Diktoor aan naxayn iyo Dhakhtarrada ma diiraan, 11-07-2015
Maansadan DIKTOOR AAN NAXAYN IYO DHAKHTARRADA MA DIIRAAN oo soo baxday 11-07-2015, waxay timid kaddib markaan arkay, in badan oo ka mida dhakhaatiirtii soomaaliyeed oo marrastii ehelkooda ahayd, oo markii horeba la daalaa dhacayey dhibaatadii Qabyaalladda iyo Alla qaadkii Qaadka ahaa badeen, kana sii dhaxashay Faqri iyo Cudurro baahsan, ay Dhakhaatiirtaas in yar oo ka mida maahane, sida Allaha xafidee ina Madaxweyne Aadan Cadde, keeneen inay masaakiin haddiiba ay 3 da waqti midkood Dab shitaan nasiib lahaa, si xun uga faa'iidaystaan oo intuu Rugtiisa Caafimaadka keensado Daawo uu ogyahay inaysan cid kale oo Dalka jogtaahi haynin, uu isagoo ku lug goynaya u qoro, markay soo daalaan oo Xamar oo dhan ku soo wareegaanna ku soo noqdaan, iyagoo leh Diktoorow!!!!!, Daawadaad noo qortay waan soo weynaye mid la nooca oo Dalka laga heli karo noogu beddel, isna markaa ku yiraahdo anigaaba hayee iga iibsada, isagoo ka siinaya qiimihii uu doono, illeen Daawo la helaa qaali ma ahane, Calaa kulli xaal, waana tan Maansadii:

Dhakhtarrada ma diiraan, Diktoor aan naxayn oo,
Raxmaddii ka duushoo, Naxariis ka duugmoo,
Dabcigiisu uu yahay, Isha Ribix deyeysaa,
Rixin dooni maysee, Shilinkaa u daawaa,

Damacuu ku taamiyo, Dookhiisu uu yahay,
Darxumada miskiin iyo, Dagaag uu ka taajiro,

Iyadooba Diif iyo, Darxumadaasi awgeed,
densanaa Dabkoodii, Quudkii daruuriga,
Haddii Duhurba loo helo, Casho loogu dari karin,
Digsigoodi roganyahay, Deynna ay u dheertahay,

Doorka Ruux xanuunsado, Sebi Neefi dili oo,
Naqas diiqdi haysoo, jirku wada dubaaxaa,
Naftii tahay dabaadiye, doorsoomay Muuqii,

Araggiisu deyayoo, Samadow dabayshaday,
inuu daayo Ruuxuna, Dadkiisii ka dhawrayo,

Haddii uuse Duco qabe, Diktoor wacani uu helo,
Daa'imkeenna idankina, Daacad ugu adeegaya,
Cirbad qurahe uu duro, Dawuu garani ugu daro, 
Nus Daqiiqo gudaheed, Cudurkuba ku deynayo,

ma yeelee Diktoorkaa, Soomaali dulmiley,
Degelkeeda joogaa, in yaroo dabiibtoo,
damiir weli u noolyahay, oo tiro madoorshaa, 
Ina Aadan Cadde daya, Eebbahey ha daayee,
Dabaqii Naciimiyo, Durdurkii Firdawsiyo,
Darajaad la geygii, Diracaa ka kow yahay,
inta kale Damiirkiyo, Diintiya xishoodkii,
Daas bay dhigteenoo, Beec bay ku doonteen,

Dadnimadi abuurkeed, Dirham laga dhimaayoo,
laga duugi dooniyo, Adduunyey ka doorteen,

Daawo aan cid kale hayn, Daaskiisa mooyee,
Dukaan kaleeto laga helin, warqad xumoo duggaafaa,
intuu daabac ugu qoro, ha ku daalin ma dhahee,
XamarDaya wareegoo, la dawaaf yiraahdaa,

Dabcan lama helaayee, Goortey ku daalaan,
Dib u soo noqdaanoo, Diktoorkii Luggooyadu,
Dabinkuu u sii dhigay, Dalaq soo yiraahdaan,
waxay oran Diktoorow, Dawadaani Yurub iyo,
Dubey kama sokeysee, noo daabac beddelkeed,

Hayeeshee Diktoorkoo, Qosol daamankii dhigay,
baa yiraahda daya taas, dusha Miiska ii taal,
Dirham goynba maayiyo, Shilinkaan duqoobee,
Doollarkii Caddaa iyo, iga siista Diinnaar,

haddii kale Damiinyahay, an diktoorka noqon karin,
Cunuggiinnan Daanyeer, yeysan neeftu deynoo,
ha ka duusho maaheee, hadduu doono immikadan,
haba daayo Ruuxoo, Aakhirow dabayshado.

Soomaali dulmiley, waligeedba waxa dila,
kana reebay doorkeed, Qabiil Daaman weyniyo,
ibliiskii Dijaalkee, midnimadi u diideen,
taabuu Diktoorkaan, Dubaaqaasi ku hayaa,

ee intay dareemaan, Caro wada dillaacaan,
Subax wada dareeraan, iyagoo Ul iyo Diir,
isu dumay sideedii, waxna aan dilayn oon,
qarribayn Dalkoodoon, Daarahooda duminayn,

Sawdkooda Dawankiyo, Durbaan intay ku qaylshaan,
oranaynin Dullidaan, Dallaalleydan ma naxaan,
sidii Shilinta Duurkaa, Dhiiggeenna dudubee,
Qabiil waannu dayrinnoo, Dabaq baan ka tuurnoo,
Midnimaan ku diidnee, dooni mayno tuugee,
ha na dhaafto dullidaan, dareen laawayaasha,
Belaan Diir naxayn iyo, hana dayso Dibidaan,
  
Dawgaasi xiran oo, Dareenkaasi ma jiree,
ama roge Dalkoodoo, u dagaage Dibadaha,
oo dhibe Dadyow kale, Dalkoodii ilaashaday,
ama Duudka roge oo, is dalluucshe gebigood,
sida Deyro Geel iyo, Lo'da Deelka lagu dhigo,
Dacashay sunteen iyo, laalaadshe Dacaydaa.

Diinteennu waxay fari, Muslimkeenna Diibkaa,
hadduu Gaal la deris yahay, densanyahay Dabkiisii,
Duqii reerku liitoo, Dirham uusan hayn oo,
Durriyadu ka gaajoon, Muslimkii la deris ahi,
waa inuu dadaaloo, Odaygana daweeyaa,
Ubadkana daryeeloo, Dacaamkooda bixiyaa.  

Hase joogo Deris iyo, Dawladahaa kaleetee,
kay hooyo Diibiyo, aabbaheeda Diiriye,
ay wada dihdeen oo, lagu qaaday Duud qura,
Naas qurana lagu duway, bay Nolol u diiddoo,  bay oofa dooxdoo
waa reera Deel iyo, reer Dibi madoobiyo,
reer Daaman dheeriyo, ku dhammaysay reer Doog,
--------------------
reer Daqaya Miino, reer Doolla siiqo,
reer Doobba weyne, reer Dacaya dheere,
reer tabiska daadshe, reer Duufle moorsho,
reer Diimo badane, reer Mire Daboole,

reer rixima diirte, reer Daara dumiye,  

reer marras dalawshe, reer Ummula dooxe,
reer Agooma dubaye, reer moora duuge,   
reer Dulli ku faane, reer ehel dilaaye,  
reer tira ma doorshe, reer Dameero laaye,

reer caqli ka daaqe, Ahlu Diin dagaagshe,
reer derisya boobe, reer Booli daaqe, 
reer dulumya quute, reer xalaasha diide,
reer Deeq isbaaro, reer dijaalya tuugo,

reer qurux ku diime, reer cali ma diire,
reer doqoma koriye, nace Daa'imkoodii,

-------------------
Subxaankee Duruufley, Soomaali Asal Danab,
dunteedii wacnayd iyo, Degaankeedu Dahab iyo,
Doollar uu ahaan jirey,

Dunida xoolo waxa jira, doorkood lahaan jirey,
nicmadoo dabaalee, Dooggiyo cagaarkii,

dulqaad yarida awgeed, ka dagaagtay quruxdii,
u dagaagtay foolxumo, duudka looga joogsado,
maxay Derisya dhawrtaa, oo Gaal daweysaa,
iyadays dullaysoo, is gumaysan Duhurkee.

---

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk