Dawlad dhisan ma oggoli, 12-09-2018
Dawlad dhisan ma oggoli, anna Dawlad dhisi mayo,
Dunida intaan ku noolahay, Dumin baa u taagnaan,

Dawlad anigu dhisi mayo, tii dhisanna waan dumin,

Durriyaddayda ubadkiyo, DadkaNA kuwa ii xiga,
Dalka waan ka raryaa, Dibaddaan dejinayaa,
Anoo Calaf doonayaan, dib u soo noqonayaa,
meesha yaree Dacaamkiyo, Darajadaw sarraysaan, 
Dalka aan ka geli oo, Dalaq aan ka oranaa,

saan Dantey u gaarana, Doqonkaan wax garan iyo,
Daroogiistayaashaan, Liiska weyn ku darayaa,
Darajaan ku tixayaa, markii ay darraatoo,
iska daba wareegtoo, ciiro ay ka duushana,  
arko inay dumaysana, Dan miyaan ka leeyahay,
Degalkaan ka imid iyo, waan aqaan dalkaygii,
diyaarada taaganan, Dalaq aan ku leeyahay,
Denimaak ka degayaa, ciddii ay la degtee,
badda ay ku daree, dukum daakum ka dhigee,
dan miyaan ka leeyahay,

markii ay dumayseen, Burburkeed dareemana,
baasabborki Denimaak, Dukumintigaygiyo,
dell intaan lasoo baxo
Dayuuraan ku boodaa, Koobinheeg ka degayaa,

waxaan Dabci wadaagnaa, Waraabihii Dooxadee,
yiri Dadkan i eryaayow, Doc kastoo la ii eryaba,
Degaan baan ku leeyahay,

Aniga oo duluglayn, 
Dan kama lihi wixii guban,

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk