa waxa na daandaamiyoo, Duurka noo diraye,

Markan Diinta ka dareernay oon, Xumihi deyn weynay,
adaa Daa-imow dooriyoo, rogay Damiirkiiye,
inkastoon dambaaboo ibliis, igu dawaafaayo,
Sacabbada ayaan doogan oo, Daacad baan ahaye,
Dariiqaaga noo soo dumoo, Dawga nagu toosi.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk