Deji dareenkayga, 26-08-2018
Jariimiya dembaan dheerihiyo, darajo hoosayne,  duwani saansaane,
iyo inaan la ii dirin dadkoon, ahay Dir beeleede, ---
Nabi Yuusuf adoo duugay oo, Daa'im dhigay Jeelka,  Jeelka ku daboolay,
Daa'uudna ku ridoo xanuun, daalsha ku hagoogay,
anna boorka deebtiyo adaa, diiqad igu beeray, buubka igu daalshay ---

dabadeed adaa daalacdoo, qaybka daawaniye,
duxda eebbannimo iyo raxmada, badan daraaddeeda,
iga reebay inuu doqon gartiyo, midan danaynaynin,
ama sawir inuu igu digtiyo, duul xun iga dhawray,  
darteedan dhammayn karin Shukriga, Daa'im mahaddaaye,
Allow labada Daarood middii, Doora igu toosi,
----
Diinnaar Allow iyo adoo, Deeqda igu dhoobay,
inan khayrkay la dawaaro oon, shaqo la doontoonto, ---
oon dunida duuraan rabaa, Duurka ka xamaasho,
Duulkiina maan ihi Sabtiga, diiday amarkaaga,
shimbir duban Mannaha iyo Salwiyo, Malabki doocaanka,
ayum baad dushaa uga dirtoo, toos u soo degaye,
oo may sugayn Gacan Dadoo, Fiiris daba yaale, 
iga deyn Allow jeelkan oo, Dawo san ii naadi,
iga yeel midkii dooran kara, -------
oo dunida qaban kara ------, shaqada aan doono,

iga dey Allow jeelkan aad, dusha ka soo faydday,  rogay dabeecayga
oo labada Daarood middii, Doora igu toosi,
---------
In kastood i darajaysay ood, ina daryeelayso,
istarees ayey dilay dadkii, iga dareemaane,
oo damiirkad igu uuntay baa, ila dagaalaaye,
Dadnimada kuwaan dheerihiyo, Coonta doconaysa, duful
oo shaqow dareeraysa oo, ridan dacaamkeeda,
indhahaas i soo dayi ayaan, Daafta ka arkaaye,
daciifnimaan dareemaa Allow, Digasho hoosaade,
Niyaddayda Allow diirtay iyo, deji dareenkayga,

oo Jeel dushaa furan ayaan, daafi ku cunaaye, 
oo aday dabooloo Xabsigan, deegta ii suraye, 
samir iyo Dulqaad badan isii, Daa'in baad tahaye,
oo labo danood tii san oo, Doora igu toosi,
------------
in kastoy ahayd duunyadani, Jeel dushaa furane,
Muuminkaa dulqaad looga rabo, muran inuu daayo,

doc haddii la dayo daa'imow, dabaca aan sheegan, dayaca
waa waxaan darnayn oon dadkuba, iga dareemaynin,    

sharci ha haysan, shaqada liidatana ha qaban karin, -----
sharci li'i ayaa ii diidee, dhulka daahirkaa & xafiisyada aan ka shaqayn karo ---

shaqada daahirkeen qaban karee, boorka laga duulsho,
sharci li'i ayey diidi iyo, Dal an ka soo jeedo,
oo Dulumku faltigaa yahoo, qabil ku duufaayo,
oo odaga taliyaa Qabiil, dhidid u daadaayo,
oo agoonta duudsinihayoo, cuni dacaamkooda,
oo dulum u doodaa Xaqada, Duluf ka yeelaaya, Damag ku siinaaya,
oo duqowdu 
shaqadii daciifkana adaa, Daa'iim iga reebay,
oo sankaan dabooshaa markuu, Dibile soo muuqdo,
oo siigo kolkey duusho baan, dibiguryeeyaaye,
oon daayo horow socosho iyo, Damaca kaygaaye, waallaaye
daannadaygu sababee Allow, duuli hadadeeda,

dabbiraadda noloshiyo halkii, Dawga ugu fiican,
dabbiraadda dariiqawgu wacan, dawga igu toosi, ---
oo Daliigta leexaysa iyo, daw xun iga leexi, ---
dariiqyada ibliis joogsadiyo, luuqa dulumlawga,
oo Daaha iyo uu Acraaf, Duhur ku sii sheegay,
ee yiri Dagaal baan la geli, Duulka ku addeeca,
adna tiri midkay diida ee, adi ku soo doonta,
adya docorka anay diida ee, adi ku soo doonta,
waa ballan inaan Dogobyo Naar, idin dabaashiiyo,

nin deyeysan oo sida Dameer, Dacayda laalaadsha,
oo Dabaqa kore saaranoo, yahay degaankiisu,
oo khamrada durduurtoo cabaa, cunaya Doofaarka,
aalkoliiste daandaansanoo, igu daloombaaya,
ayaa Deris la iigaga dhigoo, jiifku dacarowye, ka dool ahaye
haddaan docan ka aadana helaa, uma dilnaadeene
Daa'imow adaan kuu cawdee, Nolol san ii doori,

Adaa Duul 
anna igu xiroo daabiyadan, Dawgan yiri jooge,
anna inan daqaaqamiya shaqo, diiday dhaqankeede, falankeede,

anigana anoo
anigana adoy duugin oon, j
xanuun dadku arkaayaanna aan, igu daruuraynin,
xanuun dadku dareemaanna aan, igu daruuraynin,
oo dalan nadiif iyo ahayn, diifta laga dhawrka,
inanan nolol ka doondooni karin, sida dadkaan jooga, daguugaaye,
ayun buu dadkii igu nacoo, laygu durayaaye,
Allow labada Daarood middii, Doora igu toosi.


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk