AHLUNAAR DUQOOBAY, 14-08-2007

Maansadan  Ahlunaar duqoobay ama balaayada is daba taal, oo soo baxday 14-08-2007 waxay la
hadlaysaa dadka bahaa'imka dar xumeeya, taas oo ay diinteenna xaniifka ahi xarrimtay, & sheekooyin
xaqiiq ah oo dadkii sameeyey magacyadooda la ii sheegay, waana tan maansadii:-

Markaad dhowr daqiiqaba sii joogto dunidaan
haddii uu dareen yari kugu sii dambeeyaba
murug baa ku dilanee.

Balaayada is-daba taal daaha aan ka qaadee

1.  Ahlunaar duqooboo doqonoo waxaa jira
neef soo dayoobee lo'yawgiisii debin hore
soo diba maryeeyee ku darsamay kuwiisii
oo cawska dooyada la soo daaqi jirey baa
markii uu darkiisiyo weelkiisa doogtee
afka dalaq ku siiyaba ul intuu la duuluu
daankiisa jebiyaa oo ugu darraanaa
maanaa leh dibigaan?

2.  Waxa kaa ka daran kii neefkii dayoobee
degelkuu xirmaystiyo beertiisa daaqaba
inta dabarka uu furo dabadana ka cayrshoo
raaciyo dabayshaa degmadiina dhaafshiyo
degelkuu ku noolaa oo libaax dilaayiyo
tuug dooxataystiyo dugaaggaa u loogaya..

3-  Waxa kaa ka daran kii tanag dabada uga xiray
dabadeedna neefkii hawadaa ku duuloo
wadnahoo dakaamaya noloshii is daayeen
ama duul lahaa iyo degmadiisi dhaafshoo
dilaa aan naxayn iyo dugaaggii u loogaya.

4.  Waxa kaa ka daran kii musmaar lambar diyeeshaa
lugta uga dalooliyey.

5.  Waxa kaa ka daran kii suu caleen dambeetiyo
uba daaqin geedaha intuu silig diyaarsaday
carrabkiisa duubaya.

6.  Waxa kaa ka daran kii siduu geed dulweyn iyo
damal yaaqa goynayo faas u daabanaayoo
min daliigta hoosiyo ilaa deegta madaxaa
ku duqeeya neefkii beertiisa daaqaba.

7.  Waxa kaa ka daran kii Indhihii daloolshoo
araggiisa demiyoo neefkoo Duglaynaya
dooxaa hortiisiyo hadba ceel ku duulaa,
dabadeedna noloshii silic ay ku deynee.

8.  Waxa kaa ka daran kii neefkaba dubaayoo
intuu gaas ku daadiyo kabriitkii ku daaraya
Siddeeddaas dullowdee Dareenlaawayaashaa
iyo duufalaalaha weli duuggi aan arag
waa dayuuse lee yiri, dabadhilifka cadowguu
naagtiisa deeqiyo inantiisa diibaa
iyo weli dekeeyoo hooyadii dihootaa
inta cadow dukhuulaya ugu geeyo daartii
cawradooda deyn iyo iib ku doorsanaayoo
shilimmaad ku doonaya.

Sagaalkaan daliilshiyo boqollaala dabayaal
ma damqado jirkoodoo waa cadow dijaaloo
holac lugu dubaayiyo u diyaara jahannamo.

Cishadii la duuboo ehelkiisu dayrshee
qabri ay ku duugaan dananaaya qayloo
oranaaya daa-imow mar hallay dul qaatoo
daartii adduunyada dib hallaygu celiyo an
camal ii daneeyiyo khayr soo diyaarshee.

Diinteenna wacan iyo mu'minuun ka daawoo
eebboo ka diidaa ku yiraahda doqonkaa
daamankiyo carrabkaa deelka uun yiraahdee
ugi maayo duuluhu naxariis dulkiisiyo
ruuxiisa loo dumo, waaryaa bal Duulow
waadigan dullaysane aawaye dadkaagii
iyo Culummo diinkaad diidaysey berigii
degdeg oo haddeertaan duulkii u yeero aad
la dabaalaneysoo dulum kuugu hiilliyey.

Markuu ruux daneeyoo u dirnaxaya waayuu
daa-im uu yiraahdaa waar u daadeg naartiyo
dooxii cadaabaha hanay soo dammoon oo
dhawaaqaa dambeetiyo deel yaanan kaa maqal.

Madax dugul madow iyo middi daabki wadataan
laga quusan duunkee war bal heedhe duulow
bal inaad dabbaal tahay haddaad awrkan aad dili
haantii dambeeddiyo horaad aad dul saartood
degmo dheer la aadee miyuu awrku diidiyoo
dood kaa hor keenaa ?

Dhan kalena u duuboo haddaad rubadda dooxdood
hilibkiisa duudkiyo sarar aad daliigee
miyuu diidi karayaa ?

Dhan kalena u duuboo haddaad iibka dagan iyo
xaraash aad ku doontood shilimaad ku doorsee
miyuu diidi karayaa ?

Dhan kalena u duuboo hal irmaan bal doojow
haddii aad dabraysood doobiga u culan ood
tobannaan diraacood intuu ruuxu deynaa
dambarkeeda maalee miyey dood ka keenee?

Mid kaloo ka sii daran markii ay bal duulow
maanaa leh dibigaan dibintaadu leedahay
wanka doosha weyn eed alla Bariga deentaa
luguu dooxayood cuni dirham iyo miyaad adi
bixinaysey diinaar ?

Bal inaad dabbaal tahay naartii dabaalaa
intaan soo daliishiyo in kaloo ka sii daran
ood weliba duunyada dibindaabyadaadiyo
darxumo aad u geysee miyey dooje oranee
imaad lihide duulow i sii daa haddii kale
dacwaan kaa gudbini oo dulmigaaga sheegaa.

Sida aan dareemayo jawaabtaada doorkaa
maya weeye Duulow.

Tan kaleeto doojow naag yara dambawdoo
durmad qoolka gelisoo baahiday la deysay ay
daraaddeed u dhimataa naar loo diraayee
bal inaad dabaal cali dulli aad ka sii tahay
barwaaqada duxdeediyo dufankaad durduuree
kuwa aad ka doogee haddii aad dilaysood
Dibindaabyo gelinee degelkii qiyaamaha
duulow xaggaad geli ?

Bal haddaba dullowdaye ma dareenka kaagiyo
damiirkaad ka dhimmantahay, mise duunyadaadaad
ceel booya dejidood weligoodna daal iyo
harraad ay dareemayn, miyaad duule aad maqal
baadiyu nin dooloo  dirkeed aan lahayn bey
weligeed ag daaqee, mise duule aadkaba
daartii qiyaamiyo daa-imkeenna wayn baad
rumaysnaynba Diintiis?

Bal an sii dabaylshoo sheeko soo dabbaalee
Duul socdaalayoo beri baabuur la duulaya
 
ayey cadow dad-qalatiyo mooryaan dagaagee
dariiqii istaagtoo isbaarada u duugeen,

Markey jeebki dooxeen dadkii wada furteen oo
sahaydii ka diirteen oo inay dullaystaan
dumarkii billaabeen oday dahaba baa jirey
oo aabbo diin lahoo dhiiggiisu diirayey
inkastuu duqooboo aad u sii da' weynaa
markey deeqaduu dhalay diricii ka siibeen
oo inay dukhuulaan u diyaar garoobeen
ay diiqatoy tiri aabbow i diirtee
maygu daawanaysaa? 

Isna wuu ka diiroo caro buu dillaacoo
wuxu yiri dulloobey haddii doorka maantaa 
daynabo horteydaa mooryaan dukhuulaya 
maryihii ka diirtoy dananayso qaylada 
maxay nolol dambeetoon dunidaan ku joogaa 
i taree dulloobaye?

Dabadeedna toorrey iyaduba duqowduu
gasha uu ka doontoo tuuggii dulmaayee
boobaha dilaagaa degta uu u saarnaa
buu caloosha dooxoo xiidmihiisa daadaa
dibaddaa u soo dhigay.

Dabadeedna eydii maqribkoo dumaayiyo
iyagoo dakane qabey iyo daa-im weynoo
dawaqaad ku beerayey ruux ruux ma deyinoo
sida deero yaacdey dabadooda jeedsheen.

Waxa iga dardaarana daa-imkeenna uu yiri
qofkii daarta aakhiro cadaab uu damqaayoo
raaxadayda doonaa darajeeya martidoo
deris aan dhibaynine, 

Qof kastoo damiir lahoo diintiisa jecelow
sida odayga dahabkaa wixii doqonnimaa iyo
dayacaadda xoolaha waa inaad ka diirtaan.
 

Markaad neef dayooboo dagaagaya aragtana 
waa duul martiyahoo daartaad lahayd iyo
darkaagii yimaadee ha ku daynin baadida
harraadkaa dilaayiyo gaajada duraysee 
wax u dhigo dibkaagiyo yoom aad dagaagee
digtoonaada gebigiin maalin lays dubaayoo
dhibka jira daraaddii la daandaamayaa iman !!
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk