Dhoohaney Somalaay, 13-02-2006
Maansadan Soomaali dhoohane oo soo baxday 13 kii Marso 2006, waxay midkan xasuuqa ehelladiisii shaqada ka dhigtay xusuusinaysaa sida ay magaalada xamar hortiis ahayd iyo sida ay gacantiisa ku noqotay iyo in maalinta maydkiisa la qaadayo uusan dembi iyo naar mooyee wax kale raacayn, kabihiisa iyo saacadda u xiranna intuuba sakaraadka yahay anigaa leh iyo anigaa leh walaalihiis iyo kuwii uu dad u jeclaa ku dul diriri doonaan isaga oo weli soo taagan oo uusan ruuxu weli ka dhicin, waxayna ahayd:

In yar oonan dheehanoo, Alle dhawray mooyee,
Dhoohaney Somalaay, xumo kama dhergaayaha,
damiirkiisi beecshee, shilimaadka dhaafsaday,

sidad wax u dhigaysiyo, markan dhalan roggaagiyo,
dhaqankaaga eegaba, Abti inu ku dhaaway,
dadka qaar ku dhaartaan.

Qofka dhimasho neceb ee, megen galay dhashiikow,
hareertaada dhugo iyo, Hitler meeshi loo dhigay,
dhab u fiiri Dhoohane, saantaad dhigaysiyo,
dhegta iyo qadaadkiyo, dhabankaaga muuqdiyo,
ilkahaagan dhaadheer, ma in dheel adduunyada,
luguu keenay dhoohane, yaad ku dheelallawdood,
Sheeko aad ku dhiibtaa?   

inad ruux dhabcaaloo, caqligiisi dhoofoo,
la dhufsadayna aad tahay, bal xusuuso dhoohane,
magaaladad dhex joogteed, ku qubayso dhiiggoo,
balaayadu ku dheelee, ee Sebi dhallaan iyo,
Dhool habaryartaa iyo, Dhudi cali walaashaa,
harkii lagu dhacaayoo, Dharka looga siibayo,

Bal xusuuso Dhoohane, Xamar-weyne dheehoo,
Bilic loo dhammaygii, Cawbaarki dheeraa,
Dhafaruur Khudaar iyo, Mooskiyo dhaqaalihi,
tubey-taano dhoobnaa, beryahan ma dhaaddaa,
dhaayaha ma saartaa?

Xagaayihi dharaar iyo, Cawo dheelmad di'i jirey,
Saxansaxo dhacaysiyo, Larki dhalalacayn jirey,
beryahan ma dhaaddaa, dhaayaha ma saartaa? 

Shuucigii dhirqaysnaa, markuu Xamar ka dhoofee,
Saqdii-dhexe ka dheelmaday, waanigii idiin dhigay,
idiin dhilay digniin oo, idin iri dhabcaalyahay,
ilaa aad ka dhaaddaan, Kitaabkiinna dhawrtaaan,
heli maysid Dhaameel, iyo dhibicda roobkood,
Caanaha ka dheregtaan.

Mar kalaan idiin dhigay, Carta aad u dhoofteen,
Dhakafaarka idin iri, iyo Dhaygag joogtaa,
car ninkee dhaqaajoo, naga dheelminaayoon,
Dhaldhalaal adduunyiyo, Malaayiin u dhiibnaa?

Waxan weliba daba dhigay, taa inay dhacaynoo,
dheeldheesha uun tahay.

Suu xaddiisku noo dhigay, Kun tallaabo dhererkeed,
iyo weli ka sii dheer, Deris dhinaca kaa xiga,
haddii aad ka dhawrtood, Dhibka aad ka deyn lahayd,
ma Colaad dharraacdiyo, Dhib baa kuu imaan lahaa?

 Xaddiis kale siduu dhahay, qofka Dhereg ku seexdee,
jaarkiisu dhimanayo, iimaanka kala dheer,
hadii aad dhegeysee, dhawri lahayd Xadiiskaas,
miyey Dhiillo gaajiyo, Faqri uu ku dhugan lahaa?

Dhiba-dhibaha awgiis, Su'aal aan ka dhiibtee,  
Diintii laguu dhigay, Dhawaaqii wadaaddada,
inad Dhego la'aydoo, dhegahaagan waaweyn,
Dhukay kaaga awdnaa, iyo inad dhabcaashoo,
Habeen dheelku soo dhacay, Hurdo dheer adoo galay,
caqligaadi dheelmaday, labadaa mid ii dhiib.

An maansada dhuddeedii, Dhuuxa kaaga saaree,
i dhegeyso Dhoorrow, Soomaali dhoohane,
Sakaraad dhexdiisii, Maalin lugu dhibaayee,
la dhifaayo ruuxee, galowdaa la dhaafini,
ee uu dharkaagiyo, dhashiikihi asaaggaa,
Dhaxal kaaga helo baad, shicibkaad dhibeysiyo,
dhiiggii xusuusani. 
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk