Doqon dhawaaqay, 15-10-2008
Maansadan yar ee Doqon dhawaaqay oo soo baxday 15-10-2008, waxay u yar jawaabaysey nin qabiiliiste ahaa oo isagoo leh Daarood baan ahay, ayuu wuxuu si aan xishood lahayn u caayayey qabiillada kale ee Dirta & Hawiyaha, markaa waxan u sheegayey in dadka uu kala qaadayaahi yihiin dad walaalo ah oo wada wanaagsan, qabiil qabiil ka fiicanina uusan jirin, waayo waxa lugu kala fiicanyahay waa taqwada Alle, qof xumuna cidna ma metelo ee naftiisa un buu metelaa, SDarteed ayaan kuwuu caayeyna lahaa shaqsi iska dhawaaqay ka soo qaada oo yuusan idin dambaajin, walaalihiin aan waxba idiin gaysanna idinku dirin, kuwuu magacooda wateyna anigaaba xaal siiyey oo iri qof soomaali ah oo soomaali caayey ka soo qaada, waa tan maansadu:

Daalimkaas abaaraha, bogaggooda daabaca,
ee soo daloombiyey, oo degelka keenniyo,
hawiyaha duraayoo, caay soo dureeriyey,
oo cayga daadaa, waa doqon dhawaaqoo,
daaroodka sheegtoo, magacood ku daaqaya,
oo inan ka diiroon, daaroodka caayuu,
damaciisu uu yahay.

ee hoy dabbaalyohow, sida ruux dammaadoo,
khamra soo durduurtoo, daandaana baad tahay,
oo inaad dabbaalyohow, duhurkii qarweysana,
abaaraha ka daawoo, adigaaba daabacay!

Balse duulkad sheegee, ceeb aad la doonee,
daarood gob weeyiyo, soomaali daahira,
oo inan duqeeyoon, daanno aan u geystaa,
waa diin la'aan iyo, caro daa-imkeygii,
oo degelladeenniyo, hawiyahad dagaale,
dirta aad fogeynee, soomaali duunkeed,

iyagaa duggaalshoo, walaalkooda doorka ah,
oo doqon dhawaaqoo, diirkooda sheegtoo,
magacood ku daaqaa, ma metelo dirkoodoo,
dacaskooda weeyaan.

ee diradiraalow, dabya naar afuufow,
dabcigaagan maantaa, haddii aad ka daadegin,
ku doorsoomi maayoo, daaroodka daa iyo,
duulan wada dhalannee, haddaad daaraddeydiyo,
timaad daakhilkeygii, dilka aad hamaysiyo,
dhib kulama doonee, biyaan kuu daraa oo,
dahab baan ku siinaa, waayo dareenkiyo,
jahli baa ku duufiyey, oo dameer dhawaaqiyo,
daanyeer un baad tahay.

ee anaa dabkaagiyo, damacaaga garaniye,
dibnahaaga xiro iyo, calyadaada daadee.

ee cid iga dambaysiyo, kuwow diirinaayow,
dirtow jaa'ifeeyiyo, hawiyow dareen hoo,
damiir kii lahow maqal!

Doqonkaas hadlaayee, daaroodka sheegaa,
shalay kii ku dilay ee, magacyada direed iyo,
hawiyaha ku daaqeey, dabci qura wadaagaan.

kan kalee docdaadee, cadow kula dilaayee,
garabkaaga duufaa, ee dhiiggu daatee,
dalka kula difaacaa, sow maaha daarood ?

Haddii aadse doqonkaas, daraaddiis u caydana,
caydu meel duleeshiyo, buur kama degeysoo,
afkaagaa dambaabee, balse neef daloombiyey,
oo dunuub xambaartoo, naartii dabaalaa,
sow duule maad ihid ?

aan sii dardaarmee, hawiyiyo daarood,
dir soomaaliyeedey, duqda noo ayeeyiyo,
duqa noogu weynow, da' yarteenna idileey,
carrab dalab leh ruuxiis, iyo dano shisheeyaa,
waa waxa na diley oo, ina wada dagaagshee,
midkaan soo daliiliyey, iyo duul kastuu yahay,
dhaha daannadaadiyo, naga daa dhibaatada,
haddii uuse diidee, raaciyo dabayshaa,
calooshiisa dooxoo, ha la waayo duuggiis,

Dulmaniyo madluum aan, docda laga wareemiyo,
cadowgii damqaayiyo, daqarkiisa garaneyn,
cudur kama dambeeyee,

Somalaay dammaadaay, miyeydnaan dareemayn,
diraacdii timaadaba, inaad dulin quraatiyo,
dulmilawga awgiis, dhiiggiinnu daadaa,
ood daadduntaanood, dhan u wada dagaagtaan,
ood saynta dunidiyo, dibka ugaga taallaan.

Dabadeed cadaawuhu, sida xoolo soo diday,
oo laysku soo duwey, intuu isku kaa daro,
xero weyn idiin dumo, idin yiri dullowdoo,
adigaa dalkaagiyo, guryahaagi dumiyee,
geli maysid daartiyo, duggaalkaan samaystee,
degelkaa jaxiimiyo, daleeddaada seexoo,
tuugsi waa dantaadee, dawartaan ku siiyiyo,
dayacaas ku noolow, daawahaanna hoo aan,
shuuro kuugu daadshee,

Aan soo dabbaaloon, soo duubo hadalkee,
in kastoon idiin digey, berigaad dullowdeen,
geeraarro daadiyey, dhegi may dalooline,
balse doorka maantaan, dacdarrada ku haysiyo,
la daawayso waayaha.

Allow daa'imkeygoow, dadkeygii dhammaantii,
debinkii horeetiyo, duniday billowgii,
gadaal ugu dabayshteen, oo diinta taadey,
dayaceen dorraad bey, dacwaddeedi haysaa,

oo tiih daboolaa, dhegahooda daariyey,
oo laba dunood oo, durriyadi madoobiyo,
dhashay diibo geeddaa, dan kastoy wadaagaan,
dood baa timaaddoo, caro sii dillaacdey,
daan u kala dayoobaan.

Daa'imow soo celi, dareenkaad u uuntiyo,
caqligii dabayshaday, oo demi colaaddiyo,
qiiqeeda duulaya, oo dibindibyeeyaha,
dabya naar afuufaha, degelkeeda ka saar,
oo dacalladeediyo, dubkeedaa madowgaa
tii daryeesha ka yeel, oo roobka noo di'i,
dhulku uu ku diirsado, oo daaqa fiid iyo,
cagaar dooga ka yeel, oon caano darar iyo,
baruur aan durduurtaa.
AAMMIIN - AAMMIIN - AAMMIIN .

Ilaahow Nabad noo keen iyo Barwaaqo nawada cammimta, annaga iyo dhammaan Adduunka oo dhan.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk