Dhugatada Qabiilka - 12-09-2011
Maansadan Dhugatada Qabiil oo soo baxday 12-09-2011, waa maanso ka hadlaysa soomaalida Qabyaaladdu dilatay ee ay facood ka reebtay, oo ehelki hooyadood & ayeydood ka inkaarsadoo Qabyaalad darteed u xasuuqa, taas oo u keentay inuu Jid & Jiha-waa ku dhaco oo halka dunidu horumaraysoo ay horey u socoto, ay somalidu maalinba maalinta ka sii dambaysa halkii dunidu ka soo billaabatay gadaal-gadaal ugu noqoto, arrinkaas oo dunidoo dhan Dhakafaar ku riday, iyada lafteedana inta yare uusan weli dareenku dhimanin amakaag dhabannada la haystaan, oo ay dhibkan aan dhammaanayn la yaabbanyihiin, oo weliba inteeda yare faro ku tiriska ahe iimaanku ku dambeeyo maahane, inta kale ay quus taagantahay, waa tan maansadii dhugatada qabiil:-

1- Soomalaay anoo dhiidhiyaan, Hiillo kuu dhigaye,
oo  qaylodhaan iga ahayd, Waawarey dhabana,
ayunbaan Digniin kuu dhiloon, sheegay Dharracaane,

Dhama' maansadeediyo markaan, Dhaygag tirinaayey,
Dhugatada qabiilkiiyo markaan, Qurun ka dhiidhaayey,
oon Dhamacda taalliyo ka digay, Dhabanna hayskaagan,
een lahaa qabiil waa Dhurdiyo, Dhidar dhallaankiiye,
+
dhibkiisaa si aan uga baxnoon, Goobta ugu dhaafno,
aabbe waan dhaweynoo qabiil, waaba dhiniciise,
an dhaweyno reer Hooyo &, Dheegga Rixinkeenna,

waa taad sidaan ahay dhallaan, yaalla Dherebtiisi,
dhawaqaygi aad quursatood, iga dhaqaaqdeene, 
Dhoohniyi haddii aysan jirin, Talo ku dhaafeysey,
oo ay ku dhaawine inkaar, Hooyo kugu dhoobin,
maxaa sida tan kuu dhigay Adduun, Xawli kugu dhaafye?

Markii aan ku dhahay Hooyo aan, Duco ka dhawrtayno,
haddii kalese waad dhaygagee, Duni dhammaanteeda,
berritana  dhunkaal bayna sugi, naarti dhuxusheeda,
eed Dhabarka ii jeediseen, iga dhaqaaqdeenna,
sidii aan Dhashiinii dilana, layga dhararaayey,
+
waa inaan Xusuus kuu dhigaa, Maanta dhabadkaane, 
Dheg xumada ku haysiyo haddaad, Dhugato Xaalkaaga,
haddaaney ku dhaawine inkaar, Hooyo kugu dhoobin, 
maxaa sida tan kuu dhigay Adduun, Xawli kugu dhaafye?

3- War Dhamiijadaan & Cadhiyo, Dhugata sheydaanka,
Dheg xumada ku haysiyo halkaad, Ceebta la dharraacdo,
asaaggaana kugu dhaafay oo, kaaga Dhira fuulay,
ee midkii ka dhiidhiya Xumiyo, Ceebta dhici doonta,
aad Dhamasta saarsaari ood, Dhegaha goosayso,

Dhabannada ayey wada hayaan, Duni dhammaanteede,
adna dhibaan qarsoomayn ayaad, Been ka dhaaraniye,
Haddaaney ku dhaawine inkaar, Hooyo kugu dhoobin, 
Maxaa sida tan kuu dhigay Adduun, Xawli kugu dhaafye?

4- Dhalashada  hal Aabbiyo Dad ay, Hooyo u dhexeyso,
Dhaqankiyo Afkoodii mid yahay, Diinta dhawrsanidu,
Nimco loo dhammeeyana ilaah, dhigay Calooshooda,

dhug intay ka siiyeen wixii, Dheemman Alle siiyey,
Tuugsi ugu dhaqaaqee Adduun, Qaylodhaan geliyey, 
Haddaaney ku dhaawine inkaar, Hooyo kugu dhoobin,
maxaa sida tan kuu dhigay Adduun, Xawli kugu dhaafye,

5- Kutubtiiyo kuu dhoobanoo, dhawr Milyaar Tiro ah,
Culummada dhulkaaguna faraha, Geedo tiro dhaaftay,
oo la rabey inay dhiga dhahaan, Dhoombirkiyo Seefta,
Xoolahaa inay kala dhacshaan, loogu dhigay Looxa,
Mid aan cidi dhegeysaynin oo, dhirifsan mooyaane,
isma dhaan haddey wada noqdeen, Caammo wada Dhoor leh,
+
Aroor dhalata  Dhiigooda cabi, cuni Dhallaankooda,
oo Ficil Dhurwaa wada lahoon, Xumo ka dhawrsaynin,
Haddaaney ku dhaawine inkaar, hooyo kugu dhoobin, 
Maxaa sida-tan kuu dhigay Adduun, Boorka kugu dhaafye?

6- Kuwaad Shalay adigu dhaantay oo, yaalley Dhinacaaga,
Tusaaliyo haddey kaa dhigtaan, Dhiiri laga rooro,
oo Dhallaan - kasii waansadaan, Jiilka dhalan doona,
Waraaqahana laysugu dhigoo, laysu wada dhiibo,
oo kooda Dhawaqaa maqlaa, Dhoosha ka qoslaayo,
+
Baryuu igu dhammeeyana yiraa, Tuugsi dhalandhoola, 
Haddaaney ku dhaawine inkaar, Hooyo kugu dhoobin, 
maxaa sida tan kuu dhigay Adduun, Xawli kugu dhaafye?

7- Bal inaad Dhuddaas marantahoon, joogin Dhimirkaagu,
haddii Dhuunta Cadow kaa qabtee, Ceejo kugu dhuujo,
adoo sii dhimaa oo indhihi, Dheehi laga qaaday,
Ruuxa Cadawga kaa dhicinayee, kacana Dhiiggiisu,
ee kaa dharbaaxee indhaha, Dhabal u soo tuura,
+
Dhuuxiyo intaad siin lahayd, gebi Dhigaalkaaga,
Wadnahaad dhufee oo Wed baad, ugu dhawaaqeeye,
kuu kaa dhacaayana Dhunkiyo, shummis dhammayneeye, 
Haddaaney ku dhaawine inkaar, Hooyo kugu dhoobin, 
maxaa sida tan kuu dhigay Adduun, Xawli kugu dhaafye?

8- Dakaniyo Dhibaatiyo Habheeb, Dhiillo kugu taagan,
dhowrya Toban jir baa Beri gashow, kuugu wacan Dhoone,
Qoray aad u dhiibtuu mid kale, Dhabar ka toogtaaye,
halkaas baan dhammaanteen qaxnaa, kalana dhoofnaaye,

Dhib qabiilku noo geystay &, Dholondhol mooyaane,
Car bal sheeg wuxuu noo dhaliyo, Dheef yaroo iniqa, 
oon ahayn Agoon aan dhacniyo, dhibidda jaarkeenna,
maxay tahayse Dhaashida hartiyo, Dhaxalkan dhawrayno?

9- Bal in Tiih ku dhaan-dhaanshay oo, joogin Dhimirkaagu,
Dhudda baad ka goysaa wixii, kuu Dhigaal noqone,
Dhirtaadii Dab baad gelisay oo, Dhuxulo weeyaane,

adigoon Dhab aad seexatiyo, Dheelmisaba haysan,
oo Dhaxan jaraynaaya ood, Gawsa dhabanayso,
Hiyi kaca dhammaantiinna aad, Dhoof u wada jeeddo,
ka qaxee Dhulkaagii dhammaan, wada dhaqaaqayso,
+
Dhulkaas aad u jeeddana aqoon, Beesha dhaxalkii leh,
& kaad ka dhooftiyo midkaad, haatan u dhaqaaqday,
midka kuu dhow Dheeftana ka badan, kaad u dhalandhooli,
waxa kaa dhabiib kiciyey baa, Dharrac qabyaaleede, 
haddaaney ku dhaawine inkaar, Hooyo kugu dhoobin, 
maxaa sida tan kuu dhigay Adduun, Boorka kugu dhaafye?

Raxmad haw dhammeeyiyo ilaah, Dheemman & Luule,
Dharaaruhu Yamyam kugu lahaa, Dhoombiryahay saawir, ---
dhaansadaye adna dhaanso oo, buuxso Dherigaaga,
Qaran la wada dhacaayaan arkaa, Goor dhow soo dhiciye,

Dhibkii uu ka sii digahayoo, Dhiigga kicinaayey,
waadiga haddeer dheefsadoo, siina dhuubaniye, 
haddaaney ku dhaawine inkaar, Hooyo kugu dhoobin,
maxaa sida tan kuu dhigay Adduun, Xawli kugu dhaafye?

aan dhammeeyo ereygayga &, Waano dhaxalkeede,
Dhegta furo dhugtaadana ku daro, toosi dhimirkaaga,
Riximkaaga dhawr oo dulmiyo, dhaamis ka ilaali,
waa Hooyo dheemmana qofkaad, dhici xigaalkeede,


Dhagar wade shisheeyee Allow, Dheefta guranaaya,
oo Dhaayda teennaa dhamoo, xoorta nugu dhaafa, 
oo col aanan weligiis dhammaan, dhigaya qoolkiisa,
oo Dhabcaalka kaashada miduu, dhaaway ehelkiisi,
+
Dhashiikiyo u soo dhiiba qarax, Biro dhalaalaaya,
misna dhibu abuurayo isagu, nagu dhaliilaaya,
waa waxay u dheeraatay oo, dhigay colaaddaane,

Allow dhali tolkey oo qabiil, jooja dhamacdiisa,
Dhiiggiyo Maqaar & laf bay, dhunxini oo layne,
oo waa Dhurwaa Qabaliyoo, Dhuuxa shubaneeye,

dhexdeennaa ilaahow ka saar, Dhibe xigaalkiisa,
oo dhabcaal ka dhaadhici inuu, dhaafo ehelkiisa,
oo colaad dhammee eebbaheen, loo dhurtaa tahaye,

Allow soo dhawee nabaddda oon, raaxo dhacadiidno,
dhabbihii barwaaqada Allow, Beri-samaad dheere, ---
Dhuunigiyo qudaartiisi &, dhuuqno mirihiisi,

Aqoonyahan dhukane dhiilladiyo, Dhiigga daawanaya,
oon Dhibic ka soo qaadin waxa, duni dhammaanaaya, 
waa wixii Dhakaar noo rariyo, Dhaxanti Waarsoowe,
ha inoo dhuraan dheemankiyo, dahabka dheelmaaye,
Dhugmadii u soo celi Allow, Dhegaha Soomaali,

Dheef & dhibaatiyo Allow, Dheelli ama raaxo,
adigaa dhamaantood hayoo, Dhiishu kuu xirane,
dhamacdiyo khilaaf joogto &, dhiigga daadanaya,
inkastoo dhibkii dhaca annaga, yahay dhigaalkeenna,
Adigaan gacmaha kuu dhignoo, nahay is dhiibkiiye,
dunuubteenni dhaaf oo Rabbow, saamax dhibaheenni,
+
oo adaa dhammayn kara waxaan, Dhaygag & hooge,
Dhaqankuu qabiil dhaamay &, dhuuxi sharafteenna,
Xalay dhalay ka soo qaad dhacdiyo, Dhuun wixii go'aye,
noo midey dhugteenniyo Allow, Dhulalka Soomaali.


---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk