DHOOHANE 28-06-2005
Maansadan DHOOHANE oo soo baxday 28-06-2005, aadkana u yar balse micnaha weyn xambaarsan, waxay muujinaysaa dhoohnaanta aan waallida waxba badan dhaamin, qof kasta oo marka uusan xil ummadeed qabane suuqa kula joogo aad u fiican, u xikmad badan, u waddanisan ee qof kasta is yiraahdo Allow yaa kan xilka noogu dhiiba dhibkaba waa laga bixi lahaaye, mar alla markii xilkii loo dhaariyo ayuu noqda ruuxa ummadda dhan ugu dullisan oo kuwii u ducayn jirey habaar niyad ah la daba galaan, waana tan:

Bulsha waliba Duul bay dhuddiyo, Dhiin ka dhigataaye,
qof kastoo dhammays iyo ahaa, Caaqil lagu dhaato,
ood lahayd Dhaqaaliyo mar uun, yaa Xilka u dhiiba,
markii Magaci loo dhaariyiyo, Reerki inuu dheelmo,
ayumbuu Dhareer daadiyaa, sida Dhallaankiiye,
oo uu Dhabcaal soo baxaa, Dhiriqa fuuqsaahe,
cadowgaana kuu soo dhuraa, Dheel habeennimo e,
Somalaay Dhabiibkaa jiriyo, Dhoohanahan sheegay,
car ninkee dhalaaliya halkey, Belo ka dheelmaydo,
waana ii xujaan soo dhigtee, dhaha Jawaabteeda.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk