Dhulka soco in kugu filan jwb, 25-07-2018
Maansadan sida ka muuqata waxa sameeyey nin la hadlaya islaan uu jeclaa kadib markuu kibirkeeda la yaabay, wuxuu leeyahay adduunyadu weligeed way kala dhimmantahay, haddaad aragto qof aad wax dheertahay, iska jir wax kale oo uu ku dheeryahaa la helayaa, haddaad nasiib badantahay, iska jir qof kaa sii nasiib badan baa jira, haddaad is tiraa waayo arag baad tahay iska jir cid kaa sii waayo aragsan baa jirta, ha noqonnin hooyadii fooshu ku adkaatay ee gabadheedu tiri hooyo aan ku baro sida loo dhalo, balse hooyadii ku tiri, hooyoy adigaba anaa ku dhalay.

Maalintay kuugu jirtee Ilaahey kuu nicmeeyo, haddaad kibirtide dheregtu caqliga dhan kaa qaaddo, ilaa aad is tiraa malaha maba dhimanaysid, ogow xoolahaad la mid tahaye, markaa arrimahaas ku sifowdid, dhaliilahaaga iyo dunuubtaadu way bateene, cagtaada dhulka dhig, maansadaasina waana tan:

Dunidani dhamaadkiyo, Gabbal-dhaca istaagtaye,
dhidibkay ku joogtiyo, Xarku galay dhigteedii,

Dheelli bay ku curatoo, markad dhinac ka awddaba,
dhan kalaa bannaanoo, qabyadey la dhalataye,

qofka aad wax dheertahay, waxa jira in kaa dhimman,
oo loo dhammays tiray,

laba-dhagax haddaad tahay, nin dhexdood ka soo baxay,
ragannimada dheeraad, ruux ku dhaafsan baa jira,

hays oranin muu dhalan, ruux kuu dhigmoo kale,
dhulka waxa kugula nool, nin hortaa adoon dhalan,

Dhibta dunida soo maray, maalmaha dhanaan iyo,
waqtiyada is dhalan roga,  casharkooda soo dhamay,

marna dhamac ku joogsaday, marna dabinno loo dhigay,
marna dhaxan dabayshaday, 

nin dharaaro soo jiray, waaya arag dhammays tiran,
dhulka meelo fara badan, cagihiisa soo dhigay,
ha ku noqon dhallaankii, waalidkii dhalmada baray,

ha u dhigin tallaabada, sidii aanad dhimanayn,
dharaaraha cir kuu da'o, haddaad dhiilka buuxiyo,

dheragguun la gedo tahay, waxad dhaadaysaan jirin,
waad dhaliilo badatee, Dhulka soco in kugu filan.

JWB:
Maansadan soo socota waxay jawaab u tahay, maansada kore, taas oo aan qofkii sameeyey iyo kuu u dhiibay midna shaqo ku lahayn, ee ay khusayso, maansooyinka faraha badan, oo intooda badani mala'waal yihiin, oo ay sameeyaan dad been sheegaya, oo waxa ay sheegayaan caksigooda ah, haddaba faallada maansada hoose waa tan:

Qof hadduu naarta inuu galo rabo calaamadaha lugu garto waxaa ka minda, inuu ibliiska ehel & qaraabo ka dhigto, si kastood u waanisana dheguhuu is tiraa, dembi kastoo uu galo ummadahaas kalee ilaahay buu dusha u saaraa, markaa maansadu waxay ku leedahay, war bal inaad habaarantahay, dad aadan dacaskooda gaari karin baad isla simaysaa, oo aad iskala sii fiicantahay, oo hadba intaad kor isu qaad is tiraa si aad dhererkooda oo kale u gaarto, aad intaadanba sabarkooda gaarin dhulka si xun ugu soo dhacayso, doqonnimada heerka aad ka gaartayna saqiirrada dhashay baa caqli ku dhaama, weerka iyo dhurwaaga ayaadna la nooc tahay, dembi aad adiga un samaysaad dad kale ku eedaysaa, ruuxii ku waaniyee uunka Ilaahay ha dhibaatayn ku yiraahdana, halkii aad u mahad celin lahayd, baadba caay & af lagaaddo u geysataa, ee ma dhal ibliis baad tahay?

tan kale hadalkaad tiri baan ka yar hadliye, kibirka aad sheegtay adiga un baa is tilmaamay, dembigaad khalqiga Ilaahay ka gelaysana dhulkuu culays ku hayaa, sd, war wax aadan ahayn ha iska dhigine, dharkaaga & dhererkaaga la ekow, iska daa beenta, dadka aad nabsanaysid iyo markaad been la dacwoonaysid, illinta beenta ahe aad iska keenaysid, adoo miskiin Ilaahay iska dhigaya, Sunta tan ugu xun ee dhunkaasha ayaad tahay, dadkuna waxay isku raacsanyihiin in haddii aad sidan ku dhimato, oo aadan tawbad keenin aad Jahannamo ku aadaysid, haddaba waa tan maansadii jawaabta ahayd:

Qof hadduu dhaqaaqoo, u dhoofaayo naartoo,
loo dhigayo Jahannamo, Dhal ibliisna noqon rabo,

waanadaad ku dhoobtiyo, Dharkaad xiro ku leedahay,
marna kaama dhaadoo, kaamana dhegeystoo,
Dhegahuu dabooshaa,  
 
wuxuu dhaamo isagiyo, dhaliilaha kuwiisuu,      dhabarka jebiyo
midaan waxbaw dhimayn iyo, dhulal kale u saarshaa,

Dhoorrahan an sheegee, dhalanteedka jecelow,
ka dheeraaday uunkow, dhaliilahaaga iga hoo,

waxad adigun dhalisiyo, dhibkii aad abuurtaad,
Dharaartii timaadaba, ku dhaliili khayrkaa, 

dad aan kuu dhignayn oo, Dacaskood ku dhaamaad,
bal inaad dharracantahay, isku dhererinaysaa,

kor u dhugo markaad tiri, Dhex intaadan gaarinod, ---
sabarkooda dhaafinad, dib u soo dhacaysaa,

Dhabcaalnimada taadaa, Dhallaankaa ku dhaamoo,
xayawaanka dhidarkiyo, dhurwaagaad is leedihiin, ku nooc tahay

kan kuu dhiiba Waanada, dhuuxeeda kuu shuba,
kugu dhaha war dhimataye, Xantan aad dhuraysiyo,
dhuxdhuxlaynta iska daa, ku dhammaysay dunidii,

halkaad dheenman badan iyo, Caano dhaaya siin lahayd,
un baad Dhaanto tuman ood, ku dharoobi caydood,
ku dhareeraysaa ee, ma ibliis dhashiis iyo,
dhurdaad ehel wadaagtaan?

adaa yiri dhawaaqane, ---
adaw dhiga tallaabada, sidii aadan dhimanayn,
waa adi kan dheeloo, bateen dhaliilihiisu, ---

dunuubtaad dhuraysiyo, beladaad dhigaysaa,
dhulku uu la ciiraa,

waxaad tahay ha dhaafine, war dharkan aad sidatiyo,
taad dhumucda leedihiyo, dhererkaaga la ekaw.

qofka Dheemmankaa ee, Carrabkiisa dhawrtiyo,
kaan wax kuu dhimayn iyo, dhallaankaad u necebtahay,

oo daroog dhunxinayiyo, Dhalyadiisa gooyoo,
waalidkiisi dhaawaad, Xiriir dhow la leedood,
u sii dhuugdhugaysaa,

sababtaad ugu dhoofine, Dhaylo doona mayside,
Xumaan dhiirri gelinteed, Dheecaankad jeceshihiyo,
Dhusuq baad ka raadini,

Dhabta ay ka quruntoo, Sartu ay ka dhilantoo,
dabcigaaga dharqiyoo, Dhunkaal iyo ka dhigay shiil,
Dhambaalkeeda iga hoo, dhugo dabci xumaantaa,

ruuxaan wax kuu dhimin, ayaad iska dhex aragtaa,
ibliis kuu dharraciyaa, kugu oran ka dheerow,

kan kaas dhinac maraayee, Dharkiisu xitaa taabtana,
dhibkaagey wadaan oo, ways dhaarsadeen ee,
kugu yiraa ka dheerow,

sidaa baad kan dhoohanow, kii dad kuugu dhowaa iyo,
ka dhaqaaqi saaxiib, ood dheelmataa ood,
Dhul cidlaa u hoyataa,

dhabta kama dambaystiyo, aan dhiibo miiddee,
afkan aad bal dhuubtood, Xan la dhuumanaysood, ---
dharaartii timaadaba, Muslim aad dhibaatayn, ---

dhufsan ood nabsanaysood, dhiiqayni sharaftood, --
intaad dhaaftay lafahaad, dhuuxow sii degatood, 
carunkooda dhuuqdaa, dhiiggiyo calooshaad,
dhex dabaalanaysaa,

dheeraad adoo sidad,  dacwad aad ka dhiibtood,
illin beena dhoobtood, iska dhigi masaakiin,

Dhunkaashii sunteedaay, dhimbil daba ayaad tahay,
shar ayaa ku dhuubtoo, dabci xumaad dhammaysee,

Dadku waxay ku dhaartaan, dembi inad ka dheregtood,
dhiilkaagu buuxoo, Dhegihii qarsoomeen,

haddii aadan Tawba dhihin, inaad dhiibbantahayoo,
dhigaalkaa saciiriyo, yahay dhuxulo naareed.


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk