AHLUNAAR DUQOOBAY, 14-08-2007
Maansadan Ahlunaar duqoobay ama balaayada is daba taal, oo soo baxday 14-08-2007 waxay la
hadlaysaa dadka bahaa'imka dar xumeeya, taas oo ay diinteenna xaniifka ahi xarrimtay, & sheekooyin
xaqiiq ah oo dadkii sameeyey magacyadooda la ii sheegay, waana tan maansadii:-
Markaad dhowr daqiiqaba, sii joogto dunidaan,
haddii uu dareen yari, kugu sii dambeeyaba,
murug baa ku dilanee.

Balaayada is-daba taal, Daaha aan ka qaadee,

1.  Ahlunaar duqooboo, doqonoo waxaa jira,
Neef soo dayoobee, Lo'yawgiisii debin hore,
soo diba maryeeyee, ku darsamay kuwiisii,
oo cawska dooyada, la soo daaqi jirey baa,
markii uu darkiisiyo, weelkiisa doogtee,
afka dalaq ku siiyaba, Ul intuu la duuluu,
daankiisa jebiyaa, oo ugu darraanaa,
maanaa leh dibigaan?

2- Waxa kaa ka daran kii, neefkii dayoobee,
degelkuu xirmaystiyo, beertiisa daaqaba,
inta dabarka uu furo, dabadana ka cayrshoo,
raaciyo dabayshaa, degmadiina dhaafshiyo,
degelkuu ku noolaa, oo Libaax dilaayiyo,
tuug dooxataystiyo, dugaaggaa u loogaya,

3- Waxa kaa ka daran kii, Tanag dabada uga xiray,
dabadeedna neefkii, hawadaa ku duuloo,
wadnahoo dakaamaya, noloshii is daayeen,
ama duul lahaa iyo, degmadiisi dhaafshoo,
dilaa aan naxayn iyo, Dugaaggii u loogaya.

4- Waxa kaa ka daran kii, Musmaar lambar diyeeshaa,
lugta uga dalooliyey.

5- Waxa kaa ka daran kii, suu Caleen dambeetiyo,
uba daaqin geedaha, intuu Silig diyaarsaday,
carrabkiisa duubaya.

6-  Waxa kaa ka daran kii, siduu geed Dulweyn iyo,
Damal yaaqa goynayo, Faas u daabanaayoo,
min daliigta hoosiyo, ilaa deegta madaxaa,
ku duqeeya neefkii, beertiisa daaqaba.

7- Waxa kaa ka daran kii, Indhihii daloolshoo,
araggiisa demiyoo, neefkoo Duglaynaya,
dooxaa hortiisiyo, hadba ceel ku duulaa,
dabadeedna noloshii, silic ay ku deynee.

8- Waxa kaa ka daran kii, neefkaba dubaayoo,
intuu Gaas ku daadiyo, kabriitkii ku daaraya.

Siddeeddaas dullowdee, Dareenlaawayaashaa,
iyo duufalaalaha, weli duuggi aan arag,
waa dayuuse lee yiri, dabadhilifka cadowguu,
naagtiisa Deeqiyo, inantiisa Diibaa,
iyo weli dekeeyoo, hooyadii dihootaa,
inta Cadow dukhuulaya, ugu geeyo Daartii,
cawradooda deyn iyo, iib ku doorsanaayoo,
Shilimmaad ku doonaya.

Sagaalkaan daliilshiyo, Boqollaala dabayaal,
ma damqado jirkoodoo, waa cadow dijaaloo,
holac lugu dubaayiyo, u diyaara jahannamo.

Cishadii la duuboo, ehelkiisu dayrshee,
Qabri ay ku duugaan, dananaaya qayloo,
oranaaya Daa-imow, mar hallay dul qaatoo,
Daartii adduunyada, dib hallaygu celiyo an,
Camal ii daneeyiyo, Khayr soo diyaarshee.

Diinteenna wacan iyo, Mu'minuun ka daawoo,
Eebboo ka diidaa, ku yiraahda doqonkaa,
Daamankiyo carrabkaa, Deelka uun yiraahdee,
sugi maayo duuluhu, naxariis dulkiisiyo,
ruuxiisa loo dumo, waaryaa bal Duulow,
waadigan dullaysane, aawaye dadkaagii,
iyo Culummo diinkaad, diidaysey berigii,
degdeg oo haddeertaan, duulkii u yeero aad,
la dabaalaneysoo, Dulum kuugu hiilliyey.

Markuu ruux daneeyoo, u dirnaxaya waayuu,
Daa-im uu yiraahdaa, waar u daadeg naartiyo,
dooxii cadaabaha, hanay soo dammoon oo,
dhawaaqaa dambeetiyo, Deel yaanan kaa maqal.

Madax dugul madow iyo, middi daabki wadataan,
laga quusan duunkee, war bal heedhe duulow,
bal inaad Fabbaal tahay, haddaad Awrkan aad dili,
Haantii dambeeddiyo, horaad aad dul saartood,
Degmo dheer la aadee, miyuu awrku diidiyoo,
Dood kaa hor keenaa ?

Dhan kalena u duuboo, haddaad rubadda dooxdood,
hilibkiisa duudkiyo, Sarar aad daliigee,
miyuu diidi karayaa ?

Dhan kalena u duuboo, haddaad iibka dagan iyo,
Xaraash aad ku doontood, Shilimaad ku doorsee,
miyuu diidi karayaa ?

Dhan kalena u duuboo, Hal irmaan bal doojow,
haddii aad dabraysood, doobiga u culan ood,
tobannaan diraacood, intuu ruuxu deynayo,
dambarkeeda maalee, miyey dood ka keenee?

Mid kaloo ka sii daran, markii ay bal duulow,
maanaa leh Dibigaan, Dibintaadu leedahay,
Wanka Doosha weyn eed, Alla-Bariga deentaa,
luguu dooxayood cuni, Dirham iyo miyaad adi,
bixinaysey Diinaar ?

Bal inaad Dabbaal tahay, naartii dabaalaa,
intaan soo daliishiyo, in kaloo ka sii daran,
ood weliba duunyada, dibindaabyadaadiyo,
darxumo aad u geysee, miyey dooje oranee,
imaad lihide duulow, i sii daa haddii kale,
dacwaan kaa gudbini oo, dulmigaaga sheegaa.

Sida aan dareemayo, jawaabtaada doorkaa,
maya weeye Duulow.

Tan kaleeto doojow, Naag yara dambawdoo,
Durmad qoolka gelisoo, baahiday la deysay ay,
daraaddeed u dhimataa, Naar loo diraayee,
bal inaad Dabaal cali, dulli aad ka sii tahay,
Barwaaqada duxdeediyo, Dufankaad durduuree,
kuwa aad ka doogee, haddii aad dilaysood,
Dibindaabyo gelinee, Degelkii Qiyaamaha,
duulow xaggaad geli ?

Bal haddaba dullowdaye, ma dareenka kaagiyo,
Damiirkaad ka dhimmantahay, mise duunyadaadaad,
Ceel booya dejidood, weligoodna Daal iyo,
Harraad ay dareemayn, miyaad duule aad maqal,
baadiyu nin dooloo,  dirkeed aan lahayn bey,
weligeed ag daaqee, mise duule aadkaba,
daartii qiyaamiyo, Daa-imkeenna wayn baad,
rumaysnaynba Diintiis?

Bal an sii dabaylshoo, sheeko soo dabbaalee,
Duul socdaalayoo beri, Baabuur la duulaya,
 
ayey Cadow dad-qalatiyo, Mooryaan dagaagee,
dariiqii istaagtoo, isbaarada u duugeen,

Markey jeebki dooxeen, Dadki wada furteen oo,
Sahaydii ka diirteen, oo inay dullaystaan,
Dumarkii billaabeen, Oday dahaba baa jirey,
oo Aabbo Diin lahoo, dhiiggiisu diirayey,
inkastuu duqooboo, aad u sii da' weynaa,
markey Deeqaduu dhalay, diricii ka siibeen,
oo inay dukhuulaan, u diyaar garoobeen,
oy diiqatoy tiri, Aabbow i diirtee,
maygu daawanaysaa? 

Isna wuu ka diiroo, caro buu dillaacoo,
wuxu yiri dulloobeey, haddii doorka maantaa, 
Daynabo horteydaa, mooryaan dukhuulaya, 
Maryihii ka diirtoy, dananayso Qaylada, 
maxay nolol dambeetoon, dunidaan ku joogaa, 
i taree dulloobaye?

Dabadeedna Toorrey, iyaduba duqowduu,
Gasha uu ka doontoo, Tuuggii dulmaayee,
boobaha dilaagaa, Degta uu u saarnaa,
buu caloosha dooxoo, Xiidmihiisa daadaa,
dibaddaa u soo dhigay.

Dabadeedna Eydii, Maqribkoo dumaayiyo,
iyagoo Dakane qabey, iyo Daa-im weynoo,
dawaqaad ku beerayey, Ruux ruux ma deyinoo,
sida Deero yaacdey, dabadooda jeedsheen.

Waxa iga dardaarana, Daa-imkeenna uu yiri,
qofkii daarta Aakhiro, Cadaab uu damqaayoo,
raaxadayda doonaa, darajeeya martidoo,
Deris aan dhibaynine, 

Qof kastoo damiir loo, Diintiisa jecelow,
sida odayga dahabkaa, wixii doqonnimaa iyo,
dayacaadda Xoolaha, waa inaad ka diirtaan.

Markaad neef dayooboo, dagaagaya aragtana, 
waa duul martiyahoo, Daartaad lahayd iyo,
Darkaagii yimaadee, ha ku daynin baadida,
harraadkaa dilaayiyo, gaajada duraysee, 
wax u dhigo dibkaagiyo, Yoom aad dagaagee,

digtoonaada gebigiin, Maalin lays dubaayoo,
dhibka jira daraaddii, la daandaamayaa iman !!
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk