Contact
Marka uu dhallaan seexdo ee, Waalid dhinac jiifo,
Madaafiic ku soo dhaadhacee, Dhalada hoygooda,
Dhudhun go'an dhakaarkoo nus iyo, Dhabarka qaar muuqdo,
aabbihii Ahallaankoo tegoo, Aakhiro u dhoofay,
Dhashiiyoo intay googo'een, Dhinacba meel yaallo,
in kalana intay dhaawacmeen, Dhiiggu soconaayo,

intaan dhimane uu Eebbahay, dhawray noloshooda,
indha xumidi goortey dhugteen, Dhiigga qubanaaya,
mid dhintiyo mid Dhaawaca noqdeen, ruuxu uu dhibayo,
madfac kalena Dhexda soo hayoo, goor dhaw imanaayo,
naf la cararka Dhaayihi Irdaha, orod ku dhaafaayey,
Dhalandhoolka qaxootiga socdee, dheelmanaya Laylka,
Dhallaan ooyi ummushii dhashoo, Dhididku hooraayo,

isha dheer Dhafoorrada gotiyo, Moxogga dhuubnaaday,
Arradkiyo Dhar la'aanta iyo, Dhaygaggiyo yaabka,
Dhaxantiyo kulaylkaa u siman, Dhuuxa gororaaya,
Dhisma dabaqa iyagoo lahoo, Caadka dhereraaya,
Dhacadiidka sariirihi u yiil, Fiinta dhaladiisa,
Gaaweeto loo dhiibayoo, loogu dhuro Shuuro,

wixi dhacayey oo kooban oon, Dhibic ka soo qaaday,
markii ay Dhibkaa jira arkeen, waxan dhammaanaynin,
iyagoo Dhul dheer jooga oo, dheehan kari waayey,
Diktoorraa Xafiis kuu dhigoo, geliyey dheeftooda,
garyaqaanno dhaartoon marnaba, yeelin Dhalanteedka,
ayaa dhahay somaalida codkiyo, gebey Dhawaaqiiba,
dhici mayso in aan daawannoon, dheregno oon jiifno,

Xafiiskooda dhaarsane Sharciga, dhuujinaya Xeerka,
beentiyo Dhabtuu kala dhilaa, sida dharaartiiye,
is dhiciyo dulmuu diidayaa, Dheefta rayidkiisa,
isagoon Dhan gaar iyo la jirin, Urur la dhoodhoobay,
dulmiguu ka dhiidhinahayaa, Dhiigga qubanaaya,

Maatidan dhawaaqiyo lahayn, Xoogga dhumucdiisa,
iyo dhanu ka maro kaan aqoon, dhigan lahaa Eedo,
Xaqooduu u soo dhicinayaa, Dhagaxu saarraaye,
soo dhiibo dacwaddaad qabtoo, sheego dhibahaaga.

Dhimirkiyo damiirkaa dhigaa, Dhacu inuu liito,
magta oo la dhiibaana waa, Qaran la dhawraaye,
wixii dhimman ayaa dhaami jirey, Dhiilka oo marane,
cid dhammays ku bixisaan jireyn, dhiibi gebigeede,
Dhibbanuhuse wixi uu helee, Eeda-gale dhiibo,
caymashey u tahay Dhaawacii, Dhiiggu gororaayey,
Dacwaddaada dhiiboo bal tiri, dhibaha aad sheegan.

haddii aad dhammaysood Caddayn, Waafiya ad dhiibto,
oo aad wax dhaadhici karoo, dhabana aad keento,
xafiiskaa dhiraandhininayoo, sii dhammaystiraya,
isagoon Dhashiikiyo ridayn, Dhoombir wax halleeya,
oo qodobbo loo dhaabay iyo, xeerka dhereraaya,
Dhambaal baw diraa dhinacyadii, dhibaha kuu geystey,
dhibaatada intii ay dhigeen, Dhidibna loo haayo,
magdhaw inay ka dhiibaan ayuu, qori dhambaalkiisu,

in la dhibo sidaan ruux jeceli, jirin Dhalaallkiisa,
ayumbuu ka dhaadhicinayaa, Dhibaha kii geystey,
haddaad beerto dhiilliyo Dakane, Dhamac sideediiya,
adunbay ku dhawree berroy, kuuna soo dhiciye,
Dharaartay ku soo qaabbishaa, way dhanaantahaye,
Dhibka jooji buu oranayaa, Dhibaha kii geystey,

Somaalidan Dhibaatadu heshee, Gebi dhaclaynaysa,
inta badan xal bay dhawrayaan, Nabadda dheegaane,
iyadoon la dhaafayninoo, xeer la dhababaynin,
heshiis loo dhammaystiranyahoo, dhigan ayaa yaalla,
Rajo wacan ayaad dhawri iyo, dhicin Xaqaagiiye,
dacwaddaada dhiiboo haddeer, sheego Dhibahaaga.

Hawlgalkaannu tiirka u dhignoon, dhidibbadaw taagnay,
xaq la soo dhacshaa buu billow, yahay dhambaalkiisa,
dhibbanihi samroo quustay buu, dhalin xuquuqdiisa,
saqda iyo Dharaar weerarkuu, xiri dhaqaaqiisa,
Qoyskuu dadkiisii dhintaa, Dhaxal ku caymaaya,
Dhaawacu midkuu gaaray baa, Boogti dhayanaaya,

Dhismihii dumuu dib u dhisaa, kii dhur suganaayey,
Dhiblowgay u noqon Waano oo, toosi Dhimirkiisu,
in la daadsho Dhiig baan mar kale, Dheel an geli doonin,
Dhibaatada nin wadey baa hadhow, dhawri Rayidkeenna,
Dhulkeennay kalsoonidu noqee, Dheemman iyo luule,
Dacwaddaada dhiiboo bal keen, sheego Dhibahaaga.

Maansada Dha'deediyo murtida, waxa dhammaadkiiya,
Saldhiggeeda dheer ee Biyaha, kama dhibcaankiiya,
ee dhibka ad sheegtiyo dacwada, Mira dhalkeediiya,
Dhacdadaad ka sheegayso ee, dhalisay Eeddaada,
Dhaawac culus inuu jirey amaba, Dhimasho ay taalley,
ama ay u dhigantoo si kale, Dhibuhu kuu gaaray,
oo aad dhibbanaheed tahoo, Xeerku uu dhigiyo,
Somaaliya dhexdeedana ahayd, goorta uu dhacayey,
buuxi Foomkan dhaadhaca-kan ood, hoos u dhuganayso:

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk