DHAMA' ama soomaali dhoohan (Carta 2000)
Maansadan Soomaali Dhoohan oo aan wax yar ka hayo inaan dib u helayana aanan hubin, waxay soo baxday sandkii 2000, waxan kaga afeefanayey billowgii shirkii Carta oo aan ku tilmaamayey inuusan waxba ka duwanaan karin shirarkii ka horreeyey ee dhiig daata uun ka dhalan doono, sidii shirarkii ka horreeyey oo mid walba ku dhammaaday weerar iyo weerar celis.

S darteedna aanuu ka soo baxayn wax soomaali wax u taraya, wax wax u dhiba mooyee, ilaa ay qirato dembiga maata-layska ah ee ay ka gashay hooyooyinkii dhalay, ee odayaashan qabiil ee ay sheegtaan la dhalay, waana kuwan baydadka aan ka hayo:

Soomaali dhoohaney, dheelallaw ku jiraay,
qalbigii wax dhugan jirey, dhugya maan ka maraney,
dhaqankeedi guud iyo, diinteedi dhaaftaay,

Dharaartey shiraayaan, Odayaasha dhoobane,
Boqollaalka dhaafaa, isma ay dhegeystaan,
way wada dhawaaqaan.

Kulankay u dhoofaan, Goor xun buu dhammaadaa,
iska daa dhurow iyo, Khayr soo dhawaadee,
Dhiftintii horeetaa, sii dheellinaysoo,
Caro sii dhalaashiyo, Dhashiikiyo colaad iyo,
Dhufays baw dambaynaya.

Labo isu dhaxeenoo, is yaraha dhibsadoo,
Dhoofo ay leedahay, hadduu soo dhaqaaqee,
mar dambay dharbaaxo un, kari maayo Dherigaa,

Arrintoon dheg xumayn, saa u sii dhirqanayn,
yey intay dhabqiyaan, sii kala dhilqiyaan,
Dhurdo iyo sidii ay, Dhilqo ay yihiin bay,
reero wada dhaqan ay, Furriin uga dhammeeyaan,

Dheeldheesha dhaaf ee, halkay caawa dhuganee,
car ninkee ka dheelmoo, horay uga dhaqaajiya,
oon waxan dhur leennahay, Dhaldhalaal adduunyiyo,
Malaayiin u dhiibnaa ?

Taasi dheelallaw iyo, waa waxan dhacaynine,
qof kastaa dhankiisuu, Dhama' uga jiraahiye,
aniguba dhankeyguu, iga dhaawacaayaa,
Go'aygan Dhex-ka roor, dhaxan hayga celshoo,
dhexda aan ka galee, waan dhehee nabadey.

--------------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk