DOCDA IYO JUFADA 11-01-2008
 
Maansada DOCDA & JUFADA waxan ka tiriyey markaan arkay Xeer ku sheegga ay odayaal ku sheegga soomaalidu dadkooda ku maamulaan oo Dulum & Akhlaaq xumo ku dhisan, waxaadna arkaysaa Nin intuu khamro kasoo dhergay dadka laynaya oo intuu dukaammada iyo goobaha ganacsiga tago alaabtii & badeecadiiba qarbudaya oo miisaska jejebinaya oo markii la iska celi maagana dadka meesha taagan kugu oranayaan walaal iska daa wax ma kala oga oo waa saqraane isna markuu sidaa maqloba kibir ka sii qaado oo uuba meherad ka dhigtoo dadka baad ka qaato illeen iskama celin karaan oo garab sheydaan buu helayaaye. waxaa kaloon ku arkay tuulo ama magaalo weyn oo aanan magaceeda halkan ku sheegayn Nin ama dhawr nin oo kala duwan oo iska caadiya oo haddii gaari ordayaa ku yimaado ka weecanaya, oo cuntdiisa qalqaalsada, dadka magaaladaas degganna aan la hadlayn balse markii dad musaafura yimaadaan dhiba oo intuu middi ula soo baxo baad ka qaata illeen dadka musaafurka ahi sida badan diyaar uma aha inay dagaal galaan oo waxay is leeyihiin balaayo helahaan ha ku dhaafo kolley galabtaad ka carrabaysaa meeshane, xitaa waxaa la ii sheegay inuu Ninkaasi gabdhaha Magaalada deggan habeenkii intuu meel madow ku jiito kufsado oo uu waxyaabo saqajaannimo kalena kula kaco oo markuu dadntiisii ka gaaro uu Liin dhanaan Jeebka ugu jirtey Gabadhii Cawradeedii ku dhiijiyo..iyo waxyaabo kale oo aad ka yaqyaqsanayso haddii aadan odayaasha noocaas ah oo kale ahayn, waxa kaloon arkay koox shufto ah oo isbaaro u taallo waddo cidla ah oo maalin walba dadka dhaca, dila, kufsada, caanna ka noqday dhulkaa isaga ah. 

waxase dhacday in maalin laba baabuur oo safar ahi ku heshiiyeen inaanay maanta bixin Karin lacagtii baadda ahayd oo aanay haysan, sidaa darteedna ay is difaac Safarkaan waddada ku maraan, kaddibna dagaal dhex maray tuugadii oo soo weerartay iyo iyagii buu Hooggaamiyihii tuugada u weynaa ku baqtiyey, kddibna Odayaal ka socda Beeshuu ka dhashay baa Diyo u soo safatay, iyagoo weliba ku hanjabaya haddii aan la siin inay aarsan doonaan, hase yeeshee labadii beelood ee kale halkii ay ka oran lahaayeen ma tuug horay noo laayey haddana la dili gaaray ee ilaahay naga difaacay baad diyo nooga doonaysaan, labadoodii baa Dhexdoodii ku kala jabay idinkaa xabbadda tuugga ku dhacday lahaa & idinkaa lahaa, kaddibna anigoo arrintaa la yaabban baan Odayaashii ku iri, sidee baad idinkii walaalaha ahaa isugu nacaysaan tuug aad iska difaacdeen markay jawaab i siin waayeen baa wiil yari hoosta iiga baaqay oo yiri ma dhihi karaanoo iyagaa diyadanaoo kale qaadan jirey, calaa kulli xaal waxan maansan DOCDA & JUFADA oo soo baxday 11-01-2008 ku muujinayaa inay tahay halka ay ka timid dhibaatada Maanta Soomaalida haysata, waxayna ahayd sida tan:-

Somaalida waxaa dooriyoo,   sidan u diihaalshey
qaxa iyo dagaaggana badiyo,   Darayadaa haysa
guryahey dekeysteen ka diray,  kana dalaabaaya (Maalin duhurkiiya.)

oo midan u diirnixin innaba,   sacabbadow doogay
u dujiyey Dareemiyo Dulweyn,   Duurka gudihiisa
oo Halaq u daaqaayoo,   Deeqdi uga yeelay
oo Laylki daadduminayaan,   idin dareensiine.

Qabiil baa ka duugoo indhihi,   Nuurki ka daboolay
marka aad la doodayso eed,   Deel ka dhaadhicini
eed inu ku soo deyahayiyo,   Dirito moodeyso
Isha uu dabaa iyo Dibnaha,   xoog u diriraaya
Docda iyo jufada aad tahuu,   kala dabaynaaye
ha u qabin inu Dawga wacan,   kula diyaaraayo.

intuu Daarta wacan joogey iyo,   Nabadda Dayrkeeda
Dulmiguu u kaalmeyn jiraan,   qaar ka daakhiliye
Qofka Kibirku daysane ka dhigay,   fala wuxuu doono
ee muuqa Duulkii arkaa,   uga duceysaayey
waa Ruux Bugtadu dilatayoo,   diidi bay orane
Dembiguu sameeyana marnaha,   looma daba raaco
isna Darar ka sii qaadi jirey,   sii dabeyshaniye

Daroogada midkii duubta ee,   Maan is-doorinaya
hadduu Dhagax ku duurduuro ee,   Ili ku soo duusho
Marqaatiga dadkii furi lahaa,   ee Duddada joogey
baa kugula duufoo adiga,   Doodna kugu keena 
haddii uu Dareen huunno jiro,   waxan ma duubteene
Dembi maleh Saqraan daahan oo,   Dadaba weeyaane
Daqarkaaga dhayo oo Dawada,   adigu doondoono
insa kibirka sii daaqi jirey,   sii dabaalaniye
Qaaddadana sii daranayaa,   wixi damaadaaya.

Haddii aan dayeen sii dayeen,   aad u daawadayna
Laba Daaw mid uun bay Carada,   Talo ku doorsiine  
Darandoorri inad doonatoodd,   Dhawr Qof uga duubto
iyo inad Dayuus noqotid oo,   Duul ku wada eegto
wax ka duwan ayaa ii hayoon,   Duco u dhaafshaana?

Duulka saa jideeyaan Su'aal,   Daraya weydiine
Ruux Marada duubsaaya oo,   cuna Dacaamkiisa
oo Dariiqa uga weecda waxa,   Daanka jebinaaya
oon Hadalka Deel kaa qaldeyn,   Dulucda haasaawga
Socotana dulmaa oo wixii,   Dumara roorsaaya
oo Duqowda tiisaahi ay,   kugu dardaarmayso
Jin ayaa dardaray wiilkannaga,   Dogobyadaas jooga
oo hadduu ku dilo Ruux ma jiro,   kaa damiinaniye
Daqarkaaga dhayo oo dawada,   adigu doondoono
haddii ay ku dubateed tagtana,   Doodi maba taallo
oo waa Dijaal kugu tuntiyo,   Bahalki Doofaarka 
balse waxa Digniin naga ahood,   gelini Diiwaanka
adigoys difaacaa haddey,   Daanna yari gaarto
ogow inad Diktoor naga dishood,   Diyo na siinayso !

Anigoo dirgaa oo haddana,   Caro la diidaaya
baan Degel Bajeelaad dhacdadi,   dib u xusuustaaye

Dariiq ay jareen Tuugo Beri,   Dooxato u joogtey
oo Degelka laga wada ogaa,   taniyo Duumaale
oo dhawr Dagaal qaadday oo,   Dumarka xoogaysey
oo Sahayda diiraysey oo,   Dilalna geyseydey
Duul soo safrey weerareen,   Maalin Duhurkiiya
Safarkiina uu galay difaac,   Jilibka uu duugtay
Dulmilow Allaa dooriyoo,   kalana daadaahe
Burcaddii mid baa daayey oo,   Ruuxu dabayeystay

dabadeed Duqey kaamiloo,   Beel u wada duuban
ayaa Diyo u soo safatay oo,   daayna ku hinraagtay
Anumbaa damqaa oo Dhaqaaq,   igu dambeeyaahe
Docdi kale kamey diirinoo,   maba dareensaynin
oo dooxataan dilniyo taan,  Daadifeyn sugayey
iyageys duqeeyoo Jilbiyo,   daan u kala booday
maan dilin adaa diley ayey,   Hoos isugu daabtay

Bal maxaa ka duufshoy u oran,  sidan daliilaayo
duqeeyahay u soo duushay waxay,   Diintu naga reebtay
Afar baad ka doorani middii,  Adigu aad dooni
Qaaddicul Dariiq baan diliyo,   Ruux i dili gaarey
Diyo aan baxshee wuxu diliyo,   deymo hore keena
kii i dilaya waan dili ogow,   Diyana waan dhiibi
Saddexdaa haddaad diiddidood,   Dawna mari weyso
aan Dariiqa kala goosannoon,   Daan u kala joogno

Dullinnimose qaatoo waxay,   Doodi ku idlaatay
Mar kastoon Dariiqaas maroon,   Dano ka soo yeesho
kii i dila i diiraaya ee,   Dumarkaa xoogaaya
dili mayo haddii aan dilana,   qaata diyadiisa

Anigoo dirgaayoo si uun,   ula dagaalaaya
midaa hoosta iigaga digoo,   yiri Duqeydaani
horey bey u doogteen Gacmaha,   Dilal sidoodaasa
mana laha docey uga baxaan,   Dawga lagu keenay

war hadduu Nin Daalima Jidkiyo,   Daawga iga gooyo
marka uu i dilo aan Diyada,   Cidi ka doonaynin 
oo waa Dabley waxa diliyo,   Tuugo lagu daayi 
Anigoys difaacaa haddaan,   Meel yar ka daliigo
Qabiil weyni soo duulayoo,   Diyo i weydiini
haddii kale dad baan laayi uu,   Dood ka dhiganaayo
Caammada dirkeed waan arkaa,   Qoray la duulkaaye
Culummadi maxaa daaray oo,   Doobta uga taagan
mise Been ayey noo diraan,   Duhur salaadeedka
oo Shilin ayaa uga darraa,   Diinta amarkeeda?

Doc kalaan u rogi oo Qisada,   waan deldelayaaye
Duqeydaan dhammaanteed su'aal,   daraya weydiine 
ninna Dhagax Dixeed kama imaan,   Dooyo iyo Hawde 
Dulmigaa Dulmiga sii dhalee,   Dulumyo sii dhaafay
Danta aad ka leedahay haddaan,   Qaar ka dacaleeyo
Araggiyo Dibniyo Dhego inuu,   korey Dabool wayni
oo Daa'im Naaraha u yaal,   Hoos laguu dirayo
iyo inad Dagaal doone tahay,   Dhiig un daadinaya
Bac-madow la duulayso ood,   Biil ka dayaneyso
Labadaa Dariiq oon midnaba,  naar ka deganeynin
sow diyaar uma aha Duqey,   Reer Dagaal huriye
Diimahana taad haysatiin,   soo daliiliyana ?
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk