Dhibicda Malaba haw dhimanin, 7-3-2018
Quraanjaa

dhuunyaale malabuu dhurtaa,  dhibici soo boodday,
oo dhulkay ku dhacday ----

waxay tiri dhedhemi 
Dhibic malaba oo taal dhulkoo,
quraanyaa is tiri soo dhedhemi,  dhinac ka joogsee bal,
u dhawaatay oo tiri dhedhemi,  malabkan dhoocaara,
laba goor markay dhaabatee,  hore u sii dhaaftay,
dib buu uga dhedhemay
dhawr kol 
dhedhe
diqdiqada waxay dhaabatoo gaajana ku dhaaftay,
damac baa dhibaayee

dhex markey maraysow dhedhemay,  malabki dhuuyaale,
soo noqotay ----,  labiyo dhawr goorba,
waxay tiri mar kale soo dhedhemi,  ----
marya labo markey dhedhemisaye,  socod ku sii dhaaftay,  dhooftay
dhedhemaysigey waxay is tiri,  keeni maa dherege,
maad yara dhawaatidood mar qura,  darafka sii dhaaftid,
dhex dabaalo bay tiri si aad,  gaarto dheregtiisa,

maad mar qura dhexda
loogama dhergaayey is tiri,  taabashiyo dhuude,
dhexdaw gale iskaba dhuuq adduun,  seexo dhacadiidka,

kuma deysan dhedhenkiyo macaan,  ama dhanaanayso,
ee sidii dhabcaal waalan bey,  dhoodda uga boodday,
dhedhemiyo maxaa keenay tiri,  taabashiyo dhuudi,

dhegdheggii malabka
lugaheedi dhuubnaa qabsade,  dhumucdi 

isma dhihin ---, dhuuninnimo awgi,
dhibicda malabka haw dhimanin,  dhuunna haw yeerin

----------------------------------

Adigaa dhulkii iyo u kici, Dhuxun hareetiiye
Dhicis iyo Cabdi iyo Muxumad baan, dhawr hal kuu fariye
Dhamaantood u gee waa fariin, dhagax ka waaweeyne
Dharcastii bari yaan kale iman, dhude yar maadhiine
Dhalinyarada habaryoonis, yaa ila dhawaateeyne
Dhugad iyo Makaahiilna waa, is dhinac dagaynaaye
Haaruun dhegadlana reeruhuu, dhaaxa buuxsamay
Ee geelii inuu dhaadhaco oo, wabiga uu dhaafo
Iyo in aan kaa dhaco oo aan, dhudina kuu cayman,
labadaa mid uun dhawr nabsaa, dhiisha kuu galaye
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk