Dila kuman kun daab uun la dhaca, sababna haw doonin, 04 Apr 2011
Maansadan DILA KUMAN KUN oo aan mawduuceeda oo aan la dhammeyn karin dartiis dhammaystiri waayey, waxay soo baxday 4 tii April 2011, uma baahna Faallo & Fasiraadse waxay ka hadlaysaa boqollaalka Weji ee soomaalidu ku baaba'ayso sida kumannaan Xabbadu dishey, Cudurro dileen, Baabuuru la rogmatay, ... iwm, iyo qofkii ka hadla sida Culummada, Suugaanley, Warbaahin, Suxufi, AminArts, ... iwm, uu maalinba mid leeyahay aniguu iila jeedaa, waxad arkaysaa mid maalintay BBC sheegto war qabiilkiisa u dana kuula soo ordaya miyaadan maqal BBC ayaa hadda sheegtaye, maalintay Khaladka Qabiilkiisa sheegtase uu ku leeyahay ma anigaad Idaacad reer Hebel warkeeda ii sheegaysaa, waa tan maansadii:

Ruuxa daacaddaa ee dulmigu, dhibo Dubaaqiisa,
kolkuu giiji Dabaciyo yiraa, daari waxa muuqda,
Maalintii dad baa cadowsadoo, naca Dabuubtiisa,
Cawadiina Duulkii kalaa, gala difaacooda,
anuu ii dan leeyahay yiraan, labadi daamoode,
ha ka doonin meel durugsan iyo, Dooxadii Herere,
Amiin aartis daawaba Haddeer, waxa duqaynaaya, 

Anoo Daa'im deyayoon cidnaba, Dulum ku raacaynin,
oo aan Dulmane Hiil u ahay, Daanti uu yahaba,
Somaalaay dayoobeysaney, Qoray la duulduusho,
haddii aad Damiir leedihiin, wuxun dambeeyaanna,
Su'aalaan idiin diranayaa, keenay dawaqaade,

Inan Duni la joogaynin oo, laga dawaarayni,
oon Ruux la deynayo jireyn, Daa'im soo harayo,
sakaraad la diiqooni oo, nalaga duubaayo,
Da' kastaahi way garani taa, kamana diimoona,

idinkoon Qabiilkayga deyin, iyo Duggaafaadka, 
Daa'inkiinna daya qabaliyiyo, Qurun intaad deyso,
indhihiyo ku daawada Qalbiga, waxan dureeraahe,
dhawr daqiiqo dhuuxoo dhabtiyo, Dawga runa sheega,
ee jawaabtan daymoon xaggiin, soo dawiya maanta,
Daa'imkiin ka baqa daacaddiyo, Dawga runa sheega.

Kumannaan haddii aad dishaan, Cidi u diiraynin,
oo kuman Qabiil uu diloo, aarsi kala daalo,
kumannaan Dabley ay dishiyo, duul an la aqoonin,
oo kuman Dagaal ooge uu, horey u soo duugay,
kunna Duul isbaraad Rasaas, duuli ku asqeeyo,
 
kumannaan kun door loo xushoo, Shiiska lala doonto,
dila kuman kun Daab uun la dhaca, Sababna haw doonin,
kumannaan kun Daw beena oo, dadaba loo toogto, 
kumannaan kun lagu doonto Xilal, Darajo loo laayo,
oo kuman Ajaanibu dishoo, Doollar lagu qaato,

kumannaan kun magac Dawladeed, lagu duqaynaayo,
kumannaan danaystiyo noqdaan, Uurka dabanaaye,
kumannaan kun doonayn inay, Dawlo noo dhalato,
kumannaan kun Diin aawadeed, uuska lagu dooxo,
oo kumanu Diintii nacdoo, Buude dumanaayo,

kumannaan kun Sunu ay dishoo, Mirir ka duulayso,
kumannaan Dallaal iibsadoo, Dirhamka siisaayo,
kumannaan Ditoor Tuuga uu, qasho Dagaaggooda,
kumannaan kun daad uu mariyo, webiga duulaaya,
oo kuman dalaaboo waddada, qaxa ku daaduumo,

kumannaan kun diifta u go'aan, cidi daryeelaynin,
kumannaan daroogiiiste iyo, duufle noqonayso,
kumannaan kun daacuun heloo, darato goobayso,
kumannaan kun Dalaggii la naco, yahay Dacaamkooda,
kumannaan kun Daawooyin dhacay, lagu dabiibaayo,

kumannaan kun Dibedyaal noqdoo, Meel xun lagu daadsho,
oo kuman kun dawarsanahayoo, Dunida meeraayo,
kuman kale Naftii daba yartoo, Gaajo dubanayso,
kumannaan kun Jahli dilahayoo, daahay Araggoodi,
kumannaan kun Xabsi dibedda uu, Dibinta ruugaayo,

kumannaan Dugaag uu heloo, Duurka ka ugaarto,
kumannaan Mar-soobuxu ku dilo, Ceelashiyo Daafta,
kumannaan kun loo diro Baddoo, Nibiri uu daaqo,
kumannaan kun Dibilaha sidaa, Duudka ula seexdo,
oo kuman kun Doog loo diliyo, Beeru iga daaqay,

kumannaan Dad Xaaraanta cuno, Dayib ku caaroodo,
kumannaan kun Deeb uu ka dhigo, Damalki weynaada,
oo kuman Dubeey uu u diro, Dhuxushi duugteenna,
kumannaan la duufsaday jiraan, Duule kufsanaayo,
iyo kuman Dabcigu siiyey oo, Sino ku daanshooda,

kumannaan Dulqaad yari haddey, naga dabayshiiso,
oo kuman Khilaaf doorto iyo, kala degaanaysi,
kumannaanu ku xumee dadkaa, Dacar u leefaayo, 
oo kumanu dariiqeeda Caro,  Dawga uga booddo, 
kumannaan dadyow kale la nool, Samirku waa doore,
Kumannaan haddii ay dilaan, Badow Dalkiis jooga,
hal kun shilin dad badan uu u go'o,  ciidda lagu duugo,

kumannaan Gurigi uu ku dumay, duugnimada awgi,
kumannaan Dakaantoo Caqligi, Dabarka uu goosto,
kumannaan yabaro ay dishoo, Jiman la duufaaya,
kumannaan Sixrooluhu Duntiyo, Timo u duuduubo,
kumannaan Damiirkii dhintoo, falo Dabuubtooda,
  
kumannaan Waswaas uu Dadkiyo, dhaafsho Degelkooda,
kumannaan Cuqubo ay dishoo, Daa'im ku ciqaabo,
kumanu ay xaraashee Dalkiyo, Ciidda dahabkeenna,
kumannaanu Maarta ay diraan, Qulufo duugowday,
oo kuman difaacee kuwaa, Dabarka noo gooyi,

isku sooba duub ee Dadkaan, qaar ka dacalleeyey,
Dulligaba Qabiil bawgu wacan, iyo dagaaggaane,
Duf ku baxe qabiiliiste waa, Durriyo Shaydaane, 
mana aan dareemayno oo, waa Daroog belo e,
Qabaliyo haddaan Deelka iyo, qeexo Dulufkeeda,
waa Hooyo Diibo u dullee, Aabbe Dile laaye,

Ruuxuu dardaray ee Qabiil, Dhiiggu dararaayo,
Somaalida dirkeediyo tirada, Dunidu diiwaantay,
kumannaan haddii aan ku daray, Deelku ila dhaafay,
adiguba ka soo daadejoo, daalac naasilo e, 
ii jawaab duxdii maansadiyo, waa tan Deridiiye,

Dar Allee dilkiyo dhiicadiyo, Daanno waxan sheegay,
iyo qaar gabagu daayey oo, Daanku ka xishooday,
haddii ay na daashanahayeen, nagu dabaasheenna,
Dan-wadaagse aan diidnayoo, Maanku na dayoobay,
dunidiina ruux daawadoo, Daanka ka qoslaaya,
iyo midan na deyi karin noqdeen, daalay Goor horeba,
immisaa Dadkii noo hartoo, Doobba iman doonta?

ka inoo Da' weyniya hadday, Madaxdi daaqayso,
oo doorka uu shicib yahana, Qaylo dananaayo,
goortii la doortana aqoon, Aabbihii Derile,
dadnimiya ka tegi Diinti iyo, Eheladii doortay,
dareenkiisa waxa dilahayee, seejinaya Dawga,
waa Sixir daraaliya waxaan, Daawo loo heline,
tanya goorta Rixim loo darraan, Dumarku ooyaayo,
ee oday ahaa Dawdar oo,  -------------------

ishu way go'naan Diima badan, Dilane Soomaali,

----------


-------------------------------
vvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvv
vvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvv 


---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk