Dawga yay iftiinshoo, Duco ii qalqaaliya, 01-06-2011
Dunidaan Dusmayn iyo, Daanno kama dhammaatoo,
Diihaalya Murugaba, waa loogu daw galay,

Dabcigiisa niman garan, Dahab inuu u dhigmoo,
cidna uunan dulminayn, ayaa Waalid dirganayey,
shaydaan ku soo diray,

Qisaduu dakaamee, saaxiibkey ka danqaday,
Deelkeeda wuxuu yiri: 

waxan aan ka diiree, Jirkaygii dubaaxaa,
oo hortayna Duul hore, ka danqaday sidaydaan,

ayaan soo dureerinon, Dawo aan u raadsane,
Anoon Duulal gaar iyo, cidna aan dacweyneyn,

Dibnahoon ka sheego un, Damiirkaygan guban buu,
Dabku uu baqtiin baan, maansada u doortee,
Allow Daa'im fududee.

Adigoo u duubtoo, Dadaal dheer u galay oo,
Dood iyo Dagaal iyo, Doollar waxad helaysaba,
waalidkaa dedaayoo

yaan Daadifayn iyo,  Daanna yari taabannin,
difaaciisa ugu jirey,

siday Diintu na fartiyo, Rasuulkeenna Daahira,
wuxuu noo dardaamayey, Anigoo ka duulaya,

oon hadduu il duufee, dadku eed ka sheegtana,
Dib u joojin aan wedey

meeshi aan ka deyayey, duco aan ka dhawrayey,
hadduu iiga dido oo, i yiraa Dallaal iyo,
Ruufiyaan Daraahimo, u dadaalayaad tahay,

Daaraddayda gudihiyo, sirta ii dahsoon iyo,
Aqalkayga Daahane, Nin dabool ka qaadiyo,
Rikoor duubayaad tahay, waad i daba maryeynee,

Caradaan ka daalacday, dibnihiisa aamusay,
waxa iiga daahiray, Dilaageyna waad tahay,

Eeddaana duuggeed, inaan Daahir ka ahaa,
Daalacdaha Quluubtiyo, Daa'imkaygu ogaa,

Deelkaasi aan iri, waa Murug Da' weyn oo,
Dubaaqdeeda Sunta iyo, Diihaallo wadatee,  

maxaa lagu daweeyaa, maxaa lagu dabiibaa?
maxaa waalidkoon dudin, dhiiggayga dejin kara?

Haddaan deyey hareeraha, Araggayga Duurkiyo,
Dusha sare u qaadoon, diilimaha koreetiyo,
cirka sii dabaaliyey,

doondoonay sabab aan, waalidkayga Diibkaa,
Dulmi ugu rafaadiyo,

welibana Dadyow aan,  Duuggooda garanayn,
uga hiilsho Duhurkii,

Madaxay daryaamoo,  Su'aalaa i daaliyey,

Dir igama xigaanoo, uma diirin qabaliyo,
Duuflaale maahiyoo, Doollar maanan qaadanin,
Duf-ku-baxe maahiyoo, Habaar waalid ima dilin,
Diinlaawe maahiyoo, Daa'im baan ka cabsaa,  

uma doono cuqubiyo, Nabsi uu dabaashoo,
wixii daanno gaaraa, Daqarkayga weeyoo,
Naar baa i dubaniye,

ayaa Uur la dabo iyo, Samir iyo Dulqaadkii,
wax ka doora ii haya ?

inkastooba Diintiyo, damiirkaygu diidayo,
sida cadawga doolka een, magaciisa Deelkiyo,
duunkiisa garanayn,

haddaan uga dan yeeshoon, wixiisoo ka daadaa,
Isha uun ka daawado,

Diintayda wacan iyo, Diirkeenna dhalashiyo,
Damiirkaan i yeelayn,

Waxaan duul kaleetiyo, Dadyow aan u toosiyo,
xaalado is daba maray, ka milqoy il duufeen,
dawgey rabeen iyo, dariiqii ka weecdeen,

Doorkeyga weeyoo, Dariiq bayga weecdoon,
Dawgiisi ka lumoo, ii muuqan dawadiye,

mid abaal dureershoo, soo gudaya doorkiis,
iyo Ruux i deynshoo,  dar Allihi u yeelee,
abaal daaha dhiganaya,  dadka kaad ahaataba,
noqo kii ad doontee,

ayaa iga ducaystoo, Waalid ii daweeyoo,
Qalbigiisa diibkaa, Dariiqiisa ii fura,
Dawga yay iftiinshoo, Duco ii qalqaaliya?

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk