Dirnax yuu ku haray, 5-4-2016
Ayaa uu Damiir yari haroo, daaqi Gudihiisa ?
Dusha Dunidan yaa saaranuu, guban Damiirkiisu ?
Dareen Aadannimo waar midkee, lagu dambeysiiyey ?
Darifkaa shishiya gebi ahaan, Qaaradahan deyran,
Jir dubaaxiyaa yuu ku haray, waxan dareeraaya ?

Diimaha Samaawigu xumaan, diide gebigoode,
Dad waxaa dhaqaaqaaya ee, Dunida meeraaya,
Dareen ama Xishood iyo Qofkee, Diiris lagu sheegay?
inuu Daa'im ka baqiyo Qofkee, Diinu ku dambaysay ?

in kastoo Dammaar ba'an dhacoo, Moora duug jireyna,
Dambas qiiqi Holac Daamur iyo, Daakum laga yeelo,
Dad is muunan wada raaci jirin, Daalim iyo Diibe,  
Dufle mayna wada noqon Dadkiyo, wax isma doorshaane,
wax un baa dambayn jirey Adduun, Qoomamkii degaye,
balse Doorka Maataa waxaa, Dunida yaacaaya,
indhuhuba waxay deyi kareyn, Daawashaba daaye,
duul ku diirsanaayaan arkaa, daanka ka qoslaaye,
Maqaar diririyaa yuu ku haray, Dunidan guudkeeda ?

war yaa wax un danqaa oo dulliyo, xumo ka diidaaya?
war yaa dulumku ruux uu dhibiyo, Daalim kala sooca?

Diin xitaa haddii aysan jirin, deelka qodobkeedu,
basharnimo kuwow diira baa, jirey dufoobayne,
war damiir waddaniyiyo qofkee, dabac ka muuqdaana ?

Dugaaggii waraabee raxmada, deeg isaga tuuray,
ee Ri' goorta uu dilahayee, gaajo didinayso,
neefkiyoo ordaa dililijaa, xiidmihiyo duunka,
filimkeeda ruux daawadee, Duhur gashow eega,
iyo kii ka duubee isagu, toos u daawanayey,
qalbigoodu dhagaxii dixdiyo, Naar ka sii darane,
naxariista way dayriyaan, mana digiixdaane,
ma kii duubay baan wada nihiyo, daawadihi jaanka,  
maxaa gubay Damiirkeenni oo, rogay Dareenkeenni?

Fiidiyowga Googluhu dumee, Yuutub lagu duubo,
Dibi dhashay dugaag aan cunayn, daayey aragteene,
Dulmiley ayaa loo batoo, Naadir duug ma lehe,
dad xubnaha dallaalaaya oo, Beerka dubanaaya,
Bulsho dhano Duggaafada rabtoo, ruuxna midun doorin,
oo haddana dareenkii gebtaan, doorkan aragnaaye,
war yaa meel un duxi kaga timaad, Quusi duug malehe?

Soomaalidii Daa'imkey, duudka sare geeyey,
ee degaanka kii ugu wacnaa, dejiyey soonkiisa,
dacaygiyo akhlaaq xariggi iyo, Dabarki goosteene,
saddex baa na soo daalsatoo, raratay duudkiiye,  
Qabaliyo miday duugatoo, aastay Durufkiisa,
iyo Dhuuni midu duufsadoo, Dacayda laalaadsha,
iyo ruux dammane maahsan oon, joogin dunidaanba,
saddexdaannu duudka u dhignaa, isu dullaynnaye,
war yaa meel un duxi kaga timaad, Quusi duug malehe?

Halka dunidu dayaxaas rabtiyo, samada duudkeeda,
sidii Ari dabayshaday ayaan, dib u dalawnaaye,
war yaa meel un duxi kaga timaad, Quusi duug malehe?

Digrii iyo Ugaas iyo hadduu, yahay duq waayeela,
iyo sheekhi Diintiyo cilmiga, daalacdoo rogayna,
Beesheennu dulum qaadan mee, waana diriraada,
iyo dila Bulhaankaa bixiyo , Dabaxda yeeraysa,
war wax loo dulqaatiyo ma aha, Roob la doogsado e,
bal yaa meel un duxi kaga timaad,   Quusi duug malehe?

Dal walbaa Masuul qura ayaa, lagu dayaa Waaye,
Qoom gebigi wada Doorashiyo, dooni Madaxweyne,
waa Cuduran Daawiyo lahayn, Daw la mariyaaye,
Kansar iyo ka daran Aydhis ama, Cudurki Daacuune,
Belo dooro waxa nooga roon, doorta Geerida e,
kolley waa un nala duugayaa, Door ay noqotaaye,
geeriduba marbay Dahab tahoo, doorisaa Nolole,
war yaa meel un duxi kaga timaad, Quusi duug malehe?

Saqiirrada kuwaan dubanayee, Deris gumaadaaya,
Dumaashidiyo kuwan aan aqoon, Hooyadii dihatay,
Bulsho dhamon ka diiraynin baa, Doorkan la hayaaye,
war yaa Duxi ku reebtoontay oo, meel ka dusa Maanta ?

Saqiir Gaajo dilanee ayaa, Dirham u quuraaya ?
Bashar kuwa dallaalaya yaa, Dabar ku joojaaya ?

Xubnahaa Dallaal iibsadiyo, Bahal dawaafaaya, 
Buro Daanka soo fuushay oo, duugtay Araggiina,
Cudurraan Dawiyo aan lahayn, Qolo dabiibaysa,
Mucjisiyo inuu Daa'imkeen, Daaho may ahane,
Dabcigaan Daruur kii ku suga, daahan Araggiise,  
durguf iyo ayaa booda oo, meel ka duso Maanta?

Dareen ama Xishood inu danqado, Badanka diiraaya,

mid Gantaal la duulaaya oo, Duullan un u jeela,
haddii aad waxaw duulayiyo, Danaha weydiiso,
ood Duule Magacaa tiraa, yaa ku soo dirayna,
garan mayo Ciddii soo dirtiyo, wuxu u duulaaye,
magacuna Dijaal buu noqdaa, Duguf dugaafoowe,
Daalac buuna kuu raacan adi, Dawga tusinaayey, 
ku yiraa Dammane maad tahood, Duunka war u haynin,
reer Dibi-dakaan reer Dabbuur, reer Dibbira weyne,
konton sano Dakano soo socdaan, daba socdaa tiiye,   
hayga goyn Dariiqoo i dhaaf, waan dirganayaaye,
bal Asmaa'da diibkiyo maxaa, Sharafta noo diiday,
Duxi-se yey ku reebtoontay oo, meel ka dusa maanta?

Inkastoo Dacaam nolosha yahay, Doollar iyo Liiro,
haddaad dhiman Dhareerkana duwaa, Daabac noo qoraye,
Dalqadaa wuxuu mariyo Ruux, Diinta dhaafsanaya,
iyo midan orayn waar ka daa, ee ku diirsanaya, 
lagu duug Saxiixoo Dadkii, wada Dugaagowye,
war yaa duxi ku reebtoontay oo, meel ka dusa Maanta?

Kun Wasiir haddii reer Dijaal, loogu daro Liiska,
Kunya Kowna reer Dibi heloo,  loogu daro Liiska,
Kunya kow sidee reer Dibile, loogu daray Liiska,
Dulmigaa wallaan qaadanayn, Dowladdana diiday,
ayum bay Dijaalkii dhahaan, Dood ka dhigayaane,
haddaan Deel Qabiil Tiro la hayn, go'ane loo doono,
asii Deel kastaa sii dhalaa, Kuman kunoo Deela,
Garaadkiina Garaadkii Dameer, doorinayn Beriga,
oo Hubkii darandoorrigiyo, Daabab la ordaayo,
waa reer dabayshaaya oo, Nolosha diidaaye,
war yaa Duxi ku reebtoontay oo, meel ka dusa Maanta?

Haddii aan Badweyn daadegnoon, quusi dugulkeeda, 
oo Xalkii inaan doonannaa, Waajib tahay Diina, 
asii Doqon habaarani yiraa, looma dhamma Doonta,
duddadii kaleetaana lahayn, Ruux ka daa orani,
Doonidaasi inay daadegee, fuuli mayo Daahe,  
war yaa duxi ku reebtoontay oo, meel ka dusa Maanta?


Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk