DOCDA IYO JUFADA 11-01-2008
 
Maansada DOCDA & JUFADA oo soo baxday 11-01-2008, waxan ka tiriyey markaan arkay Xeer ku sheegga odayaal ku sheegga soomaalidu dadkooda ku maamulaan oo Dulum & Akhlaaq xumo ku dhisan, waxaadna arkaysaa Nin intuu khamro kasoo dhergay dadka laynaya, oo intuu dukaammada iyo goobaha ganacsiga tago alaabtii & badeecadiiba qarbudaya oo miisaska jejebinaya, markii la iska celi maagana dadka meesha taagan kugu oranayaan, walaal iska daa wax ma kala ogoo waa saqraane, isna markuu sidaa maqloba kibir ka sii qaado, oo uuba Meherad ka dhigtoo dadka baad ka qaato, illeen iskama celin karaan oo garab shaydaan buu helayaaye.

waxaa kaloon ku arkay Magaalo weyn oo aanan magaceeda halkan ku sheegayn, Nin ama dhawr nin oo kala duwan, oo iska caadiya oo haddii gaari ordaya ku yimaado ka weecanaya, oo quudkiisa qalqaalsada, dadka magaaladaas degganna aan la hadlayn, balse markii dad musaafura yimaadaan dhibaateeya, oo intuu middi ula soo baxo baad ka qaata, illeen dadka musaafurka ahi sida badan diyaar uma aha inay dagaal galaan, oo waxay is leeyihiin balaayo helahaan ha ku dhaafo kolley galabtaad ka carrabaysaaye. xitaa waxaa la ii sheegay inuu Ninkaasi gabdhaha Magaalada deggan habeenkii intuu meel madow ku jiito kufsado, kaddibna saqajaannimo kale kula kaco, oo dhaawacyo kibir ah u geysto, waxa kaloon arkay koox shufto ah oo isbaaro u taallo waddo cidla ah oo maalin walba dadka dhaca, dila, kufsada, caanna ka noqday dhulal badan oo dhulka soomaalida ah haba sii kala liitaane. 

waxase dhacday in maalin laba baabuur oo safar ahi markey isbaarooyin badan oo dhawr boqol oo km ah soo bixiyeen, ay is arkeen iyagoon isbaarada u dambaysa ee ku soo socota aanay lacag u hayn, sd, waxay ku heshiiyeen inay isbaaradan hartay isma maraan haddii la xabbadeeyana ay is difaacaan iyagoo gaarigiba hal qoray oo Aake ah watey, kaddibna dagaal dhex maray tuugadii oo soo weerartay iyo iyagii buu Hooggaamiyihii tuugada u weynaa ku baqtiyey.

kddib Odayaal ka socda Beeshuu ka dhashay baa Diyo u soo safatay, iyagoo weliba ku hanjabaya haddii aan la siinin inay aarsan doonaan (dabcan aarsiga soomaalidu ciddii wax dishey ma dishee cid kastoo magac qabiil la wadaagtey dilaan), hase yeeshee labadii beelood ee kale, halkii ay oran lahaayeen ma tuug horay noo laayey, haddana la dili gaaray, ee ilaahay naga difaacay baad Diyo nooga doonaysaan, labadoodii baa Dhexdoodii ku kala jabay, idinkaa xabbadda tuugga ku dhacday lahaa & idinkaa lahaa.

kaddibna anigoo arrintaa la yaabban baan Odayaashii ku iri, sidee baad idinkii walaalaha ahaa isugu nacaysaan tuug aad iska difaacdeen? markay jawaab i siin waayeen baa wiil yari hoosta iiga baaqay, oo yiri ma dhihi karaan oo iyagaa Diyadan oo kale hore uga qaatay, calaa kulli xaal waxan maansan ku muujinayaa inay arrimahaasi yihiin, halka ay ka timid dhibaatada Maanta Soomaalida haysata, maansadiina waana tan:-

Somaalida waxaa dooriyoo, sidan u diihaalshey,
Qaxa iyo dagaaggana badiyo, Darayadaa haysa,
guryahey dekeysteen ka diray, kana dalaabaaya, 

oo midan u diirnixin innaba, sacabbadow doogay,
u dujiyey Dareemiyo Dulweyn, Duurka gudihiisa,
oo Halaq u daaqaayoo, Deeqdi uga yeelay,
oo Laylki daadduminayaan, idin dareensiine.

Qabiil baa ka duugoo indhihi, Nuurki ka daboolay,
marka aad la doodayso eed, Deel ka dhaadhicini,
eed inu ku soo deyahayiyo, Dirito moodeyso,
Isha uu dabaa iyo Dibnaha, xoog u diriraaya,
Docda iyo jufada aad tahuu, kala dabaynaaye,
ha u qabin inu Dawga wacan, kula diyaaraayo,

intuu Daarta wacan joogey iyo, Nabadda Dayrkeeda,
Dulmiguu u kaalmeyn jiraan, qaar ka daakhiliye,
Qofka Kibirku daysane ka dhigay, fala wuxuu doono,
ee muuqa Duulkii arkaa, uga duceysaayey,
+
waa Ruux Bugtadu dilatayoo, diidi bay orane,
Dembiguu sameeyana marnaha, looma daba raaco,
isna Darar ka sii qaadi jirey, sii dabeyshaniye,

Daroogada midkii duubta ee, Maan is-doorinaya,
hadduu Dhagax ku duurduuro ee, ili ku soo duusho,
Marqaatiga dadkii furi lahaa, ee Duddada joogey,
baa kugula duufoo adiga, Doodna kugu keena,
haddii uu Dareen huunno jiro, waxan ma duubteene,
+
Dembi maleh Saqraan daahan oo, Dadaba weeyaane,
Daqarkaaga dhayo oo Dawada, adigu doondoono,
insa kibirka sii daaqi jirey, sii dabaalaniye,
Qaaddadana sii daranayaa, wixi damaadaaya.

Haddii aan dayeen sii dayeen, aad u daawadayna,
Laba Daaw mid uun bay Carada, Talo ku doorsiine,  
Darandoorri inad doonatood, Dhawr Qof uga duubto,
iyo inad Dayuus noqotid oo, Duul ku wada eegto,
wax ka duwan ayaa ii hayoon, Duco u dhaafshaana?

Duulka saa jideeyaan Su'aal, Daraya weydiine,
Ruux Marada duubsaaya oo, cuna Dacaamkiisa,
oo Dariiqa uga weecda waxa, Daanka jebinaaya,
oon Hadalka Deel kaa qaldeyn, Dulucda haasaawga,
+
Socotana dulmaa oo wixii, Dumara roorsaaya,
oo Duqowda tiisaahi ay, kugu dardaarmayso,
Jin ayaa dardaray wiilkannaga, Dogobyadaas jooga,
oo hadduu ku dilo Ruux ma jiro, kaa damiinaniye,
Daqarkaaga dhayo oo dawada, adigu doondoono,
haddii ay ku dubateed tagtana, Doodi maba taallo,
+
oo waa Dijaal kugu tuntiyo, Bahalki Doofaarka,
balse waxa Digniin naga ahood, gelini Diiwaanka,
adigoys difaacaa haddey, Daanna yari gaarto,
ogow inad Diktoor naga dishood, Diyo na siinayso !

Anigoo dirgaa oo haddana, Caro la diidaaya,
baan Degel Bajeelaad dhacdadi, dib u xusuustaaye,

Dariiq ay jareen Tuugo Beri, Dooxato u joogtey,
oo Degelka laga wada ogaa, taniyo Duumaale,
oo dhawr Dagaal qaadday oo, Dumarka xoogaysey,
oo Sahayda diiraysey oo, Dilalna geyseydey,
Duul soo safrey weerareen, Maalin Duhurkiiya,
+
Safarkiina uu galay difaac, Jilibka uu duugtay,
Dulmilow Allaa dooriyoo, kalana daadaahe,
Burcaddii mid baa daayey oo, Ruuxu dabayeystay,

dabadeed Duqey kaamiloo, Beel u wada duuban,
ayaa Diyo u soo safatay oo, daayna ku hinraagtay,
Anumbaa damqaa oo Dhaqaaq, igu dambeeyaahe,
Docdi kale kamey diirinoo, maba dareensaynin,
oo dooxataan dilniyo taan, Daadifeyn sugayey,
iyageys duqeeyoo Jilbiyo, daan u kala booday,
maan dilin adaa diley ayey, Hoos isugu daabtay,

Bal maxaa ka duufshoy u oran, sidan daliilaayo,
duqeeyahay u soo duushay waxay, Diintu naga reebtay,
Afar baad ka doorani middii, Adigu aad dooni,
Qaaddicul Dariiq baan diliyo, Ruux i dili gaarey,
+
Diyo aan baxshee wuxu diliyo, deymo hore keena,
kii i dilaya waan dili ogow, Diyana waan dhiibi,
Saddexdaa haddaad diiddidood, Dawna mari weyso,
aan Dariiqa kala goosannoon, Daan u kala joogno,

Dullinnimose qaatoo waxay, Doodi ku idlaatay,
Mar kastoon Dariiqaas maroon, Dano ka soo yeesho,
kii i dila i diiraaya ee, Dumarka xoogaaya,
dili mayo haddii aan dilana, qaata diyadiisa,

Anigoo dirgaayoo si uun, ula dagaalaaya,
midaa hoosta iigaga digoo, yiri Duqeydaani,
horey bey u doogteen Gacmaha, Dilal sidoodaasa,
mana laha docey uga baxaan, Dawga lagu keenay,

war hadduu Nin Daalima Jidkiyo, Daawga iga gooyo,
marka uu i dilo aan Diyada, Cidi ka doonaynin, 
oo waa Dabley waxa diliyo, Tuugo lagu daayi, 
Anigoys difaacaa haddaan, Meel yar ka daliigo,
Qabiil weyni soo duulayoo, Diyo i weydiini,
haddii kale dad baan laayi uu, Dood ka dhiganaayo,
+
Caammada dirkeed waan arkaa, Qoray la duulkaaye,
Culummadi maxaa daaray oo, Doobta uga taagan,
mise Been ayey noo diraan, Duhur salaadeedka,
oo Shilin ayaa uga darraa, Diinta amarkeeda?

Doc kalaan u rogi oo Qisada, waan deldelayaaye,
Duqeydaan dhammaanteed su'aal, daraya weydiine, 
ninna Dhagax Dixeed kama imaan, Dooyo iyo Hawde, 
Dulmigaa Dulmiga sii dhalee, Dulumyo sii dhaafay,
Danta aad ka leedahay haddaan, Qaar ka dacaleeyo,
Araggiyo Dibniyo Dhego inuu, korey Dabool wayni,
+
oo Daa'im Naaraha u yaal, Hoos laguu dirayo,
iyo inad Dagaal doone tahay, Dhiig un daadinaya,
Bac-madow la duulayso ood, Biil ka dayaneyso,
Labadaa Dariiq oon midnaba, naar ka deganeynin,
sow diyaar uma aha Duqey, Reer Dagaal huriye,
Diimahana taad haysatiin, soo daliiliyana ?
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk