Dhidar aan naxayn, 06-10-2016
Maansadan Dhidar aan naxayn oo soo baxday 06-10-2016, waxay jawaab u tahay Maansadan ka horraysee aan anigu iskay ugu bixiyey Dhaxal maaha noloshu, Maansadan oo uu ii soo diray Saaxiibkeygii 1aad ahna walaalkey Abwaan Muxumed Awxaadhe, markaa Abwaankoo aynu sannado badan Jabuuti wada joogi jirnay, mararka qaarna Meherado aynu kala joognay maansooyin kaftan ah isugu dir diri jirnay, un baan anigu Jabuuti ka soo dhoofay, kadib annagoo 14 sano is moog ayeynu dib Telefoon isugu helnay, markaa kala war qaadashadeennii ayuu Abwaanku igu yiri maxaad Dalkii dib uga dhooftood aqoontaadii dalkaaga ugu shaqayn waysay, oo aad xilalka sare ee dawladda Soomaaliya uga qayb geli waysay?

haddaba waa tan Maansadii Abwaanku:

Maansada Abwaan Muxumed Awxaadhe, 06-10-2016

Ha ka dhigannin Nin kula siman, inuu xubin ku dheeryahay,
hadduu socodka dhaafsado, adiguna dhutiga baro,
hadduu taadan dhabannayn, tiisana wax haw dhibin,
sed idiin dhexeeyana, Dhibic haw tanaasulin,
Dhaxal maahan noloshuye, ha ka dhicin Xisaabaha,
xaqaagoo la dhuunyaday, ha ka waaban dhimashada,
Dhafoor taabashada diid, hana noqon Xinjira dhure,

Ha fogeynin Dhalashada, Rixinkana ha dhuminnina,
inaa lagugu dheeliyo, Dheg xumida ka foojigo,
Gobi dhan uma ciirtee, dhexdhexayso Xaajada,
kan Wanaag ku dhaashada, Malab Dhaayina u noqo,
inta Kibir ka dheregtee, dheeldheelliyeysee,
Dhibida isku saydhee, Dareenkoodu dhimmanyahay,
ha dhursugin warkoodee, dhunkaal uga qaraaraaw,
haddaad dirirto dhamac noqo, Ololkeedu dheeryahay,
Nabaddana dhir iyo Doog, Dhacanteeda la harsado.

Maansada (Dhidar aan naxayn) Jawaabta Maansada kore 06-10-2016

Awxaadhe Dhalad iyo, Soomaali Dhab ahoow, Dhir haddeey dhamaajiyo, Dhafaruurya leedahay, Dhebi iyo Dhunkaal iyo, Dhumuc weyne Yaaqii, Dheemmankii dadkaad tahay.

Samaroon dhaqaaqaye, Magaciisu dheeraa, ee kaan dhugtaa iyo, koodii dhawaaqaa, Diintiyo Dhasheenniyo, Dhulka uun u doodayey, een loo dhawaan baad, Muxumudow u dhurataa, Ilaahey ha dhawree, Dhegsamiyo Dhalaal iyo, maxay Dhaqan wanaag iyo, Dahabnimo dhammeeyeen,

Adba dhugo Cammuud iyo, Dhulalkii Culuuntiyo, Jaamacaadku dhoobnaa, Xikmadaha dhex yaalliyo, Dhaqaalaha yaqaannada, ma dhammayn karaayee, aan sii dhawaadoon, Ujeeddada u dhaafee,

Awxaadhe Dhirta iyo, Dhebi maanan hoos gelin, isma dhiibin goor hore, Saahidnimo umaan dhuran, Khalwo maanan dhawrtayn, oo Dhalan umaan lihi,

wuxu Eeebbe dhigo iyo, lama dhaafo Sunnadoo, waayaa is dhilayoo, waa Dhaqan Adduunyoo, is dhalaan rogaysoo, isu dhiibi Naaquse, Reerkaan u dheelmado, Soomaali ay dhahaan, ilaa Suurku uu dhaco, Dhankii ay la gaartaba,
Dhababacey wadaayaan,

Haddey Bii-Em Dhawliyo, Nugliyeer Dhalaaliyo, Dhashiike ay waayaan, Dhoombirkii horeetiyo, Hal-kaliille u dhacey, la dhacaan Cadaawaha, Seerahood u soo dhaca, Dhamas & Ul weyn bay, Dhammaheenna Fadligiis, Dhulka kuugu xoreyn.

Muxummudow dhankaygaa, waxa Dhirifka keenoon, uba dhigay Siyaasaba, maaha inan is dhiiboon, hoos isu dhigaayoon, mid i dhaama garanayo,

ee middaan ka dhoofoon, Dhalankeeda aan nacay, waa middaas la dhaawee, loo dhuro Inkaarkoo, lagu dhibo Macooyoo, lagu dhaco Agoomaha,

oo Dhaygag wadatoo, Dhaldhalaal Adduunyiyo, Dharaar qura wax la liqo, Dadnimadi la dhaafsaday,

Dhuxdhuxliyo ibliis iyo, mid Dhufaanan wuu jirey, dhammideed Adduunyada, balse Dheelka Maantiyo, waxa kani dhacaayaa, waa Tiih dhawaalahan,

Dhamastaad la booddiyo, Rasaastaad u dhurataa, Dheefta kaaga xasishaa, waa Dhiig Sokeeyiyo, ku dhufoona ka dhaqaaq, marna aan dhammaanayn,

Awxaadhe Dhidibkiyo, Tiirkii i dhaabee, Dhammahayga kasekow, Dhabarkay ahaayow, Caafimaadki dheelliyee, daraaddiis ii dhoofshoon, Dhalandhool u soo galay, Dhirta & Dabiibkiyo, Qur'aan laygu dhooboon, Hurdo dheerti aan galay, Dharaartaan baraaruge, Afartayda Dhinac deyey,

waxan arkay Dhurwaa iyo, Dhidar aan naxayn oo, Saqiir Dherebti yaalliyo, Ummushii dhufaayoo, Dhalankii Xishoodkiyo, Dhimirkiisii beeciyey, oo wuxuu dhunjinayo, Dhuuntaasi mariyiyo, wax kaloonan dhihi karin, ku dhammeeyey Dooqiis,

Haddii aan dhawaaqeen, Khudbad dheerna ku aqriyey, idinka oo dhammaantiin, dhaldhalaalka kiinnaa, inta Duul dharraacdiyo, Basaasluhu ka dhaashado, Qabiilkaydin dhibayee, Dhiiggiinna daadshee, Dhafuujiyo Gamuujiyo, Doqon idinku dhiirriyey,

ku dhadhaaba Dhamas weyn, Midinimada ku dhaatoo, isu dhaama sidan iri, oon weli u dhididoon, Dhulka oo ka kala xiran, Nabad aan dhexdaw dhigay, Dhabbayaal u soo falay, Dhirtii Jirriqa uga guray, Tusaalena u dhigoon, ila dhaha sidaan dhahoo, ku dhaqaaqa aan iri,

Halkaan Duco la dhoobiyo, Ammaan Dheer ka eegayey, kii iigu dhawaa baa, iiga dhigay abaalkii, Dhal Wahaabi weeyoo, Dhaqankii Awoowiyo, Dhalankeenni buu rogi,

Awxaadhe dhababkaas, Dhirifkaan ka qaadaan, dhayaa Boogaheedoon, la daalaa dhacaayaa,

Haddaad Qoomam Dhego loo, Dhimirkoodu furanyahay, Dhulka meel un ku ogtahay, waan ka dhashay Dadkeygoo, kama dhammi kollaytee, Haddeer baan u dhoofiye, ii tilmaan dhankoodiyo, Dhulka tay ka joogaan,

Haddii kale Dhuroobow, Dadka Dheemmankiisow, inan dhoofo wixi dhigay, Dhababaco u roorkiyo, Dhalandhoolka igu ridey, Taariikhda dhigan iyo, Dharaarahaad xusuusani, Sanca dhoomaheediyo, Xadramuudki ii dhigay, Dhabankeygi weynaa, sidan iigu dhuubaan, weli dhacarsadaa oon, la dheel-dheellinaayaa,

waxa iiba dheer oo, Dherer iyo Ballaar iyo, Dhumuc iigu sii daray, Siyaasiga Dhabcaalkaa, Nabaddoon Dhegoolaa, Waayeel dhasaasaqa, dhashoodii cunaayoo, Cawo dheelmad siistiyo, waxay Dhuunta mariyaan,

Saaxiib Dhankeygaa, Dharaaraha kan maantaa, sidii Berigi Dheeshiyo, Heelladiyo Dhaantada, kaftan Dhaayda Caanaa, isu dhiibi jiraynee, Ninba Dhinac ka soo wadey, dhabtii Maanta maan ihi,

Mashquul aan dhammaan oo, aad u Dhumcya weyn baan, Dhagaatiga u haayaa,

inta Dhego furmaayaan, Tiihu soo dhinmaayoo, Dhimirkiina soo noqon, un baan Dhabarka gaabshee, Dhismihii Dalkeygiyo, Dhuuxaygi maan nicin,

Haddaad kuwaan dammoonayn, Dhegahoodu furanyihiin, oo ha layga dhaho iyo, is dhalaalis ka ahayn, Dhibicdooda aragtaba, ii soo dhawaaq aan, Dhaqsa kuu imaadee, 

Dharaartaasi ka horena, Interneetkan Dhaartee, Dhex ceegaago Cilmigaan, dhex dabaalanaayaa,

Adna Eebbe kuma dhibo, Duco aan dhammaan baan, Dhabta kuugu xiree, Awxaadhe dhurow oo, kuma dhibo Ilaahey.

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk