Diirnax maad sugaysaa? 02-05-2014
waa Jawaabta maansadii DIIRNAX ama DIIRNAX ee Abwaan Diraac
Maansadan DIIR-NAX MIYAAD SUGAYSAA, waxay daba socotaa maansada Abwaan Bashiir Diraac ee DIIRNAX, taasoo uu Abwaanku aad uga xumaaday dhibaatada dawladda Kenya u geysatay shacab soomaaliyeed oo iyada u qaxay, maansadanna waxay leedahay Bashiirow dadka aad ku dhaaranayso xaggee bay joogaan, sow kuwa is cunay ee Keenyaanku leeyahay waan idin kala celinayaa maahan, waana tan Maansadu:

Bashiirow Diraacow, in Dalkii burburoo, Dadkiisii qaxaayaan, Darxumana maraayaan, waadigaa daliilshee, Dulmigii Kacaankiyo, Digtatoor wixii dhalay, sow Dadkaaga maahayn?

Jabhadkii dayeysmiyo, Qabqablihi ka dooxmiyo, Qabiilkii dihdee dhalay, ee iyaga soo diray, miyey diga-rogteen oo, Degelkaagi dhaafeen, sow weli ma daaqaan, Dacar kuuma kariyaan?

Haddii adan daweyn karin, Cudurkaas dilaagaa, ee Dulliga kaa dhigay, dihdoo dhalay Qoraygiyo, Qaadkaa Daroogada, maxaad Dawlad Deris iyo, Duni aad ku maagee?

Daartaad ku nooshiyo, Dadka aad u weyntahay, Haddaan Ruux dukada jirin, inaad Deris dagaashood, Waagii dillaacyee, Duulyahow habaarani, dukadaay tiraahdaa, ma wax loo dul qaataa?

Dadka aad ku dhaaree, aad tiri Diraacow, Haddii aan Darxumiyo, Dibindaabyo laga deyn, Duni bay rogaayaan, xaggey daaqayaan weli?,

Sow kuwan ku dooxoo, Ubadkaagi weli dila, Dukum-daakum kaa dhiga, sidan ay u dubayaan Ishii maagta daymoo, Dareen yari hadduu jiro, Miyirkeedu doorsamo, misna aan ka diirine, Darajiyo ku raadsada, Dacaamkooda may aha?,

Digtatooriyaadkii, Sagaal kowdu daba tiil, ilaa doorka maantaa, Daannadad ka cabanee, inay sii dallacantoo, dulligiyo Ihaanadu, Duhurkii yimaadaba, kugu sii durkaayaan, Belo kaa dihnayd iyo, Dulmi soo kordhaayaan, mooyee Diraacow, ma wax soo dabcaayiyo, Dadkaagoo Raxmad iyo, Dareen soo gelaayaa, Dhaayahaagu deyayaan?

Walaalkey Diraacow, Nin Daleela yaal oo, Gaajo ay dilaysaa, Ninkii soo dul joogsaday, yiri Ninow Daleel yaal, Docdan aad u taal iyo, Jiifkaan ku dilayaa, Jiif horuu duggaashani.

Maalintuu ku daayee, Daa'im xarigga kaa furo, haddii adan Dareen iyo, Waano aad ka doogsayn, ee wixii ku daashaday, dib u sii xambaarsee, Sac Ninkiisi dilayoo, Dibka ugaga joogsaa, dusha maw kacaayaa?   

Diraacow u fiirsoo, Deriskaad u dhaaree, midan Deris ahayn iyo, Dunidaaba gebigeed, Shicibkooda daawoo, dib u laabo Waayaha,

Dadka aad kacaysiyo, Dadka aad ku kicin eed, Xaqa doona leedahay, Dabcigaa dhexdoodiyo, isu Diirnaxoodaa, yaa wacan Diraacow ?  

Goortaad dagaagtoo, Walaalkaa ku dooxayey, miyey kugu digteen mise, Dabci iyo wanaag aad, Dadkaagii ku qabin bay, durba kuu hibeeyeen ?

Derin iyo firaash iyo, daabac ay ku siiyeen, ku dekeyna ku yireen ?   

Dabadeedna adigaa, Doorki ad nasatoo, Diiftii ku deyseed, Dheregteed dibbiradii, daacdaacsigeedii, Durdurada billawdiyo,
Dulmigii ku soo raray.  

Adigoon Dugsi iyo, Shaqo loo dareeriyo, Dani kaa dhacayn baad, Duhurkii hurdaysaa, Laylkana daloombiyi, Duulkaad martidyo, Dalxiis yahankoodii, Dadkii seexan waayeen.

Maahmaah Da' weyn baa, Ubadkii ku doonayoo, Duud kaa xagayn baa, Dusha loo ritaa tiri.

Muslim Deel Qur'aan iyo, Diin loo dhigaan nahay, Dulmi yahay ka xaaraan, 

Nabigeenna Daahiri (swc), wuxuu yiri Daacadi, Hadday Daammur kulul iyo, Dacar uga qaraartahay, Ruuxii Damiir lihi, Runta yuusan daba marin!

Diihaalka na hayiyo, Dulligaan ku noolnahay, Qaraxyada na daba tiray, waxay Degel ku leeyihiin, Dabka ay ka qaataan, Dulmigaan falayniyo Dumarkaan dhacayniyo,  Duqii dhalay Qabiilkoon, gaar ugu ducaynoon, Geel badan u dooxnee, Maxaad Hooyo Daahiro, ugu diidday Saddaqada?

Sow Godkii dalooliyo, Qabuurihii dahaarraa, kaa soo ay deyi mee?

Maadigaa Daawdara, sow Ubadka doorkiyo, Durriyada saalixi, Duco waalidkoodii, u daldala lama oran?

Ma Ayeeyo Diiboo, Qabrigaad ku daahdeed, dusha uga dabooshoo, Dabka lagu shidaayaad, misna adan Duco iyo, Dibi aad u quurinad, Deris inu ku dhawriyo, Diirnax aad sugaysaa?

Ma adoo Dadkaagii, weli kala diraayoo, kala daadinaayoo, Midgaan iyo Dijaal iyo, Tumaal aad ku duri iyo, Jaaji aad ku digan iyo, Dabaqado ka yeelaad,  Deris inu ku dhawriyo, Diirnax aad sugaysaa?

Ma adoo is dooxaya, Dumarkaagi qixinaya, Ubadkaagii dubayaad, Deris inu ku dhawriyo,
Diirnax aad sugaysaa?

Nin isagu id dilayoo, Laylkii is dooxaya, Deriskuu u sii qaxay, Nabad buu u deynaa, iska daa Nin Door ahe, Doqon looma sheegee, Diraacow Gidirey, Duco iyo Saddaqiyo, Dirham maw baxaynaa?  

Qabrigii docdiisiyo, Godkii aan ku duugnay, naga soo deyeysaa, bal inan danqannoo,
Jirku noo dubaaxiyo.

Haddii kale Dunidiyo, Deriskaa ha eedayn, waxad adigu doonayn, Danna adan ka lahayn Daalacdaha aqriskiyo, Deelleyda ha ku dhibin?

Ubadkiise Daarood, Duqii dhalay u hiilshoo, Dhiig badan u daadshoo, Deriskood u laayoo, daraaddiiba u qaxee, Hooyadoodi Doombiro, Dirka Irir Samaalaa, Ducooyinya Saddaqiyo, Dirham miyey u waayeen?

Cabsiiyaha dalluucaa, Duqii uba hiilshoo, Muddulloodba u dilee, Hooyadoodii dihatiyo, Daa'uud Abtigood, Mudullood dirkiisiya, Saddaqada hal Diinnaar, Duco miyey u waayeen?

Saddexdaa na dihateen, haatan soo dareeriyey, maahee Dihatada, Hooyee la duudsiyey, xaqeedii la daayacay, Dareemada ka badan oo, Somaalida dirkeedii, Darifkaan an joogniyo, Dacal bay is haystaan, Qolaan Hooyo dihan oo, Dhagax dixa ma jirtee, Soomalaay dulmileey,

Dulligaad billowdeed, Dalkaagii ku dumisaad, Deriskaaga gudihiis, Dano gaara kuwo liyo, Daaxuur Cadaawaa, Sabab diradirayn iyo, Dariiq ay ka yeesheen, waase tee Dawladdee, Shacab diday celeysoo, daraaddaada u cabburin?

Keeptaawn ka daawiyo, Asmariyo dalkaa Yaman, debinkaad tegayseen, miyey idin dilaayeen, ma Dacwaa ka taagnayd, Dal waliba Gogol iyo, Derin buu na siiyee, annagaa ku daadinnay, Dulligii na keeniyo, Qurun baan ku daarannay.

Adiguna i daadihi, Anna waan ku dilayaa, Duul yeeli ma jiree, ma is daba qabaynaa?

Soomalaay Dareen la'a, Dulli iyo Qabiilley, 'DEEL'ka magaca keligiis, Duxi ugaga hoosayn, Duf ku baxe caabbuddo, in Dareen na maqanyahay, Duqdeennii Ayeeyiyo, Ducadeedi awgeed, Dabku sii holcaayana, Doodi kama taagnoo, Daa'imkeen horuu u yiri, Dulli wixii sababayey, Haddii aan la deynayn, Anna daali maayoo, Dulligaan ku sii hayn, ee Dareen ma keennaa, ma is Daba qabaynaa, Daa'im maw noqoynaa ?

inuu Tiih deldelan jiro, Sixir daaranaa yaal, Dareenkeennu maqanyahay, Dadku caadiga ahayn, Diraacow bal daymoo, Jago doonka waalane, Daanyeer qamaamiyo, Cirroolaan Damiir jirin, Duubka uu u soo xiray, haddii Dunida idil iyo, Kun Wasiirro loo dumo, Jufadiisa loo diro, wax deeqaahi aysan jirin.

Daaraha la duminayo, haddii Ruux danqaday jiro, Shaqsi dahaba keligiis, waxba doori maayee, 

Odaygaa Dillaalkaa, wuxu Calooshaa u diro, - Daroogo u raamsado, Damaciisu ku egyahay, in la dubo, in la dilo, in la dooxo ay tahay, dawga keliyahee furan, Dalku uu ku degi karo,

Duhurkii yimaadiyo, Subixii dillaacaba, iga daah Mushaarkiyo, Doollar bayga naaqusa,
Dacwad buu la joogaa,

Dadka sii qaxaayiyo, Ubadkaa dagaagaya, ishiisuu ku daymoon,

iyo kaa ka daran ee, Dawgaba jideeyoo, Tacsi noo daliiliya, Wanka dacasha weynliyo, Baruur uu dudubiyee, Qawlallada ka daadiyo, Damaciisu ku egyahay,

oo markii daryaan jiro, Dhiig la daadshay uu yaal, oo Rag dabar go'aayiyo, Geeridu dantiis tahay,

iyo midan doorin oo, Shaar Diina tolanaya, Gar intuu u deystoo, Timo uu diyaarsado, Carabaha ka doogsada, Magaceen ku dawarsada, Daaro uu ka jeexdana, damaciisu ku egyahay,

Duulka nagu qaraabtaa, Dareemuu ka badanyahoo, ma soo duubi karayee, Dadkaygii Soomalow,

Dumar iyo Duqay iyo, Durriyadi Samaalaay, Hooyada la dubayee, Qabuuraha ka dananee, aynaan Derbiga iyo, Daanyeerta ka aqoon, baa na soo deyeysoo, na daandaaminaysee,

Qabiilkeeba Dahab iyo, Darajada adduunyaad, Nimco waxa dangiigiyo, Doollarkeeda xaabsani?

Maalintuu dabayshtee, Dunidaani dhaafana, Daarihii Firdawsaad, Daa'imkeen u hooyaa, oo billaabi Dawgaas, Hooyadood u diirnaxa, Dirkii ay ka tagatiyo, Ehelkeedi soo duma, Ducufada kaleetana, uga sii dayaysaa ?

Haddii aan la Dabo qaban, Dawgii Ilaah iyo, Duco loo hibaynyn oo, loo doogin Sacabbada, Somaalidan dalluucdee, Dunidii nacaysaa, Darxumayn ku socon oo, sii dabayshanaysaa,

ee Daa'im weynoow, Qunfulkii darraa eed, Dulmigeenna awgiis, Eebbe nagu daabacday, Allow naga dul qaad oo, waanadan dareeriyo, Duul dhego dalooliyo, Qalbi daacada u gee.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk